Gabaygii: Daarood baan walaalayn lahaa


Cali Dhuux Cali Dhuux waxuu soo bandhigayaa u jeeddada gabaygiisa, mar haddii eedayn diradire isaga laga deyn waayey iyada oo haddana maansahannada oo dhami wada qirayo arrimaha uu cali ka hadlayo ay jiraan cali wuxuu yidhi


Daarood baan walaalayn lahaa, warasadiisiiye
Wardheer baan lahaa hayska dego, sida Wadaadkiiye
Wacad baan u kala qaad lahaa, wadar ahaantoode.
Ciyoon baan ku weyrixi lahaa, weris Ogaadeene
Ha welwelin wargeli baan lahaa, way wahsanayaane
Waxtar baan lahaa inuu ku jiro, waxa ogeysiiye.
Iiddoor wagaashaan lahaa, webiga jeexsiiye
Nimankii siday ugu wadeen, wiiqda kaga gooyey
Waraabihii cunayaan lahaa, ha iska waabsheene.

Wadaad shiikh ah weli daahiriyo, ma aha Weyteene
Iyagaa werdiga hayn jirey oo, Waaxid ku ogaaye,
Waaxaddii la dhacay xoolihii, wadarta loo qaaday
Iyo waarihii ay galeen, wiiqda la cunsiiyey
Weerkii caddaa baan lahaa, ha iska wiifsheene.
Ceelkii Walwaaleed hashii, wahane loo diiday
Wadaamaha Cammuud baan lahaa, ha ugu waabsheene.
Wasiirtoodi hore yaa xumayd, waalidkii dhalaye
Wacdigayga kuma doogsan iyo, waanadaan idhiye
Wahay wahe sidaan wax u dhimay bay, wig iska siiyeene!
Nacasku waa i wiiqaye Iidoor, waanigii wadaye
Waa kii waddada aan ku ridey, wagacda Jiilaale
Waaxdaan ka toosinayay bay, iga wareemeene
Waatii wadnaha aan u galay, sida Wadaadkiiye
Oo waalid xoortaan ogaa, wiish la caaridaye.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo