Gabaygii:Xirsiyoow


Xirsiyoow badheedhahaad furtiyo, baydadkaad curisay
Bunaaxyaynta sheekada badalan, hadalkaad buunbuunin
Run ka boodka boolxooftadiyo, been gayax sheegga
Haddaad boox lasoo tidhi adoon, baacin karin maanso
Allay lehe badweyn baad gashiyo, baxar ku qaadaaye

Boqorkaan dhacayn ee murtida, baarqabkii gabayga
Billaddeeda wiilkii hantiyey, barrihii suugaanta
Haddaad beer adaygaaga tidhi, waan u bixi maanta
Naf aad birqooshaad siddaa, ood budka u qodiyee
Is biimaynta qaarkeedna waa, kuu baraarnimo e
Ma gaadhaayo bayd aad furtaa, Boqorka Dhoodaan e
Anaan baratamaynaa haddaad, wax is bidaysaayse
Billaawuhu markuu kugu dhaco, iyo baaska daba joogga
Barkad naxa bariiqada siddii, bilista how yeedhin

Hayeeshee markaad bi’i markuu, biligu kaa duuli
Balaayada adaa raadsaday iyo, ba’a iyo hoogaaye
Haddaad boogo lee dahay rag, waa la iska buusaaye
Basarkaaga wiilkii yaqaan, baabka cudurkaaga
Batraan iyo afxumo, looma baantamo e
Haddaan buuggagaaga u akhriyi, beelahoo idil e
Oon soo bandhigayaa waxaad, biijo qarisaane

Banoonigaad cayaartiisa tidhi, buundada iyo guusha
Anigaa Ogaadeen ka badin, beegsasha goolka
Beentiyo warkaad sheegayso iyo, bootada iyo faanka
Biyo kaga dar aadmiga badhbaa, garan ba’naantaaye

Waxaad iga badiso waad og tahay, baabka uu yahay e
Bisinkii Ilaah iyo ma aha, diin aad barataane
Waa baal fadhiisiga kufriga, aad baariyo u tahaye

Afartaa banbaaniyo garnayl, buuxa oon riday dheh
Ragbaa baydka kala gaabiyee, bogoshadaydii dheh
Erayada ninkii bowsadaa, baacin kari waaye
Bidda murantay baasuukihii, aan la beegsaday
Bushuclana markii aan dul dhigay, bii emka iyo suuga
Ma barkagay ileen baraq nuglaan, waw Bah Yibireed e

Ninkii buur haraatiyey in uu, bowdada iyo lowga
Biixida ka duulo oo qalbigu, bururo mooyaane
Miyuu baal u ridayaa hadduu, waligii boodboodo

Bakaylihii maroodiga tafaad, baabadii tahaye
Beerxaanidaad sheegtay eed, aadna ugu baantay
Eed tidhi baroonkiyo shilkiyo, bii emkiyo suuga
Boqol baan la hadhay maalintaa, wada banaadiikh ah
Bishimaha warkaa kama dhihin ee, buukadaa hadashay

Waad ogayd bustii kaa kacdiyo, baabi’iyo maydkii
Bakhtigaaga anigaa ka naxay, buuxay tuulada e
Adigooy baroortaada iyo, baxayo yuuskaagu
Bar cidla ahna kugu ootay oon, kugu budhaynaayo
Kufrigaan balaynkuu watay, iyo nacay bidhaantiisa
Baqaaqdaadii gaalidii ku timid, cabasho boygaagii
Belgium kii iyo Maraykankii aad, siisay buruqdaada
Ayaa barigii iga kaa rogay ee, ilama buuqdeen e

Kismaayana baqihii aan ka galay, balasle yaacaygii
Buruuj iyo laxaad iguma kicin, baawar iyo xoogg e
Barkimada habaynkii ragay, badhidu naafoowday
Balwadaadii baan uga baxay ee, ilama buuqdeen e

Bur ku qariya meel aan lahayn, iyo banaan diiran
Barqo laysku weeraray dagaal, boqonta loo xaytay
Baaruudu way kala fagtee, binad markay gaadho
Waligaa il-biriqdeedna maad, ii bir dhigin goob e
Adoo bowdyo weyn oo xun oo, badhi laalaadin
Birtii wabaxa kaa noqon jirtaa, barigan kuu taale

Orgigii baxsaday ee dharaar, baarimaha geeska
Ha baqinee ku daaq adhiga yidhi, baadka iyo cowska
Markay qoraxdu baal dhigatay ee, bahal ciddii yeedhay
Hadhow yidhi balaayaa dhacdee, yaa i bixinaaya
Haddaad baabadiisii tihiin, baraq nuglaantiiye
Bu’da Waamo baaxaa dega iyo, badaha liilkooda
Barrigiyo bustaantiyo carrada, bilic wanaageeda
Biyo baxadda waadi beel kastaba, beeraha ku faafa
Hadduu barro rag lee yahay ku yidhi, Peter adigaa leh
Uu bayda kuu tumay kufrigaa, balagta laalaadin
Una bara riyaaqdeen warkay, been been siidu sheegtay
Bona faalso uu kaaga qoray, buug aan soconaynin
Bashaalka gogashay ahayd, beenti ku ekayd e
Waa taad ballo ka qaadaan inaad, boos ka falataane

Baroor baad qoslaysaan, adooy boogi kugu taal e
Haddaad balaxsigii qoomamayn, baarinimadiiye
Adoo ba’ay adoo si u bukoon, dhinac kuu baaqan
Oo baras la moodkii ku helay, bahalkii kaa dhoofay
Bilaawaha haddaan kula dul imid, kuuna beer naxaynin
Oo aan baryiyo tuugmadana, laysku bixinaynin
Baaqigiinu goor uu tagaba, tan iyo Boosaaso
Soow ma aha Badweyntiyo, in aad baxarka sii jiidho

Barqo weerar lays galay dagaal, boodda lays galiyey
Markaad bayda wada jeediseen, buruqda kaa toogtay
Badhi dhiigtii saacaday baxsheen, siddii baraar naaxay
Birtu ruubatee jilicsanaa, barigii ay yeedhay
Basarkeedi baad taagan tihiin, baraq nuglaantiiye
Birlabnimada waa loo dhashaa, lagu booqdaa wiil e
Booddada dhir kama baydhidaa, baabacaduu maalo
Baabuurtii Japan keentay ee, baratami waagii
Ninkii baas ku dhaafayee siddii, biriqda haadaayey
Ooy buurtu celin wayday iyo, boholihii Laamo
Ma afkuu baxdooy kuugu noqon, buddo ka liitaaye

Wiilkii baacsan jiray baa kanoo, meel barriyi taagan
Bisad dabadeed haddii uu galana, aan ku bixinaynin
Haku qariyo baadarigii aad, shalay ku baanaysay

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo