Abwaanka caanka ah ee Cabdullaahi Suldaan Tima-Cadde (Dhoodaan) wuxuu gabayga “Yaa Kasbaday” tiriyey horraantii 1978-kii.

Abwaanku wuxuu aad uga xumaaday ka-bixitaankii gobolka Soomaali Galbeed markii ay ciidamadii Jamhuuriyadda Soomaaliya uga soo afarqaadeen (sida: faaruqiyeen) sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya.

Isaga oo markaa joogay Hargaysa, ayuu gabayga ku billaabay tuducyadii caanka ahaa:

  • Umma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e
  • Kasha muran ku yaaley xikmadi, kilinkilaysaaye
  • Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
  • Faalada kalayaha buuxisiyo, kubada uurkayga
  • Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
  • Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
  • Ma kaakicine dhawr goor anigoo, kaalay odhan waayey
  • Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
  • Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududaba
  • Kol hadduu karsamay oo shidmayoo,, aad u kululaaday
  • Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
  • Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaasho
  • Shini kaalufkeed galiyo siddii, koronkorow oomay
  • Ama ceel karkaarada jabshiyo, webi karaar dhaafay
  • Ama kaal danley qeybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
  • Siddii koronka iyo koorta iyo, kololo’ii Raage
  • Konton iyo kun xaajoo mmurgiyo, waayo kala kaan ah
  • Oon lagu kama’in baa jiroo, nalagu keenaaye
  • Wax kadliyo kadaalibaa ordoo, kuududaa badane
  • Kubka iyo ka biixida jabshaye, sii kirkira meesha
  • Karin buu u deydaya hayaa, wuuna kabayaaye
  • Kaftanna ma aha ee waa kooshkalaan, keebka liishada e
  • Kurtun baaba loo fiiqan ooy, kalax qoraayaane
  • Kallifaa aan layskula kami’in, yaa kasbaday mooyi
  • Kanbalkay lahayd jilib carriyo, meel kabdhoodka ahe
  • Garta keedii kaabiga galay, ee lagu kawaanleeyey
  • Kiskisaha midaa lagu xakabay, kaddinna loo diidday
  • Kolkaan maalmo koolkooliyey, dib u kadlaysaaye
  • Katibkan aan ka kaaftoon lahayn, yaa kasbaday mooyi
  • Karbaash loo yagooree ritigaan saaray, kabad weyne
  • Kiintaalkayga koobuu noqdaa, koronkortiisiiye
  • Baq karuursha loo yeel haddaan, caano kaydsado e
  • Kildhi iyo kafee waan helaye, koobab baan jirine
  • …
  • Ka u baahi ciilka u noqdayee, ciil ka kori waayey
  • Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye, uur kubada yeeshay
  • Kuwa waliba kaskiisa waxaa, loo kabtiyayaane
  • Mid kororsi bay daaran tahay, xeeshan kaariniye
  • Kaafka iyo kala-dheeridaa, la isku koosaaray
  • Inay keeni baad garan wuxuu, rag isku koosaaaray
  • Kurbada iyo walaacaan qabniyo, kaarka nagu raagay
  • Malaha kibis la quutayo dadbaa, looga dhigay kawle
  • Haddaan nala kadeedayne, way kadab go’aayaane
  • Dadkayagu kadaab uma badaniniyo, reer ma kaadsado e
  • Maskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaare
  • Kullina waan baryeynaa Allow, keen xornimadiiye
  • Kalsoonidan lunteee Cali-Katiin, kulankiinoo diiday
  • Iskulaal ismana kaashadkiyo, koodka nala saaray
  • Kiis nagu xukuman baa jiriyo, yaa kasbaday mooyi
  • Ilaahay Kariimow adoo, kaliya mooyaane
  • Karti lagula sheegtiyo awood, kale ma dhawrayne
  • Kalaamkaagii baa lagu sitaa, wali kitaabkiiye
  • Yementa Koonfureed kii wacdayiyo, Kuuba iyo Ruushka
  • Ee nacab kufaaroo kibriyo, Kiristaanka u yeedhay
  • Karaamadii Rasuulka iyo anoo, taadii kaashanaya
  • …
  • Dhulkay naga kaxeeyeen Allow, yaa kasbaday mooyi
  • In Islaamku gaal kabo u sido, yaa kasbaday mooyi
  • Kiinyadii xumayd iyo Axmaar, kadaf ah oo liita
  • Kaneecadiyo kudkudahaa intaad, naga koraysiiso
  • Koodhiga intay nagu guraan, yaa kasbaday mooyi
  • Kob dagaal ah fulay kayn galiyo, ma lihi kayrkayrle
  • Cimli korodhsadkiisiye xikamadu, nagauma koobnayne
  • Meel kuray ka dheelaa Iblays, nooga koor-lulaye
  • Kafiyo Boortaqiiskii Gurey, riday kabaalkiisa
  • Iyo kii Daraawish kabiyo, Koofil qoladooda
  • Iyo Kuubadii Kaastariyo, aarmi Kurushoofa
  • Ku waliba kolkuu rabo hadduu, nagu dul kaajaayo
  • Ku kar-celinta iyo ciilkan, waan karara’aynaaye
  • Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin
  • Malaa’ig kumaandoosiyo, kooxo nala laaya
  • Oon kaarahoodiyo askari, kidib kasii deynin
  • Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo