Hordhac

Bulsho kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay hanti-dhaqameed ay kaga duwan tahay dadyowga kale, taas oo u adeegta astaan aqoonsi iyo wehel jiritaan. Soomaalida oo taariikhda lagu bartay inay tahay “Ummad Hal-abuur iyo Suugaan lagu tilmaamo,” waxay maansada iyo suugaanta u isticmaali jireen si ka duwan sida ay bulshooyinka kale u adeegsadaan fanka. Suugaanta Soomaalidu ma aha oo qudh ah madadaalo iyo wehel maskaxeed, ogoow oo helde waa xeer-beegti lagu kala baxo, waa kaydka taariikheed ee fac kasta u gudbiyo faca ka dambeeya, waana hubka ugu xooggan ee lagu qaabeeyo garaadka iyo anshaxa bulshada.

Haddaba, xilli aynu ku jirno qarnigii 21-aad oo ay dunidu isu beddeshay tuulo yar, tignoolajiyada iyo caalamayntuna (Globalization) ay hadheeyeen hiddahii maxalliga ahaa, waxaa soo food saaray suugaantii iyo afkii hooyo caqabado waaweyn oo khatar ku ah jiritaankooda. Qormadani waxay si qoto-dheer u falanqaynaysaa kaalinta suugaantu ku leedahay kaydinta taariikhda, caqabadaha hortaagan ilaalinta xuquuqda hal-abuurka, iyo sida loogu baahan yahay in loo dhiso buundo aqooneed oo isku xidha xeerarkii hore iyo tignoolajiyada casriga ah.

1. Maansada Soomaaliyeed: Diiwaanka iyo Kaydka Taariikhda

Maadaama bulshada Soomaaliyeed ay muddo dheer ahayd bulsho ku tiirsan tebinta afka (Oral Tradition), maansadu waxay ahayd “maktabadda qarsoon” ee lagu kaydiyo dhacdooyinka waaweyn. Dagaaladii sokeeye, heshiisyadii nabadeed, abaarihii dhacay, isbeddelladii siyaasadeed, iyo xataa guurarkiii iyo xidhiidhkii bulsho, dhammaan waxaa loo dhiibi jiray maansada si aanay u lumin.

  • Tusaale ahaan: Marka aynu maanta rabno inaanu fahamno loolankii gumeysi-diidka ee qarnigii 20-aad ama dhiirranidii halgamaagii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo silsiladihii maanso ee dhexmaray abwaannadii xilligaas (sida Cali Dhuux, Ismaaciil Mire, Ragii la ayniga ahaa iyo kuwo kale), dhuuxa taariikhda dhabta ah kama akhrisanno buugaag reer magaal oo reer galbeed qoray, laakiin waxaynu ka helnaa tuducyadii maanso ee goob-joogga ahaa.

Haddaba, haddii ay lunto suugaantaasi ama ay weydowdo, waxaa weydoobaya qayb weyn oo ka mid ah taariikhda dhabta ah ee ummadda, sababtoo ah lumitaanka tix maanso ah waa lumitaanka cutub dhan oo taariikhda ka mid ah.

2. Caqabadda Qarniga: Luminta Xaq-dhawrka Qoraaga (Digital Copyrights)

Maanta, dhibaatada ugu weyn ee haysata suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed waa xatooyada aqooneed (Plagiarism) iyo xaq-dhawr la’aanta baahsan ee ka jirta fagaarayaasha internetka. Aaladaha bulshadu ku kulanto ee ay ka mid yihiin Facebook, TikTok, iyo YouTube, waxay fududeeyeen in maanso ama silsilad abwaan weyn uu muddo u dhibtoonayey si fudud loogu dhex baabbi’iyo.

  • Milkiyad la’aan: Qof kasta ayaa iska qaadan kara tix abwaan kale leeyahay, isagoo magaca ka beddelaya ama u isticmaalaya si aan munaasib ahayn si uu u helo “Views” ama lacag ka soo gasha boggaga internetka.
  • Niyad-jabka Hal-abuurka: Tani waxay keentaa in abwaanka iyo qoraaga da’da yar ee hadda soo kacaya ay waayaan dhiirrigelin, maadaama wixii ay maskaxdooda ka soo tuujiyeen aan si rasmi ah loo aqoonsanayn, xuquuq sharci ah ama mid dhaqaale oo ay ku badbaadaanna aanay jirin.

La’aanta nidaam adag oo xaq-dhawr ah (Copyright Protection) wuxuu halis ku yahay in la waayo jiil cusub oo dhaxal-reeb ah, maadaama hal-abuurkii loo beddelay wax si bilaash ah lagu kala boobo.

3. Fogaanta Jiilasha (The Generational Gap)

Waxaa jira fogaan weyn oo u dhaxaysa laba jiil: Jiilkii hore ee ahaa “baddii hiddaha” ee yaqaannay ereyada qotada dheer, miisaanka maansada, iyo hiddaha rasmiga ah, iyo jiilka cusub (Gen Z iyo Alpha) oo ah kuwo ku dhex koray tignoolajiyada iyo afafka qalaad.

  • Lumitaanka Ereyada Dhaqanka: Maanta dhalinyarada badankeedu ma yaqaannaan magacyada qalabka hiddaha, xoolaha heerarkooda, ama ereyadii sarbeebta iyo xeerarka maansada u gaarka ahaa.
  • Xalka Buundada Aqooneed: Si loo badbaadiyo aqoonsiga dhalinyaradan, waa in la helaa hay’ado, akadeemiyo (sida Murti Academy), iyo aqoonyahanno u dhuun-daloola cilmiga iyo suugaanta oo dhalinyarada ugu soo gudbiya hiddahooda luuqadda ay ku hadlaan ee tignoolajiyada. Haddii aan suugaanta loogu qaabayn qaab casri ah, jiilka cusub waxay si buuxda u qaadan doonaan dhaqamada iyo suugaanta shisheeye.

4. Tignoolajiyadu: Ma dabar-goyn mise waa Dhowris? (Digital Archiving)

Dad badan ayaa tignoolajiyada u arka inay baabi’isay akhriskii iyo dhaqankii, laakiin runtu waxay tahay: Tignoolajiyadu waa sef laba af leh. Haddii aynu si cilmiyaysan u isticmaalno, waxay noqon kartaa qalabka ugu wanaagsan ee lagu dhowri karo suugaanta.

  • Ka-guuridda Afka ilaa Qoraalka iyo Codka: Waxaynu ka guuraynaa xilligii suugaanta la isku weydiin jiray “Yaa xusuusta?” Waxaynu u guuraynaa “Halkee bay ku kaydsan tahay?”
  • Mareegaha Gaarka ah (Websites): Samaynta mareeggo internet oo habaysan, kuwaas oo kaydiya maansooyinka ka maysan 100 ama 200 abwaan oo waaweyn, iyadoo tix kasta la raacinayo taariikhdeeda, sababtii loo yidhi, iyo fasiraadda ereyada adag, waa jidka keliya ee lagu dhowri karo suugaanta.
  • Kaydka Maqalka iyo Muuqaalka (Digital Archives): In codadkii abwaannadii hore laga sifeeyo cod-khubadaha (Audio restoration) laguna kaydiyo nidaamka “Cloud-ka” si aanay abid u tirtirmin.

Gunaanad

Dhowrista suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed ma aha hawl u taala shakhsi qudh ah ama koox gaar ah, helde waa waajibaad qaran iyo mid aqooneed oo saaran qof kasta oo raba inuu arko asalkiisa iyo aqoonsigiisa oo nuuraya. Marka aynu isku xidhno qoraalka, cilmi-baarista jaamacadeed, iyo tignoolajiyada casriga ah, waxaynu awood u yeelan doonnaa inaan suugaanteenna ka badbaadinno gurmanka iyo dabar-goynta wakhtiga. Waa inaan garanno in afku yahay dhiigga ku dhex jira jirka qaranka, haddii uu dhiiggaasi istaago ama uu naxaso, jiritaanka qarankuna wuxuu qarka u saaranyahay inuu dhalo-dun-doorsoon wayn.


Kaydintii Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii iyo tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo