Gabaygii: Waa Gaadhi baatroolka go´ay

Raasamaalka miyigu sidaynu wada og nahay waa geela oo uu nin kastaaba ku tallamo inuu xeradiisa ka buuxiyo. In kastoo Soomaalida miyiga deeqsinnimo siyaado Iagu yaqaan, haddana geela bixintiisu nin walba oo haysta waa ku dhib. Waxaase jira waxyaalo badan oo geela loo huro sida yaradka iyo magta oo kale.

Nin la oran jirey Maxamed Aadan Caws oo ay gab­yaaga isku degmo ahaayeen ayaa beri damcay inuu gabadh guurswlo., Markuu tabaabushihii yarad – bixinta ku jirey
ayaa Ismaaciil damcay am ay la ahaatay inuu inanku ka badbadinayo oo uu yahay nimaan geelu qiime ugu fadhiyin. Markaas buu gabaygan ku tusaaleeyey waxa u dambeeya ninkii inta dhallinyarannimadu qaaddo xeradiisa ka madhiya. Kolkii uu gabaygaan tirinaayey waxaad mooddaa inuu Ismaaciil maskaxda ku hayey maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa: «Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo ee wax loo hayaa lagu dhaqaa».

«Xididku wuxuu xil iska kaa saarayaa inta aad arooska tahay ee haluhu kugu dambeeyaan». Erayadaas weeye kuwa ugu waaweyn ee uu gabayaagu rabo innu Maxamad ku baraarujiyo. Wuxuu tusaale u soo qaatay nin ka mid ah raggii dhaqaalaha geela dhibaatada u soo maray ee aan xataa ku dhiirran inay naago ku guursadaan, uuna ka midka ahaa Cali-Gaban.

Hadalkii wuxuu ugu soo dhammeeyey «Guri aan geel Iahayni waa gaadhi Batroolkii ka idlaaday oo kale. sida aan san aan dhaqdhaaqa Iahayn reerka geelu ka madhaa». Wuxuu yidhi waa baabuur batrolkii ka madhay aan dhaqdhaqaayan


Garaadlaawe Ina Aadanow guud caddaan ahaye
Guumeys ku xiga oo tashiga goyn karaan ahaye
Nin soo gaadhey baan ahay raggii guurtida ahaaye
Guddoonkayga maqal yaad ka dhicin gebiyo dhaadheere!


Maandhow geyiga aakhir seben ee gubtaye waashay
Ee laysu soo wada galee gacanta lays ruubay
Ee raggii Garoowiyo iyo lidoor oodda kala goostay
Ee Gaanniyo’ Geelle – yare’ geed isugu keentay

Gabaad iyo Nasiib iyo haddaad bixiso geelaaga
Goobtaad istaagtaba ardaa waa laguu guriye
Wanna waa la gegi sooryo waa shuqul gobaadeede
Faalaaga geedale hadday gabadhu kuu keento

Ganuun xoor leh iyo shaah hadii lagugu soo gaacsho
Isguufguuf daleed iyo xishood waa geddii xidide
Adoo gaajadii qaba haddaad gees isaga jiiddo
Haddii laqanku kugu geeddiyoo gama’ laguu diido

Gadhka haddaad ka goyso aad cabaar gacan togaalayso
Aad leyika gellinkiisa hore Gini la haasawdo
Hadday gacanta kuu soo qabtaan waaga galacdiisa
Gasab nimaan lahayn naago waa gola colloobaane

Googaale iyo caytan bay kula geleysaaye
Inay gogosha kugu laabayso oy guure xidhanayso
Oo ay Galbeed iyo u kici dhulaanad gaadheydhin
Oo ayan gacal kuu ahayn geli calooshaada!

Awargaal dhasaynaha haduu golongolee qooqo
Waxuu dhebida geylaamiyaba gamashigii baydhye
Gobanimadu waa halaha aad gadiba shaalleeye
Gaajiyo harraad baad u dhiman oo gun baad noqonne

Cali-gabanba garan waa inuu naag ku guursado’e
Goox buu u qaayibey iyo boor gogol la’aaneede
Waa gaadhi baatrool ka go’ay guri hal waayaaye
Golaha hayska madhin caydhi waa guuldarriyo hooge!!

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo