Siyaasaddii Sayid Maxamed: Dhaxalkii Xiin-Finiin
Sidaan meelo badan oo Kaydka Suugaanta Akadeemiyadda Murti ka mid ah ku xusnay, nolosha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxay ahayd nolol saaqan oo ay saaqday waddaniyad iyo siyaasad ku dhisnayd la dagaallanka Gumaysiga iyo kasbashada qabaa’ilka Soomaaliyeed. Dhinac walba haddii aad ka eegto, waxaad qiraysaa in siyaasaddu gundhig u ahayd tallaabo walba oo uu Sayidku qaado. Gabayadiisa, guurkiisa, degaankiisa, iyo waxbixintiisa wuxuu qadarinta ugu weyn siin jiray maxsuulka siyaasiga ah ee ka dhalan kara.
Go’aankii Xiin-Finiin
Meelaha aad si degdeg ah u xaqiijin karto noloshaas siyaasadaysan waxaa ka mid ah guurkii Sayidka. Sayid Maxamed dumarkii uu guursaday waxaa ka mid ahayd Faadumo Islaan Aadan, oo la dhalatay oday hoggaamin jiray laf ka mid ah lafaha Majeerteen, kaas oo la odhan jiray Faarax Islaan Aadan. Sayidku wuxuu danaynayey inuu taageero iyo garabgalba ka helo degaanka ninkaasi ka taliyo.
Yarad iyo xurmo badan oo nooc walba leh ayuu Sayidku dhiibay. Xurmadaas uu Sayidku guddoonsiiyey Faarax Islaan waxaa ka mid ahaa geel iyo fardo badan.
Intaa ka dib, waxaa degaankii Faarax Islaan yimid niman Isaaq ah oo warxuma-tashiil ah, kuwaas oo doonayey inay Sayidka iyo Faarax Islaan iska hor keenaan. Waxay Islaan Faarax ku yidhaahdeen in Sayidku uu labadooda degaanba u col yahay. Islaan Faarax wuxuu ku jawaabay: “Sayidka waanu xididnay, xumaanina nooma dhexayso sidaa awgeed sabab aan u collaysto ma garanayo.” Nimankii waxay dabeed ku yidhaahdeen: “Haddii uu xididtinimo kugu qadarinayo, car wakaase ha ku siiyo faraska uu aadka u jecel yahay ee uu geeraarka ammaanta ah u mariyey!” Waa faraskii caanka ahaa ee Xiin-Finiin.
Haddaba, Faarax Islaan Aadan wuxuu Sayidka u soo diray waraaq uu ku waydiisanayo faraskii Sayidku aadka u jeclaa ee Xiin Finiin. Daraawiish oo dhan gaar ahaan Sayidka, fardaha xaggooda lagama mari jirin, Xiin Finiinna wuxuu ka mid ahaa kuwa uu Sayidku ugu jecel yahay. Hase yeeshee, Sayidku wuxuu ahaa deeqsi is nacayay, wuxuuna iska dhawri jiray dhagxumada iyo xanta la xidhiidha xididka iyo waxbixinta guud ahaanba. Sidoo kale, Sayidku wuxuu ka warhayey nimankaa warxuma-tashiilka ugu yimid Islaan Faarax.
Sidaa awgeed, Sayidku wuxuu go’aansaday inuu Xiin Finiin bixiyo. Laakiin wuxuu tiriyey gabay arintaa taariikhdeeda xafiday oo ina soo gaadhsiiyey. Ninkii xaashida keenay oo la odhan jiray Faarax Dhaban-Senge ayuu faraskii guddoonsiiyey, gabayganna qaybsiiyey si uu u gaadhsiiyo Faarax Islaan iyo Soomaali oo dhan.
Wuxuu yidhi Sayidku:
- Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
- Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
- Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
- Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
- Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
- Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
- Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
- Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
- Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye
- Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
- Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
- Nin kalaan xafiilaba adaan, xaayda kaa rogaye
- Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
- Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
- Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
- Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
- Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
- Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye
- Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
- Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
- Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
- Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
- Isagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
- Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
- Xayskaa da’aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
- Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
- Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
- Xujey-reebta Reer Hagar anoon, xabashyadii ruubin
- Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
- Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin
- Xiddaysane ma dhiibeen anoon, xaaladday bogane
- Xaaraami unbaa arlada, xula abidkiise
- Wax unbay xushleeyaan sidii, Xabashi-Iidoore
- Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
- Xaashaa Lillaahiye nin gob ah, xamasho waw ceebe
- Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
- Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
- Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye
- Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye
- Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane
- Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay
- Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed