Gabayga: Xamse Gaanni
Gabaygaan waxa uu Maxamed Dhagaafe Cilmi u diray kadib markii loo soo sheegay dhalashada wiilka uu abtiga u yahay ee Xamse Gaanni oo ku dhashay wadanka Zambia
Gabaygaan oo ah gabay iskugu jira mahadin Alle iyo farxad iyo dardaaran ayuu abwaanku u diray wiilka uu abtiga u yahay, markii taariikdu ahayd 10/1/2006.
Kolkii farax i`gaaraan tirshaa gabay wanaagiise
Oo aan gorfeeyaa tixdii ila gudboonayde
Sida geela oo daran cunoo gaawe laga buuxshay
Bal gardaadsha maansda haddaan soo godlanayaaye.!!
Adaa Guulle mahadloo naflaha uumay gabigoode
Adigaa nimaan gayrna hayn baahi goyn kara, e
Gacantaadu adigaysan maran goor iyo ayaane
Anna kuu garwaaqsani inaad tahay gargaaraaye
Adaa gabadhi wiil noogu daray Gaani uu dhalaye
Sucdi geesi adigow dhashiyo gacal walaashay,e
Ducadii garoodhiyo xamsaan gacanta haynaaye
Waxa nala gudboon waa shukriyo gudashadiisiiye
Towxiidka galin dhexe inaan gurubsanaa weeye
Afartaas xumaan uma gabyee guulle mahaddiis dhe
Gugoo soo hillaaciyo daruur galan galkeedii dhe
Afarkale Xamse u geeya waa waano gacalkiise.!!
Waxa maanta gaaliyo islaam gudimo loo haysto
Garnigaalka iyo kaarihiyo gumuca qiiqaaya
Gumaadkiyo dhibaatada jidhiyo gowriciyo quusta
Abti gugakan maantaya haddaad dunida guud joogto
Inkastoodan garashiyo aqoon wali garaadyeelan
Oo aadan googaale iyo gabayba dhawraynin
Oo aad gurbood haatan tahay wali an qaangaarin
Abwaan faraxu gaaroo murtidan kuu gartaan ahaye
Abti iga gudoon waanadaan maalin baad garane.!!
Gurigeennu waa Gaalkacyiyo garawgi ciideede
Soomaali dhaqan gooniyoo loo gartaa jira’e
Afrikaanka gaar baan ka nahay guudka aan xirane
Garays iyo xijaab bay wataan gacaladeeniiye
Geel iyo lo`baan leenihiyo gaabanow ariye
Gurgurshaa la dhaanshiyo kareeb gacalku uu maalo
Garanuugta iyo goroyadiyo guuyadiyo cowsha
Iyo geesa waynow biciid garawga noo daaqa
Geel jire harraad uusan karin gaajana aqoonnin
Gabdho iyo barbaar gayfanoo guuxa tumanaaya
Habro galin dhexaadkii garoor ururka gaynaaya
Sida geesigii ina Dhagay amase Gaafaaba
Garta ninam yaqaan baa jiroon loogu galahayne.!!
Gaal iyo kufaar lagama helo guriga Soomaale
Guullaa lawada caabudaa goor iyo ayaane
Guudmaray ujeedkee haddaan hadalka soo gaabsho
Dhaqan-guur iska ogow gargaar Eebbe kuu fidiye
Gobonnimo sidii aabbahaa Guulle kugu beerye
Garashana aqoontaada maal geesi baad noqone
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed