Marka uu imtixaanku soo dhowaado, badanaa ardaydu waxay galaan xaalad argagax iyo guux maskaxeed ah, iyagoo isku dayaya inay buugaagta dhan dhabgalaan saacadaha ugu dambeeya. Si kastaba ha ahaatee, sirtu kuma jirto inta bog ee aad akhrido habeenka imtixaanka, ee waxay ku jirtaa qaabka aad u maamusho maskaxdaada iyo kalsoonidaada. Kalsoonidu waa cutubka ugu horreeya ee tabin kara, soona tuuri kara wixii aad fahamto ee ku kaydsan maskaxdaada hoose (subconscious mind). Haddaba, waa maxay shuruudaha qofka ardayga ah laga rabo inta uusan qalin qaadan?

1. Diyaarinta Hore: Summary iyo Hubinta fahamka

Guusha imtixaanku ma bilaabato usbuuca imtixaanka, waxay bilaabataa maalinta koobaad ee casharka. Ardayga heerka jaamacadeed ama dugsi ee raba inuu dhib yar ku baaso, waa inuu raacaa habkan:

  • Samaynta Summary (Kooxayn): Cashar walba oo aad soo qaadato, isla maalintaas ka sameeyo qodobbada ugu muhiimsan (summary) adigoo adeegsanaya erayadaada mudaysan.
  • Hubinta Fahamka: Ha gudbin cashar adigoon is weydiin “Ma u sharaxi karaa qof kale?” Haddii aad fasiri karto, markaas ayaad fahamto.
  • Dulmarka Ugu Dambeeya: Marka uu imtixaanku yimaado, uma baahnid inaad buug weyn akhrido; waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad dulmar degdeg ah (review) ku samayso koobitaankii aad horay u diyaarsatay.

2. Ku Foofida Dhisidda Kalsoonida (Halka Casharka La Joojiyo)

Marka uu imtixaanku soo dhawaaqo, waxaa la gaadhay xilligii aad joojin lahayd roronka casharada cusub. Halkii aad maskaxda ku mashquulin lahayd akhris hor leh, ku mashquul dhisidda kalsoonidaada. Maskaxda hoose waxay u baahan tahay xasilooni si ay u soo saarto wixii aad horay u baratay. Cabsidu waxay xidhaa dariiqyada xusuusta, halka kalsoonidu ay tahay matoorka soo tuura xogta caynkaas ah. Imtixaanka u fadhiiso adigoo qaba kalsooni sarre iyo cabsi-la’aan.

3. Maareynta Waraaqda Imtixaanka (Gudaheeda)

Marka lagu hor dhigo waraaqda imtixaanka, raac labadan xeer ee dahabiga ah:

  • Akhri Dhammaan Su’aalaha Intaanad Jawaabin: Ha ku degdegin su’aasha koobaad. Akhri dhowr jeer xaashida oo dhan si ay maskaxdaadu u bilowdo inay si hoose u qorsheyso jawaabaha, adigoo ka bilaabaya su’aalaha aad sida rasmiga ah u taqaan.
  • Meel Madhan Ha Reebin: Weligaa ha ka tegin su’aal adigoo madhan kaga gudba. Wax kasta oo aad dhibco ku heli karto ama aad u malaynayso inay xidhiidh la leeyihiin su’aasha ku qor. Garashadaada iyo caqligaaga adeegso—mararka qaar waxaad soo saari kartaa jawaab sax ah oo ku kaydsanayd maskaxdaada sumcountionyalka (subconscious).

4. Gunaanadka: Dynamic-ka Imtixaanka Ka Dib

Xeerka ugu dambeeya ee kala saara ardayga guuleystay iyo ka fashilmay waa kan: Markaad waraaqda dhiibto, maskaxda ka saar imtixaankaas. Welwelka dambe waxba kama beddeli karo wixii aad qortay, laakiin wuxuu saameyn weyn ku yeelanayaa imtixaanka soo socda ee berrito. Haddii aad ku mashquusho qoomamo, waxaad galaafan doontaa dhibcihii aad berrito heli lahayd. Imtixaan kasta oo dhammaada waa bog xidhmaray, ka xigana waa bog cusub oo guul u baahan.


Qalinkii: Cumar Ismaaciil Digeed.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti.

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

error: Halkan kaga boggo