bwaanku wuxuu gabaygan tiriyey bishii Juun ee sannadkii 1960-kii. Wuxuuna ka tiriyey madashii calan-saarka ee gobollada Waqooyiga Soomaaliyeed.

Qabanqaabiyayaashii shirka, oo ay ku jireen siyaasiyiin, iyo salaadiin (oo wada jiray), waxay codsi u soo direen Abwaanka si ay uga codsadaan inuu ka soo qeyb galo xafladda calan-saarka oo ka dhacaysay Laan-mulaaxo.

Sidii buu yeelay Abwaanku, gabayo badanna halkaa ayuu ka tiriyey. Waxaa gabayadaas ka mid ahaa kan hoose, oo aan intan hadda ka hayno.

Wuxuu yidhi:

  • Nimanyahow muraad gabay haddaan madal ka sheegaayo
  • Hadalkii muctaad aan u noqdeen muhindisoonaayo
  • Horta inaan ka maansoodo waa laygu maleeyaaye
  • Mugga horase taan mooday baan magac u sheegaaye
  • Qodob waliba waa ii mubaax kanise waa miine
  • Kollay reer miyaad baan ahoo waan malaasnahaye
  • Magaalana waxay ii ahayd maalin arageede
  • Makaahiila jeer baan ahaa mini Abraahiine
  • Ina Macallin baa la i yidhaa nin u muraad loowe
  • Hadda midh SNL aan noqdee waa markii hore e
  • Waxaan mnuhindisoon een haatan saa ugu muraaqooday
  • Ee maanta mooyee ku jiray milicda Doolloode
  • Mustacmaar xunbaa joogayoo la isku maandhaafye
  • Oo waliba minanaaradaa muruqyo roonaaye
  • Makhluuqaadkii maashaasi waa murugadaysnaaye
  • Qalbigaa madoobaa oo laftay miridh ku yeesheene
  • Muggood bay qabeen ciilse waa lala madluumaaye
  • Mushtar oo dhan waa laga muxsaday maalkii uu wadaye
  • Macatabyo hooya oo ka taga Maxamed diintiina
  • Muslinimana sii daaya bay maya ka taagnayde
  • Siddii kalase waa loo mulkiyey meheradeediiye
  • Aniguna middaasaan jeclaa inaan ka muudaaye
  • Dadku nolosha miigan hadduu maad u garanaayo
  • Qof waliba middiisuu mindhaa maaradeed qabane.

Intaas ayaan ka helnay gabaygan.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo