Gabayga “Uneexo” wuxuu soo baxay bishii Nofeembar ee sannadkii 1962-kii, isagoo (Dhoodaan) jooga Hargeysa.
Wuxuu gabaygan tiriyey ka dib markii Xisbigii Nasrullaahi ee gobolka Soomaali Galbeed ka halgamayey ay afgambiday dawladdii Soomaaliya. Dawladdu waxay isticmaalaysay miisaaniyaddii Jamhuuriyadda, iyadoo adeegsanaysa rag laga soo abaabulay Muqdisho.
Abwaan Dhoodaan, oo xubin firfircoon ka ahaa Nasrullaahi, wuxuu ka gilgishay oo aad uga dagaallamay xumaaday majarahaabinta iyo wahanka ay madaxdii Jamhuuriyaddu ku rideen halgankii xalaasha ahaa ee gobolka ka taabagalay.
Kolkii afgembigii Nasrullaahi hirgalay, ururkiina loo bixiyey magac cusub, ayuu Abwaan Dhoodaan u duceeyey mujaahidiin jabhad ahaa oo tababar ciidan u doontay Soomaaliya.
Cadho iyo Hanjabaad Abwaan Dhoodaan
Dhoodaan wuxuu aad uga cadhaysnaa afgembigii ay dawladdii Soomaaliya ku samaysay xisbigii xorriyad doonka ahaa ee Nasrullaahi, kaasoo ku riday ururkii iyo madaxdiisiiba kala-biiqbiq iyo wahan ay kasoo kaban waayeen.
Dhoodaan, isagoo canaanaaya ragga madaxda ahaa ee siyaasaddii ururka ee xilligaa u cirbixin waayey, kuna guubaabinaya qaddiyadda guud iyo halgamaayaasha, ayuu gabaygan tiriyey.
Waxaa kale oo uu Abwaanku ku hanjabayaa in haddii arrinta sida loo dhaami waayo uu meel hor leh ka bus-kicin doono, midda uu dhigana mar dhagaha faraha la galin doono.
Wuxuu dulqaataba, markii uu xaqiijsaday inaan dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya inna wax naruuro ah u haynin halgankii Soomaali Galbeed, ayuu ka dhabeeyey hanjabaadiisii. Lix iyo toban sano ka dib gabaygan, bishii Maajo 1978-kii, ayuu Macallinku ka uruursaday Xamar oo tagay magaalada Herar, mucaaradna ku noqday xukuumaddii Maxamed Siyaad gadhwadeenka ka ahaa.
Gabaygu ma dhamma; inta aan haatan helay, wuxuu yidhi:
- Amxaaraa dhacaysoo inagaa dawlad dhalin doona
- War Soomaalibuu soo dhaw yahay dhamacdii ay haysay
- Idinkuna dhexdiinaa xumaan aad isaga dhawra
- Sidaasoo aan dhiidhiya ku daray tii aan dhaadhiciyey
- Kolba wiilashii loo dhisiyo madaxdii loo dhiibo
- Hadday tuug-dhurwaaliyo noqdaan reerka mid u dhaansha
- Inta dhawranaysaana soow kala dhaqaaq ma aha
- Oo Dhoodaan khasaaroobay soow layga dhigi maayo
- Dhaaxaan cabiid qaatay oo dhiba i gaadheene
- Dhegebsiyo in dooraan lahaa dhagaha sii daaye
- Idinkuna raggaan dhawrayoow nama dhaqaysaane
- Nin waliba dharaar sawd macaan weyga dhamayaaye
- Dabadeedna meeshaan dhisnaa kay iskaga dhaafye
- Sidaan gabay ku dheerayn lahaa dhuganba meysaane
- Kolaan Xabashi Dheemiyo Hawaas dheefta kula quuto
- Oon dhibi-shaxleeyo oon markaa hadal xun soo dhiibo
- Oon dawladeena oo dhan iyo duni ku dhoobaysto
- Dhabbayoow kalaan doonayaa inaan ku dhoofaaye
- Dhayal laygu haasaawo iyo maanso loo dhidido
- Iyo qoorta soo dhiibidii hayga dhawrina e
- Dhay baan lisaayee haddaan dhoobo qodayaaye
- Dhalinyaradii rooreeysay baan dhaca odhan geele
- Labadii is dhuun goyn lahayd waa isagu dhiibe
- Kolba dhagar ninkii doonibaan dhaan u rarayaaye
- Kusoo dhowra ceebtaan dhigaa waa mid loo dhimane
- Dhanqaryada walaalkeenba waw dhidid kulayl laaye
Intaas ayaan ka helnay gabaygaa hadaad helaysaan soo dhamaystira.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed