Dagaalkii Daraawiish iyo Bile Samatar Cismaan
Boqor Cismaan Maxamuud wuxuu Daraawiish ku soo diray ciidan ujeeddadoodu ahayd in ay laayaan Daraawiishta oo ay soo qaadaan maal kasta oo gacanta ugu jirta. Ciidankaas waxaa hoggaaminayey nin la odhan jiray Bile Samatar Cismaan, kaasoo ahaa gacanta midig ee Boqor Cismaan.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa geesi aan tabcada iyo tirtirsiga dagaalka lagaga horayn. Ilaalo uu banaanka u diray ayaa si degdeg ah uga soo digtay ciidanka duullaanka ah ee ka yimid dhinaca Majeerteen.
Isla markiiba, Daraawiishi way u diyaargarawday. Ciidankii Majeerteen oo ku jira qaab weerar ah iyo Daraawiishtii Sayidka oo ku jira qaab difaac ah ayaa rasaas culus oodda isaga qaaday.
Dagaalkii markii uu muddo gaaban socday, ciidankii Boqor Cismaan way jabeen, waxaana la kala dhigay in dhuntay iyo in dhaan raacday (in la dilay iyo in carartay).
Hoggaamiyihii ciidanka Majeerteen, Bile Samatar Cismaan, Daraawiishi way qabatay. Waxay u keneen Sayidka isagoo keenaysan (maxbuus ah). Sayidku wuxuu amray in Bile la xidho.
Haddaba, halkaas ayuu Sayidku kaga mariyey gabay ay sheekadiisu naga soo gaadhay, isagoo ka hadlaya guushii la soo hooyay iyo qabashadii hoggaamiyihii cadowga.
Inaan Bile tagoogada ka xidhay, tebiya oo geeya
Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya
Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya
Labamaare inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya
Shanle-dheere inuusan wax tarin, tebiya oo geeya
Cabdiraxiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya
Daraawiishi inaysan tureyn, tebiya oo geeya
In Ustaadku tiir-dhaadan yahay, tebiya oo geeya
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed