Reer Cali iyo Ciidagale ayaa mar kale is laayey kolkaa ayuu Xarbi Ismaaciil Samatar gabay dabaaldeg ah tiriyey.  Qowdhan ayaa gabaygaa digashada ah dhibsaday sidaa daraadeed tix kaga soo jawaabay.  Wuxuu yidhi:   

  • Xarbiyow gabaygu wuu kaa tasaqay, wuuna kaa tagaye
  • Wuuna kaa tawaawacay haddaad, toosi leedahaye
  • Adigiyo tumaal beentu waa, mid aad taqaanaane
  • Ma adigaa tubtii geela iyo,  tagay awaarihiiba

Xarbi ayey ugu muuqatay in meerisyadaa deelqaaf ku jiro.  In kasta oo aan haatan hayb-sooca sidii hore loo adeegsan, haddana xilliga nimankani isu jawaabayaan isir-xulku xoog ayuu lahaa.  Haddaba, deelqaaf ayey Xarbi ula ekaatay In Qawdhan xidhiidhiyo magaciisa iyo tumaal, waxayna arintaasi u furtay goldaloolo uu Qawdhan ka weeraro.     

Wuxuu ku billaabay in gabaygii macno beelay, Qowdhanna macno beelka gabayga ku dhacay sabab u yahay, sababta tixaha Xarbi loo hayo ee loogu halqabsado inay tahay in gabaygiisu mid hufan yahay.  Wuxuu intaa ka dib u gudbay sifayntii dagaalkii labadaa jilib dhexmaray iyo raggii Ciidagale ee sida arxan la’aanta ah birta looga aslay.  Qowdhanow kamaba soo waaqsan kartid jabkii aan ku gaadhsiiyey, annigana wax aad i yeesho daayee xataa xaab inaad igu soo tuurto waa tii rubadu diiday, ayuu raaciyey.  Wuxuu ku xidhay, kollay ii turi maysidee maxaa ku haya oo aad wax isaga dhicin la’dahay, tabar darro uun saw ma aha.  Wuxuu yidhi: 

  • Tisqaad ma laha gabay uu nin kale, eega tiriyaaye
  • Waxaase tayda loo wada hayaa, waa tamaamnimo e
  • Tabtaasaan ahaa eegga iyo, toban jirkaygiiye
  • Ha yeeshee nin taliyaa afxumo, sooma tooxsado e
  • Waadse iigu tagi cay haddii, layga tiigsado e
  • Tagoogtii fayoobayd sidii, turuqu kuu duulay
  • Labadii tacshiiradoodba saan, kuugu wada toogtay
  • Toorrida sidii loola dhacay, tima-caddii daashay
  • Tafdheeriyo ciroolaba sidaan, uga talaadaystay
  • Ma tummaatidaan kugu dhuftaad, toosi waligaaba
  • Tolse waxyeeladiisu ha jirtee, aniga yey taabtay
  • Tifbaa ugu yaroo maydinkaa, naguba soo tuuray
  • Ma taqaashan baan idinku jirin, na laga taabraaco  
  • Mise waad noo turteen saw xaggaa, lagama taag waayin.

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyi Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo