Gabayga: Tayasiir

**Tixda gabayga waayadan ka tegey tamalas keediiye
**Tacab lumaya maantuu noqdaan tuuray qalinkiiye
**Teeb uma garaaciyo murtida taawal xiisalehe
**Nin waliba markuu tay xidhaan nacay tarkiisiiye
**Maantana wax bay taabtayoo waan tawelayaye
**Taariikh madaw baan arkaa tiirar soo jabaye
**Tiiraanyo xoogaaliyo wax baa tigey naftaydiiye

**Sidii aar tabaaloobey oo tuur kakici wayey
**Oo seben togoog yaha jabshaan taaganay meele
**Tol is laaya gacal kala tagoo tobanba meel aado
**Taageera ruux tiisi nacay taaba xuma deeda
**Turxaan aan dhamaaniyo dadkoo tooray lagu laayo
**Tafa dhiigle sow kama tagaan tacab khasaar keeda

**Allahayoow adaa taajiraan gacanta kuu taagey
**Allahayoow adaa toosin kara qoonkan tala teermay
**Taraqaa baxayaa dhulkuu wada tabaalayne
**Waxay shalay ku tahan toogtay Iyo waa tubtii hore-e
**Allahayoow tabaalada kasaar nabadu taashe

**Taya malaha meeshii colaad lagu tokooraye
**Allahayoow tolkaa wada dhashana beladu yay tiigsan
**Allahayoow tubtii wacan adaan kuu tawaawacaye

Abwaan Murtisame gabaygan wuxuu tiriyay 29/11/2013

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Abwaan Buureed

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo