Gabaygii Cilmi Carab Cabdi ku darsaday Silsiladdii Rayad.
Hooyaale gabay waayadeer haabka kuma hayne In dhoweydba waataan ka hadhay himiladiisiiye Ma hawalinnin maansooyinkii igu habboonaaye Hoorri waliba goortuu tirshaan daayay hadalkiise Hayeeshee xaluun baan hurdada haatuf ii yimiye…