Gabaygii:Xoon


Gabaygan waxaa uu ka mid ahaa gabayadii guba, waxaa Samatar Baxnaan ku jiray ragii silsilada guba ka qayb qaatay, waxaana ahaa raga mudnaanta weyn la siiyo, marka laga hadlayo dhinaca gabayada.Ilaahay naxariistii jano ha siiyee.

Waxaa uu Samatar tiriyey, gabayo aad u fara badan,lakiin gabaygani waxaa uu ka mid yahay giraantii Guba !” Tixdan Wuxu Samatar Tirshey mar niman Muuse Ismaaciil ah oo damcay inay soo dilaan nin reer Hagar ah ka dibna inta laga war helay wax laga laayey. Waa waagii GUBA socotey ee xiisadda cabiil iyo xasaradda suugaaneedba cirka isku shareereen. Samatar oo guushaas reerkiisa u soo hoyatey ku taamaya ayaa gabaygan mariyey.waxuu Yidhi:-

Xasan iyo anoo sida Siciid la i xambaaraayo
Iyo haatan xaaddii gadhkoo xayga ka caddaatay
Xabbad iyo dil bay noo ahayd Reer Xirsi Cismaane

Xashiishka iyo laba Muuse way ku xadfanaayeene
Xubin keliya Hagar Aadan baa iila xoog badane
Intaasay xumaan iyo wanaag la xarbiyaayeene

Xagna nalama bixin nimanki ay na xejinaayeene
Xarakada Carraaliyo Wacays, nama ay xaalayne
Cali Gerina waa na xistiyaa tan iyo xaataaye

Nimankii xafiiskii Berbera xawda nagu gooyay
Oo Xaajigii dilay dadkaan kala xabaal seegin
Oo xayda xagarka gashee kuna xalaaleeyey

Mar haddii xiniinyaha la jaray waa xamdi Ilaahe
Inay guuto noo soo xuugaan waw xirgi la’aane
Xaggoodaan u jeedaye nabsay ku xarragoodeene

Weerkuba wuxuu xidho galoo xeeda ka hayaaba
Xanuunka iyo gaajada wuxuu la xabbisnaadaba
Xoolaha wax laga ooto oo laga xaraystaaba

Markay xayni soo goosato buu ugu xasuugaaye
Mana xishoodo jeeray ilkuhu xanaf darreeyaane
Markaasuu calooshii xidhnayd xalus ku yeeshaaye

Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye
Waa kaa jirkaygii xidhnaa soo xankaakubaye

Xoonkii shinida jabsaday ee xoonbax filanaayey
Aan xababarshiyo awlallada cidi la xaalaynin
Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago e

Xaaladdoda niman baa qarshooy xani ka raacdaaye
Xuurtiyo waraabaha miyaa xalay ducaynaayay

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo