Tababarkii Sayidka ee Xuseen-Dhiqle

Waxaa la sheegay in Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen-dhiqle), oo ahaa Xoghaya Warfaafinta ee Sayid Maxamed iyo Daraawiishtiisii, uu maalin maalmaha ka mid ah ku guuldaraystay inuu mariyo gabay la filayey inuu horay Sayidka uga xafiday.

Sayidka ayaa arrintaas canaan uga jeediyey Xuseen-dhiqle, isagoo ka xun gabaygaas uu durba marin waayey. Hase yeeshee, canaantu ma ahayn mid keliya, balse wuxuu Sayidku ahaa mid tababaraya oo tusaya Xuseen gabayga iyo godadkiisa iyo sida uu u xafidi karo.

Gabaygan uu haddaba Sayidku tiriyey waa mid aad u qiimo badan oo ay waddaniyad iyo geesinimo is biirsadeen, luqad iyo xikmad ahaanna tusaya Sayidka iyo awoodiisa gabayaannimo ee aan cidina ku haysan.

Wuxuu yidhi Sayidku:

abay aad u qiimo badan oo wadaniyad iyo geesinimo is biirsaday gebiyada kore marayso, luuqad iyo xikmad ahaanna tusaya Sayidka iyo awoodiisa gabayaanimo ayuu haddaba tiriyey.  Wuxuu yidhi Sayidku:

–          Xuseenoow ninkii laable baan, luminin weedhaye

–          Maantood lixyowdiyo adoo, laylafoo gabana

–          Wax badan baan sidii laam Quraan, looxa kuu dhigaye

–          Ninmankii laqbada kuu akhriyey, way ku lumiyene

–          Lalabkii ay kuu sheegayeen, laasim ma ahayne

–          Waxay kugu luggooyeen jidkii, laalladda ahaaye

–          Lucda weeye hadalkaan sharciga, laabud ku ahayne

–          Mar haddaanu luuligu is hayn, labacu waa beene

–          Laqwad xumo ha joogtee macnaha, kuma lihiinsiine

–          Lakab oodan bay kugu rideen, laqammadiiniiye

–          Anigana lurbaa iga qabsaday, layli bixintaaye

–          Laxnigii aan ka jaray ka badan, lag iyo alaafe

–          Marka laaqiskii iga bi’iyo, laacdankii gole e

–          Laandeyr haddii aadan qabin, kama layiigteene

–          Anigoo ladaadyeysan bay, ladh igu oogeene

–          Lidda ma laha sooryadu haddaan, meel ka liiliyiye

–          Luqmadda iyo dhuuniga waxbaa, iigu laabudane

–          Lis xaraar leh buu ii dhadhami, labanka caanuhuye

–          Loolkiyo lammaa laysku xidhay, laabatada qoyska

–          Haddaan laamandoodsado hurdada, waana ladihayne

–          Lahanka iyo cadhadaan qabaan, laba legdeeyaaye

–          Leecaanta Soomaalibaa, luri calooshayda

–          Luufluuftadaasaan u dhiman, laafa-lugudkeeda

–          Maandhow lugtii iga jabtaan, luudiyaa  weliye

–          Maandhow raggii Laxaj jiree, loodhadhaa yimide

–          Loxoskii horay ii ekayd, liin ka gubiddiiye

–          Maandhow lix seben buu fadhiyey, Laaso iyo Cayne

–          Maandhow laxaadkaan qabaa, laacib baan ahaye

–          Maandhow lib baan kala tagaa, leexo dirireede

–          Maandhow laqdabo waa ka duuf, aniyo laalayse

–          Wax badan baan libaystoon gashaday, baal laglaga dheere

–          Aarkuba hadduu soo lallabo, laga laleemowye

–          Gaashaan nin lowga u dhigaa, waa la’aan jirine

–          Maandhow waxaa igu lammaan, duciyo Liillaafe

–          Liibaanta Eebbiyo waxay, ladhay Daraawiishe

–          Waxaa igu laxaammadan kuwaad, laxam wadaagteene

–          Haddaanan diinta laayicin, xaqaa lagu labaadeeye

–          In kastuu lukuuk daba kufrigu, libirka ii keeno

–          Waxaa igu Lillaahiya inaan, layga lalinayne

–          Maandhow wax badanbuu lur riday, gaalka luunka lehe

–          Wax badanbuu waraabuhu lud iyo, loogsin kaa helaye

–          Wax badan baad lakiday ferenjigii, loloshka dheeraaye

–          Marka igu ladoo gabaygu yuu, laydha iga raacin

–          Maandhow adoon laxow ku hayn, leylana ha baajin

–          Adigaa lammaantaye ka dhawr, laakidiyo ceebta

–          Listaankii horaa kugu jiriyo, luquf habowgiiye

–          Inkastoon ku laal baray fahmadu, kuuma looshane

–          Maandhow ha leeleelin yey, leexan maansaduye

–          Luuqaddana ha bi’in sowdku, waa laaxibboon yahaye

–          Maandhow lug-kowlaha ka dhawr, labana haw hoorin

–          Meeshaanad lowga u dhigayn, kor uga laameeri

–          Maandhow halkaan kuu laqimay, malaha laakiine

–          Waa laqan maadaafiica iyo, danab lifaaqoone

–          Waa liifad duushiyo rasaas, leeb ah oo dhiciye

–          Waa laas xariira iyo jookh, ligicyadiisiiye

–          Waa liinta khayligu taal, ligicyadeediiye??

–          Waa luungad iyo shaadiriyo, luulka oo kale e

–          Waa loollimeyntii baddiyo, mowjaddoo lulane

–          Waa lalan daruur curatayoo, laago soo rogiye

–          Waa lugugyo hooriyo hillaac, lagagacdiisiiye

–          Waa xamashka liiqanahiyiyo, luunta beeraha e

–          Waa laan cagaar bixiyayoo, laydhanoo ruxane

–          Adiguba lubbiga waad ka garan, laaca geedaha e

–          Maandhow ladnaan baad qabtaa, belo ku laaqneyne

–          Maandhow sidii leyl martaan, kuu liyaafadine

–          Maandhow luddaan kuu ridiyo, lacandidaas qaado.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo