Gabaygii:Walaalkii nin dila dirir sokeeyaa leh

Gabaygan Abwaanku waxuu kaga hadlayaa.. dhibaatooyinka dagaalada lee yihiin
qofku markuu akhristana wuu fahmayaa ujeedooyinka tixdan ku jira iyo halka abwaanku odorosayo waxuu yidhi:-


Dagaalada sokeeyuhu mar waa dabar go’eeniiye
Marna diin la’aan weeye iyo daa’im caasigiye
Marna dunida oo laga hariyo dib u dhac weeyaane
Bal taariikhda dunidaan intaan dhab u daraaseeyno
Aan dib u heshiin suubinoon garano doowgeena.

Dagaalada sokeeyuhu mar waa daragi naareede
Waa dariiq jaxiimoo ibliis noo dillaaciyaye
Waa samaha oo laga durkiyo xumo dariiqeede
Waa adoo da’dii kaa yareeyd dabin u qoolaaye
Dagaalada sokeeyaha kolleey daawo lagu waaye
Bal taariikhda dunidaan intaan dhab u daraaseeyno
Aan dib u heshiin suubinoon garano doowgeena.

Imisaa dagaalada ku lumay duunyo iyo xoolo
Imisaa saqiir dalandaliyo dumar ku aafoobay
Imisaa dalkoodii ka qaxee gaajo dabargooysay
Imisaa dalaaboo ajnabi deeq ka raadinaya
Imisaa saraakiil ladilay doorar iyo geesi
Imisaa dariiq kala xaniban daris colaadoobay
Imisaa duqoow iyo wax garad ciidda lagu duugay
Imisaa ka tagay diinti oo duunyo laga siiyay
Daarihii wacnaa een dhisniyo dabaqyo door dooran
Imisaa du kaafado noqdoo dib u habeeyn waayay.

Tuug isbaaro lagu dilay asoo dumar ku baadaaya
Reer hebel ninkeey naga dileen waa in laga doono
Oo diktooro loo soo dilaa dirir sokeeyaa leh.

Da’yartoon hubeeynoon dab iyo saanad ugu deeqno
Maan dooriyana loo dalboon mid iyo duub siino
Oon niraa xaqiinii dalbada la inka duud siiyay
Dabadeedna aan helin daryeel dirir sokeeyaa leh.

Waxaad dooni ama aad daneeyn dabad inaad geeyso
Oo dalkeennu leeyahay ma jiro daa qof kuu orane
Mana ahan dunuub aad gashoo leeysu daalacane
Inta doowlad li’idaa tabcada dirir sokeeyaa leh.

Soo daabac lacag oo dibteed doolar ku aruurso
Daara iyo baabuur gadiyo dabaqyo dhaadheera
Dableey gaara suubsiyo istaaf amarka aan diidin
Waxaad door u moodana samee dirir sokeeyaa leh.

Danta taa’a luudsoo cid kale dabac yar hoow suubin
Markii dib u heshiin laga hadlana dirir u qaabeeyso
Haddii dirito loo qalabsadana daba maree tooska
Daldaloo u yeel hoowl kastoo dowlad ka iftiimi
Dantaad leedahana yaan lagaran dirir sokeeyaaleh.

Darbi jiifki shalay oo haddeer dhiibi amar dowlo
Dabley gaara iyo ciidamo leh kheeyr ka dhaga duuban
Oo uu fidno u diri hadduu waayo damaciisa
Oo aan dal iyo duunyo iyo dad iyo diin dhoowrin
Ooney jirin cid daa oran kartaa dirir sokeeyaa leh

Walaalkiis nin dila oon damqeeyn dirir sokeeyaa leh
Danbi nimaan laheeyn oo ladilo dirir sokeeyaa leh
Dal burbura dadkiisuna is naco dirir sokeeyaa leh

Dad ka qaxa dalkii hooyadiis dirir sokeeyaa leh
Dusha sare dal laga maamulaa dirir sokeeyaa leh
Gurigaaga dumi ee dad bari dirir sokeeyaa leh

Dam ku sii madfaca dadaan mudneyn dirir sokeeyaa leh
Suuqyada dadweynaha duqee dirir sokeeyaa leh
Dukaafado mashaariic dayacan dirir sokeeyaa leh

Dariiqyada dhexdoodoo la dago dirir sokeeyaa leh
Daaraha dushii laga fuqsaday dirir sokeeyaa leh
Dumi balade daar kaliya taag dirir sokeeyaa leh

Daroogiyo danbaan laga xishoon dirir sokeeyaa leh
Dariiqii ibliis oo dad hela dirir sokeeyaa leh
Dumarkoo xishoodkii dayaca dirir sokeeyaa leh .

Diinta iyo hanuunkoo dayacan dirir sokeeyaa leh
Xuquuqdoo la duudsiyo dadkeed dirir sokeeyaa leh
Dublamaasi aan shacab daneyn dirir sokeeyaa leh

Daroogada dariiqyada baraxan dirir sokeeyaa leh
Dugsidiyo shcoolada dudumay dirir sokeeyaa leh
Dawarsiga dalyoowgaa ajnabi dirir sokeeyaa leh

Degaan aan dadkiisu is dhexmarin dirir sokeeyaa leh
Dar qabiil dadloo dabar jaraa dirir sokeeyaa leh
Daabulaadda duunyaadan dhaqan dirir sokeeyaa leh

Is diiwaani qoro dalab cadaab dirir sokeeyaa leh
Dariiqii xaqoo laga durkaa dirir sokeeyaa leh
Dumar iyo rag aan kala danbeyn dirir sokeeyaa leh


Danbi ururso kheyrkana ha dayin dirir sokeeyaa leh
Waagii dilaacaba dhib dahan dirir sokeeyaa leh
Dan yar iyo masaakiin dayacan dirir sokeeyaa leh

Anaa doorran yey diidi kara dirir sokeeyaa leh
Danta guud tan gaarbaa ka daran dirir sokeeyaa leh
Diid ama rab waa lagugu dayi dirir sokeeyaa leh

Colaad aan la damac dabargo’eed dirir sokeeyaa leh
Dumar ubadka deegtii ku sida dirir sokeeyaa leh
Caruur aan dab loo shidine dilan dirir sokeeyaa leh

Dad dir loo dileen qabin dunuub dirir sokeeyaa leh
Diinta culumadeedoo la dilo dirir sokeeyaa leh
Digtooriyo aqoon yahan daldalid dirir sokeeyaa leh


Masjid duma madaafiic darteed dirir sokeeyaa leh
Haleey doorto ama waa dagaal dirir sokeeyaa leh
Waa dilid ninkaan iga danbeyn dirir sokeeyaa leh

Baadi doon dad wa hore la dilay dirir sokeeyaa leh
Damaaciga gumeysigii la diray dirir sokeeyaa leh
Duweylaad dalko kala go’go’a dirir sokeeyaa leh

Ku soo daad guree sune ku duug dirir sokeeyaa leh
Dal dhan oon laheyn dowlad qaran dirir sokeeyaa leh
Dan shisheye fuli taada diid dirir sokeeyaa leh

Dadkoodaan hubeysneyne dila dirir sokeeyaa leh
Doolar qaata iibsada dalkiis dirir sokeeyaa leh
Da’da kaa yar jago kula dagaal dirir sokeeyaa leh

Jahli dalab aqoontana ka durug dirir sokeeyaa leh
Diyo iyo qisaas dilaan laheyn dirir sokeeyaa leh
Dariiq gooyn isbaariyo dagaag dirir sokeeyaa leh

Kala daadsha dabadeed xakuma dirir sokeeyaa leh
Kumanaan dil adigoon damqeyn dirir sokeeyaa leh
Dabley aan dareemeyn samaha dirir sokeeyaa leh

Dad ladilo danbina aan laheyn dirir sokeeyaa leh
Dhaqaalaha dalkoo hoos u daga dirir sokeeyaa leh
Masiibadan dalkeennii dajiday dirir sokeeyaa leh

Waxba hadalku yuu ila durkine waan ka dagayaaye
Inta deelka maansada ku qoran dunida aafooyin
Dagaalada sokeeyaa dhalshoon cidina diideeyne
Bal taariikhda dunidaan intaan dhab u daraaseeyno
Aan dib u heshiin suubinoon garano doowgeena.
..

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo