Gabayga: Ya’dii gabay

âť„Indhoweyd ya’dii gabay ka tegey, yiha-shadeediiye
❄Ma yohoomin tixahaan, yaafadayn jiraye
❄Yeelahaan u xidhay Cabdoow, yoolka maansada e
❄Ka yabaalay goortay midhaha, yaahiyeen badiye
❄Yaacadaan ka joogsay markaan, yaab u soo baxaye

❄Marse haddii yaxyaxiyo xishoodiyo, wanaag yurantidii diiday
❄Oo yabadh iyo dilaaliyo, yuuqis lagu raadshey
❄Yeeli maayo anigu kufsiga, lagu la yaacaaye
❄Yeelaha haddii aan saaka jaro, hay la yaabina e

❄Yal qabow dabayl iyo, yalaxlihii dayrta
âť„Yalawdii hilaaciyo gu’goo, curasho yoomaaya
❄Yeelaha haddii aan saaka jaro, hay la yaabina e

❄Haddii aad yagleeshoo murtida yeedhin garanayso
❄Yafanuunka waa laga jiraa yaac sheyoo iriye
❄Yac yacoodka waa laga rawaa wayku yabaqdaaye
❄Iskana yoohi maahee tixaha waa gabayga yool siiye!!

Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed

Tafatir & Ururin: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo