Gabaygii:Talo Iblleys
Axmed samatarow gabay hadii layga uur-doono
Oo aanu meesha u ekeyn lagu igbaaraayo
Aan or iyo guul laga hadlayn waygu igadh-taage
Ilin baan u waayaye si kale uma ilaaweeyne
Waa oohin caawana tixdaan idin idhaahdaaye
Bal aan kuu akhriyo maasadaan idinku uugaanshay
Eray iiga gee Habar jaclada laga amaanwaayey
Erayna iiga reer Absame ama Ogaadeenka
Erayna iiga gee yaan garaad ina ishaareyne
Erayna iiga gee jaamac gibin ama akhyaartooda
Eray iiga Habarjeclada laga ammaan waayey
Idinkoo abaar qaba jir da’ay ubax intuu saaray
Aftimaha banaan dooxadoo aarantiyo iyo keynta
Carrisyadda ugbaadka ah dhulkoo wada udgoonaaday
Dhaaxaad alleysiga fardaha uga irdhowdeene
Oogada Bancawl iyo saraar idhimmadow u jeeda
Halkaad haantan ooshiyo dhigteen aqalka gaagaaban
Dhaaxaa ilaalooyin-guluf idinka eegteene
Wado aan adeentiba lahayn ama aboor fuuley
Degmo tidhi abaadaye hadaba maalka ku ekeeya
Oo halo irmaan iyo ku ladan adhi riyow u fiican
Dhaaxaa adeerkay ruma iyo aabbahay dhacaye
Dharkoo adag albaadda badda naga yar awdnaaye
Dhaxaa bulshada kii araday iib la’aan helaye
Dhaxaa arlada laydin baday edeg cidhiidhyoone
Dhaxaa xagaa ku irkateen uumiga Gubane
Dhaxaa sanguhu idin erdayay sida ugaadheede
Dhaxaa ilaah iyo kufriba u ashkatooteene
Runta lama inkiro beense waa la asaraaraaye
Hadaa sida ilkaha loo sinmoo la is-ilaaqaaye
Ingiriis hortiis waa idinkii noo addoonsamaye
Ishinkiina teer iyo qoraa loo askumay xooge
Ilmo kama baxsado cuqabaduu falay awoowgiise
Amaahii fogaa yaad baryahan ururinaysaane
Maantana awaashaa beri baa oof wareenka lehe
Anaguba isaaqii isku jabay uma ilmeynayne
Arafadii kal hore waan jecleyn asqalkiiniiye
Bishanaa ameelku u xidhnaa idilka Daaroode
Waa iidayada maalintaad aad u murantaane
Inaad adhaxda naga toogataan waa isku ogeyne
Ereyna iiga gee Reer Absame ama Ogaadeenka
Uurxumo Hartaa maanta timid waana ehelkiine
Majeerteen siduu naga adkaa amar-ku-taagleeye
Kuwanina alaab iyo hubay urursanayaane
Abbayoonis baa idinka xigay soona ordi waaye
Idinkuna alleylkaad hurdada ku istareexdaane
Abtirsiinadiinii maxaa idin ilowsiiyay?
Ardalyahow walaal kale miyaa aradka kuu jooga?
U-ekaanshihii baanan hayn kugu abbaaraaye
Ma Idaad tihiin Duullanow waad na aragtaaye
Erayna iiga gee yaan Garaad ina ishaareyne
Goortuu isaayuhu ka dhacay eeriyada howdka
Waa taad ergaysee is tidhi belada ood saaree
Adigiyo islaankii kalee ahabta sii qaaday
Aflagaadadii laydin yidhi uunku wada yaabye
Waxba edebdarradu yay ku dhibin awliyaad tahaye
Waa eed la’aan nabad hadday ka ashahaateene
Annagaa abaalkooda marin oo ka aar-gudane
In yar suga berreey odhanayaan odayadiiyow e
Erayna iiga jaamac gibin ama akhyaartooda
Usha doqontu goor lagu dhuftay bay’aba’ba’laysaaye
Ararsame ka khoof sida tuka anafadiiniiye
Aanada Hayaag Cali-geraan kaba irdheysnaaye
Markaasaad warmaha ka asasheen adhi sidiisiiye
Wallee waxaan la eedeyn ragaad ku adyadooteene
Bal ogaada tadalaa ibleys aayo-xumadooda.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed