Dhamays Dumar waa Maanso runtii igu leh xusuus gooniya, kalkii aan curiyay, dulucdeeda iyo falcelinteedaba waxay lahaayeen saamayn.

Maansaddu waxay ka hadlaysaa humaag qeexaya gabadh Soomaaliyeed oo ku labisan hiddaheenii iyo dhaqankeenii suubanaa, oo wax ku cunaysa “isticmaalaysa agabkii dhaqanka” U hooyanaysa oo ku nool idil ahaanba wixii aynu lahayn ee dhaqankeenii Hooyo iyo dhaxalkeenii Aabe ahaa.

Dhab ahaan humaaga maansaddu wuxuu ahaa mid aan sawirtay habeen anigoo goob cidlo ah lugaynaya.

Aan dib u milicsano sanadkii 2014kii anigoo jooga meel jigjiga u dhow degaan ahaan, ayaa nin dhalinyaro ah oo aan saaxiibo ahayn ii casuumay si heer-sare ah.

Casuumad dhalinyaro waad garankartaayoo waa jawiyo badanlay iyo wakhti dil la sameeyo uun. Waxaan ka xusi karaa xafladda in maalintaas aad naloogu tumay kaban”Cuudka lagu heeso” Aad ayaan u xiisayn jiray dhagaysiga cuudka hortayda lagu tumayo, mudana waan ka maqnaa saaxad uu yaaloba, Anigoo qabba jeel dhegeysi kaban ayaan maalintaa ka jibo keenay.Hadaan kuu sheeko xado goobtii naloogu tumay waxaa joogay dhalinyaro qurxan oo aan ku milmin waayaha adag iyo marxalad qayirta midana.

Magan Eebee damaashaad, farax, iyo maamuus kadib goobtaas waxaan ka soo baxay xili danbe oo habeen ah, Anigoo kaligay ah ayaan soo lugeeyay wado dheer oo u dhexeysay hoygii aan degenaa iyo halkii aan ku xafladaysanaynay.

Jawigu waa jawi roobaad oo aan dhulka biyo ool laakiin uu cirku riman yahay lanna sugayo xiliga Weyne kor ahaaye uu soo fasaxayo raxmada dhibcihiisa biyahay ah, Cimiladu waxay ahayd mid aad u qaboow intii garashayda ah tii ugu qaboobayd een aan ku noolaado, waxaa dhacaysa dabayl yar oo ceeryaamo wadata, dhibcaha ceeryaamadu waxay garaacayaa ooga koodhka aan sito waanse ku raaxaysanayaayo waxaan ka soo baxay meel diiran.

Amintii aan lugaynayay wadada ayay igu dhalatay inaan baadho Qurux Dumar, dumarku xiliga ay ugu quruxda badan yihiin waxaanna ii soo baxday waa goorta ay gabadhu haysato ama ku labisan tahay hu’ ay aftaqaan xidhashadiisa iyadoo taasi dhalinayso kalsooni ruuxiya oo uu qofku si dadban u dareemo.

Waxaan taas u daliishanayaa adiga laftaadu maalintaad xidhato dhar kugu cusub sida suud cusub ama sad cusub waxaad moodaa in dadkoo dhami ogsoonyahay oo uu ku soo eegayo, mana aha oo cidi ku soo eegi maysee waa dareen ruuxiya kaliya oo kugu kooban adi, laga yaabee inaad qajisho taasina waxay dhalinaysaa hoos u dhac kalsooni. Laakiin hu’ aad aftaaqaan hadaad wadato waxay dhalisaa isu kalsoonaan aadan ogayn adigu, se kaa muuqata oo waxaad u howlo gudanaysaa/u soconaysaa si baraad leh.

Si kale hadaan u eegno gabadhu waxay ku qurux badan tahay dookhii Ayeeyadeed iyo Hooyadeed ee ay ku ababiyeen taasoo markay ku jirto marxaladaa iftiinta.

Tusaale gaaban hadii gabadh soomaaliyeed surwaal jeans ah loo xidho maku socon kartaa suuqyadeena dhexdiisa jawaabtu waa maya, waayo falcelinta indhaha dadka ayaa ku filan inay baahiyaan maskaxdeeda socodkuna ka lumo. Se hadii aysoo xidhato shay ay hore u isticmaali jirtay dadkuna la qabo, laafyaha xaragada ayey u tuurtaa sidii boqorad oo kale.

Hu’ga dhaqankeenu waa dookh soo jireen ah in kastoo waayadan uu u dhow yahay sida jeanska looga saso in loogu dhaygago, mucdaydu waa hadii gabadhu ku labisato dookhaa soo jireenka ah in quruxdeedu sii bilaanayso uun.

Aynu u soo noqono xanbaarkii maansaddee, maansaddu waxay aad u qaadaa dhigaysaa amaanta hanka gabadhaas ay kaga fogaatay wax kaste oo aan qiimo u soo kordhinayn, uguna dhegenaatay tabacii faca waynaa ee soo jiraanka ahaa mudooyinka qarniyaasha badan ah.

Maansadu waxay aad u tilmaamaysaa sida ay ugga mudhay dhalinyaradda “ugga dhex muuqatay dhalinyaradda” Iyadoo ku mutaysatay amaan iyo suugaan dhigaal noqonaysa inaan ugu abaalgudo gabadhaa, laabo fara badan oo soomaaliyeedna ay ku ahaato rukun iftiimiya qiimaha wayn ee dhaxalkeena, dhalinyaradunna ku dayato.

Sidoo kale maansadu waxay ka hadlaysaa quruxda nimcooyinka Eebe wayne ku manaystay dhulkeena, quruxda dhirta kala jaadka ah, buuraha kala bedkaa, laagaha kala jihada, togaga kala baaxada, ciidaha kala duwan iyo nimcoolayda kala dheeftaa ee ku nool guudka dhulkeena iyo intifaacooda.

Neecawda xiliyada, gobanimada Aadanaha ku nool iyo la noolaanshahiisa qiimaha badan. Waxay sidoo kale ka hadlaysaa ku tarankiisa badqabka leh waayo meel aad 20 caruura ku dhali karto oon lagugula xisaabtamayn deeqda Ilaah ku siiyay waa dhulkeena uun iyo wanaag tirro badan oo Eebe dhigay Oogadda Dalkeenna inagoon u gudbin waxa gudihiisa inoogu jira.

Iyadoo maansaddu sii socota waxay dul maraysaa lanna dardaarmaysaa daminadda dhalinyaradda wakhtigan iyo hawooyinkooda lumiyay dhaqankoodii iyo dhaxalkoodii, inay maanta is dabaqabtaan. Oo dad waxaa uggu khayr badan kuwa waxay isticmaalayaan samaysta, waxay cunayaana beertee bal inay dib u baadhaan kuna dhaqmaan cilmigii dhan walba qiimaha lahaa ee lagga dhaxlay awoowayaal.

Sidda ii caadada ah Suugaantaydu waxay leedahay shaanbad u gooniya oo tilmaanta qofkii tiriyay kuu ahaa, u jeedka uu u tiriyay iyo halbeega ay suugaanta ka tahay.

Halkaa waxaa ku badoolan muhiimadu inay tahay inaan yeesho shay aan kaga duwanahay halabuurayaasha kale iyo muujinta inaan anigu tiriyay.

Waxaana taas igu kaliftay in anigoo dayar lafyarna aan Suugaanta tirinteeda bilaabay oo markaan tirinayo la moodi jiray inaan soo qaybay oo kaliya.

Falcelin balaadhan oo halkaas igaga timi ayaa igu kaliftay inaan Suugaantayda u yeelo sumad baadi-sooc u ah.

Maansadda Dhamays Dumar cadad ahaan waa ku dhawaad 250 oo meeris tuduc kastanna aad ka muudsan doonto malab iyo wanaag aan jecelahay inaad ka hesho.

Aan idiin kala baneeyo Adiga iyo Weedhaha Maansadda:-

Magaca Maansadda: Dhamays Dumar:

 

Dhiskeeda odhaahda weedha

Dhawaaqa alfaada sooha

Dhigtiyo shaqalada xuruufta

Dhabaha dulucdiyo u jeedka

Dhalaal maansada duxdeeda

Waxaa igu dhaliyay dooca

Ogoow waa dhaqanka maanta

 

Dhamooy dheehiyo ilwaadka

Dhamayska jidhkaaga muuqa

Tilmaan dhidib sami hubqaadka

Ilaah u dhameeyay jooga

Waxaad dheer tahay haweenka

Ogoow waa dhaqanka suuban

 

Adaan dhaxalkaaga tuurin

Adaan dhaladkaaga xoorin

Adaan dhumin sowracaaga

Adaan dhigin saanaddaada

 

Adaa dhidibada u taaga

Adaa dhisa oo ilaasha

Adaa dhimashada u diida

Wuxuu dhaqay Aabahaa

 

Adaa dhigta iyo aloolka

Dhiskeeniyo agabka reerka

Dhabtii adigaa u hoyda

 

Adaa dharigiyo fandhaalka

Adaa dhiishiyo sibraarka

Dhamaan agabkeeni hoyga

Adaan dhoobada ku doorsan

 

Adaa dhaclihiyo garayska

Si aan dheerayn xishoodka

Dharkeena ku faana maanta

 

Adaan nicin dhalashadaada

Adaan dhalan rogin jidhkaaga

Adaan dhajis xidhan khafiifa

 

Adaa midabkiyo dhalaalka

Maariin dhuuxiyo korkaaga

Adaan dheehaaga doorin

 

Adaan dheeraadka yeelin

Adaan dhicisnimo ku faanin

Adaan dhalanteed run moodin

Adaan dhaldhalaal dan moodin

 

Qofkii dhaqankiisa doorshay

Midkii dhaxalkiisa tuuray

Adaa dhoohane ka fiican

 

Hankaagu inuu dhamaado

Amase dhuubtoo yaraado

Sidii dheehii idlaado

Adaa dhimashada ka doortay.

Akhriste Maansadda oo dhamaystiran sii raac Linkigan Dhamays Dumar. – Murti iyo Suugaan

Kaydintii: Academyada Suugaanta ee Murti

Curintii & Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo