bwaanku wuxuu gabaygan tiriyey bishii Juun ee sannadkii 1960-kii. Wuxuuna ka tiriyey madashii calan-saarka ee gobollada Waqooyiga Soomaaliyeed.
Qabanqaabiyayaashii shirka, oo ay ku jireen siyaasiyiin, iyo salaadiin (oo wada jiray), waxay codsi u soo direen Abwaanka si ay uga codsadaan inuu ka soo qeyb galo xafladda calan-saarka oo ka dhacaysay Laan-mulaaxo.
Sidii buu yeelay Abwaanku, gabayo badanna halkaa ayuu ka tiriyey. Waxaa gabayadaas ka mid ahaa kan hoose, oo aan intan hadda ka hayno.
Wuxuu yidhi:
- Nimanyahow muraad gabay haddaan madal ka sheegaayo
- Hadalkii muctaad aan u noqdeen muhindisoonaayo
- Horta inaan ka maansoodo waa laygu maleeyaaye
- Mugga horase taan mooday baan magac u sheegaaye
- Qodob waliba waa ii mubaax kanise waa miine
- Kollay reer miyaad baan ahoo waan malaasnahaye
- Magaalana waxay ii ahayd maalin arageede
- Makaahiila jeer baan ahaa mini Abraahiine
- Ina Macallin baa la i yidhaa nin u muraad loowe
- Hadda midh SNL aan noqdee waa markii hore e
- Waxaan mnuhindisoon een haatan saa ugu muraaqooday
- Ee maanta mooyee ku jiray milicda Doolloode
- Mustacmaar xunbaa joogayoo la isku maandhaafye
- Oo waliba minanaaradaa muruqyo roonaaye
- Makhluuqaadkii maashaasi waa murugadaysnaaye
- Qalbigaa madoobaa oo laftay miridh ku yeesheene
- Muggood bay qabeen ciilse waa lala madluumaaye
- Mushtar oo dhan waa laga muxsaday maalkii uu wadaye
- Macatabyo hooya oo ka taga Maxamed diintiina
- Muslinimana sii daaya bay maya ka taagnayde
- Siddii kalase waa loo mulkiyey meheradeediiye
- Aniguna middaasaan jeclaa inaan ka muudaaye
- Dadku nolosha miigan hadduu maad u garanaayo
- Qof waliba middiisuu mindhaa maaradeed qabane.
Intaas ayaan ka helnay gabaygan.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed