Gabayga: wacdi


Gabaygan waxa weeye wacdi iyo Alle xasuusin . Maxamedna jacaylka uu diinta u qabo halkan ku muujinya Waxuu yidhi:-


Nimanyahow adoomaha badhkood, male aqoon wayne
Kolba waxay arkaayaana waa, ku arin qataane
Mana oga amuuraha Ilaah, inay ahaadaane
Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo, aayadiyo diinka
Kutubaha war lagu soo ebyee, uunka wada gaadhay
Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe

Aadaanka gabay waanigii, aaladayn jiraye
In dhawayd ma uugaaminin, or iyo geeraare
Ogaadaay anaa iska edbiyee, igama oodnayne

Maral lagu arkaayiyo ninkii, cuduri naafeeyay
Kol haddaan asiib looga dhigin, aramidaa haysa
Oon lagu ayimin iilku waa, lagama oolaane
Ogaadaay mar unbuu caafimaad, ku istareexaaye

Haddaad aragto aadmiga nimaan, ubad u ciidmaynin
Oon aduunyo u godlayn, adhiyo geel toona
Ogaadaay mar unbaa irsaaq loo furaa, bari ka aasnayde
Ogaadaay adoomaha marbuu, ugu il roonaane

Aabiga libaaxuba wuxuu, ayda sarre maaxo
Ugaadh iyo aduunyaba hadduu, waayo ka abaado
Arsaquu lahaan jiray marbuu, amarkii siiyaaye
Ogaadaay abeer lala damcuu, adhaxda gooyaaye

Axad waabari toomantoo, dunidu aafowday
Olal kacay arlaa’iga dhulkoo, laga amaan waayey
Kol unbaa sabaan aarantaa, ararta doogayne
Ogaadaay alaaliga baxdaan, ku intifaacnaaye

Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo
Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo