• Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
  • Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
  • Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
  • Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
  • Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
  • Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
  • Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
  • Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
  • Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
  • Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
  • Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
  • aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
  • Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
  • Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
  • Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
  • Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
  • Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
  • Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
  • Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
  • Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
  • Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
  • Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
  • Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
  • Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
  • Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
  • Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
  • Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo