- Tawaawacayey toban jeer miyaan, xalayto soo toosey
- Tiiraanyo iyo ciil miyaan, tima madoobaadey
- Sidii adhi tigaad cuney miyaan, taaha ku caweeyey
- Â
- Ma tunkaa i buuxsamay sidii, toban jir awr-geel ah
- Ma talaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugeynin
- Laba saanac ii tumay miyaa, tiirsan garabkeyga
- Â
- Miyey tabaraday laba qabiil, taws dhex dhigi weyday
- Balayadan i taaba leh miyaan, toosin kari waayey
Halkaa ayuu joojiyey Nuur gabayga. Markii uu aarsaday ayuu kusoo
noqday oo dhamaystiray tixdii. Wuxuu yidhi:
- Ma Cabdaa turaabta isku rogay, waa tabtaan rabaye
- Markii aan ku taagsaday miyuu, talalay oo reemay
- Ma tummaatadii baan wadnaha, tahan wax weydaarshay
- Ma tawaawicii buu i yidhi, taa ha ii celine
- Â
- Tunka xil iga saarraa miyaan, tuurey galabtiiba
- Libaaxuba dhurwaa toban-kunuu, tulud ka qaataaye
- Ma rag baa la tiriyaa hadduu, toban kol weydaarto
- Â
- Ninkii farayaan lagu tuhmey, talo ka hoostaaye
- Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinimadeyda
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed