Gabay: Wedkaa Galiye

Gabaygani curtay waxaana tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan.

**Waqay iyo waqay baan yartaay, kaa war sugayaaye

**Rajo wacan ayaan kaa lahaa, taniyo waagiiye

**Jacaylkaan i wiiqee haddeer, weheey igaga siiyey

**Wiigag badan ayaan mooganaa, wadar ayaamoode

**Iminkuuse warankiyo hubkii, igu wafiifaaye

**Weji adag haddii aan lahaa, oo wadnaha giijay

**Wadhaf iyo jigraa ila tagiyo, danabyo waawayne

**Dagaal weerarkii cishqigu, igu wareemaayey

**Adigaaba taakulo u waday, waysar iyo maale

**Marna miyaad ka waantoobaysa, axdiga inaad waxyeelayso!!

**Walaahowga aan soo tirshiyo, wey’da iga yeedhay

**Waydiimahaygii Fiqigu weer, u bixin waaye

**Wadaadadii ka quustoo anay, igu wareereene!!

**Wallihiyo billaha aan maree, kuu waddaxay qawlka

**Wixii jira iyo waxaan jirin, adaan kuu waramaaye

**Meel ku sheeg waxaad wacad gasheed, beenta warinaysay!!

**Wacadalla jacayl waaxid galay waa, wis iyo hooge

**Keligay wadeecada maxaa, iga dhigay waabta?!

**Haddaad weedha hadalkayga, iyo diido waanadaba

**Iga wallee waxa ku xiga naftaba, inaad ku waydaaye

**Oo waran wadnaha kaa geshaa, oo wedkaa galiye!!

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo