Gabaygii:Β Xarbi Sade &Xin Kablalax
Gabaygan Abwaan maaweel waxuu ka marshay isaga oo Jooga Jubada Hoose kolkii dagaalada qabaa’ilku ka socdeen gabaygan u ku sheegayo guushii ay Mareexaan ka soo hooyeen markii dagaalada ka dhaceen Koonfurta Soomaliya Abwaanku waxuu Yidhi:-
Mareexaan dalkiisii xoree Ama xallaaleeye
Waatuu xagaagii Dhawayd xoog ku soo galaye
Xaaraami waligiisba waa xagal ka daacaaye
Xaq ku dirirse Eebbaa lajira oo xagiisa ah’e
Xunayn iyo waxii Beder ka dhacay waa xadiis ruma ah’e
Xogtuu Ina Warsame soo Bandhigay waan xaqiiqsadaye
Bal maan warkii xalay lay yidhi xayda ka cadeeyo
Xilli nabad ah beeshoo wanaag lagu xayaaqaayo
Wixii xoqaya ruux baaday ah oo laga xanaaneeyo
Xasilooni loo wada dagay oo la is xumaynaayo
Mar hadaan la kala xiiso dhicin xididnimaa taale
Hadii xaafadaha iyo hablaha loo xodxodo doonto
Ninba xoolihiisu kuwuu ku xaragoodaaye
Daarood wax badan baa is xunbula faan xifaalahaye
Wada xagar ka bood iyo libaax xaafsadaan nahaye
Marse haday xinjiri daadatoo la isku xayraamo
War maantay xun tahay duulku waa xubinta koowaade
Xeer iyo Xiniinyo iyo rag baad xoog ku leedahaye
Xidigna waxaad ku noqotaa tol iyo xaajo daacad ah’e
Inkastoo xujada qayb ka mid meel xujo u taalo
Xasuuq iyo dhac iyo tuugaysi iyo xaasas la afduubo
War xeerkii hawiye aanu socon oo xabadi joogto
Axmed baa intuu xaasha yidhi xaashin dheer qoraye
Xukunkii u riday waxuu ahaa xidha Albaabaha’e
Xawaadle iyo Dudublaa ku go’ay xowligii Gedo’e
Colkuu xulay caydiid doraad looma xiiq tirane
Xarbiyahandii reer Sade baa xuub sidiis liqaye
Xayn goosan taa uu weer helay xero ma yeeshaane
Xabaal baan dhargine dhowr kun baa xuurta loo wadhaye
Libintay xanbaarteen kurbay naga xayuub sheene
Xanay ku hadha xabiib kayoow ku farax xiiran nacabkeeda
Adna xaasidoow xumo adays jaray xiniinyaha’e
Adna xaasidoow dhimo la jabi xulufadaadiiye
Afartaasi waa xiin gu’ iyo xaysin oo da’ay’e
Xareediisa dhaansada nimcada xaakinkaa iska leh’e
Una xamdiya Ilaaha toobadana wada xasuusnaada
Afar kale xisaaba gadmane aan xadiga eego
xayow moorganoow adigaa huwaday shaal xariiri yahe
Xuseen dabadiiba adigaa ahaa kii xafiil tamaye
Xakamaynta cadowgaad sanado u xusul duubnayde
Adiga iyo xertaadiiba waan idin xusaynaaye
Ninse walaaladii ximinayaan xaabsan waa adiye
Xadhiguu guntaba dhawr kalaa lagu xidhiidhshaaye
Waxaa xoog u waday kuwii idinku xeernaaye
Waxba yaan xisbiga waamo galay la isku xaro kayne
Xoogaa ma joogeen hadaad xidid u aasnayne
Xantoo bixin faaftay waa baxdaa waxunba ahaadeene
Isku xoqid qabiil kale wax jecel xaawalay dumare
Xubigoodu meeshuu la maro kama xishoodaane
Haduu xooshka bahal hoose galo ma ku xuubsiibto
Xanshashkoo dhan ba alagu guba yaanu ku xuline
Xuska toobin kiisay ahayd inaad ku xoortaane
Xanuunkii Kismaayo ku hadhay aan xagna lahayne
Xaruntii dhamayd waxaa qabsaday xillo ma dhaafaane
Xumo aan laan hanbaynayn iyo xuubsataa galay’e
Hadba xaajiyo naaxay bay ku xafladeeyaane
Kablalaxa i xayxaydanayo iyo xeebta bal aan dhowrno
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed