· Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay
· Ogaadeenya cadawgii dafiyo daadufkii sirayey
· Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe
· Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe
· Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada
· Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey
· Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba
· Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye
· Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso
· Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene
· Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay
· Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade
· Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine
· Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye
· Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye
· Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene
· Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene
· Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya
· Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay
· Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene
· Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane
· Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay
· Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe
· War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda
· Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye
· Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay
· Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan
· Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba
· Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo
· Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu
· Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday
· Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane
· Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay
· Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya
· Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho
· Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo
· Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylabaw diranin
· Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo
· Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye
· Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay
· Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo
· Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan
· Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado
· Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo
· Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo
· Intuu darafta xanan kuugu maro ama du’ soo leexdo
· Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho
· Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho
· Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto
· Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo
· Daldalooladaadoo batiyo dabacsanaantaadu
· Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadii noqoto
· Dallada iyo guushaadu waa dabar gu’iisiiye
· War duunyada raggii kaa dhacayee dawrshay xeradaada
· Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane
· Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane
· Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay
· Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye
· Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso
· Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin
· Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane
· Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo
· Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo
· Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane
· Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye
· War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha
· Markay di’is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo
· Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin
· Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto
· Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh
· Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan
· Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e
· Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye
· Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye
· Daadufnimada Soomaaliyee durugsiga u jeeday
· Dubaaqa iyo ra’yiga keen ah buu saa u dumiyaaye
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna
· Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina
· Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh
· Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane
· Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane
· Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene
· Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane
· Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay
· Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato
· Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto
· Daabaqad in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay
· Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina
· Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh
· Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka
· Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan
· Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba’ane
· Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
· Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene
· Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan
· Dugsan mayno inaan daa’inkood diriro mooyaane
· Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye
· Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode
· Danbi kuguma haasaawin iyo been dacaayad ahe
· Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah
· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne
· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed