Gabaygii: Talaabada dakee

Dhiimo Cawad waxay ahayd dumarka uu Ismaaciil intuu uu noolaa guursaday
marwadii ugu danbaysay .In badan ayuu gabay waano iyo wax u sheeg ah u mariyey, waxaana ka mid ah gabaygan ee uu arimaha dhawrka ah ugu sheegayo Shan waxyaalood buu ku boorriyey inay ku dedaasho, Cabsi ILAAH. Inay martida u dadaasho.Inay Dhaqaalayso xoolaha. Inay iiska jirto Kuwa baadiyeysan.Iyo inay xarago ogaato Darwiishku waxuu Yidhi:-


Naagyahay waxaad damacday iyo dunida xaalkeedu
Waa labo duddoo oo kala fogaan doy isu lahayne
Dulligaad la joogtiyo sidii dahab u laacaaga
Doqonniimo hadalkaaga iyo duq iskayeelkayga
Waa dabo bangool iyo garkoo durufba meel yaale


Naa hoy dandaan lama rujo e maqal dabuubtayda
Naa hoy digniin baa ka timid dabaqi naareede
Naa hoy Salaadda u dedaal dunidana u fiirso
Naa hoy martidu yay dibjirin timid duleedkeena


Naa hoy markay duraha tahay dabax wankaad hayse
Ha yeeshee durduur uga dhigoo doobina u raaci
Naa hoy duqaad rarato yuu dabar la’aan foofin
Naa hoy dusmaan baa jiree dadabta cawsayso


Naa hoy dan haw gelin hadday durufi kuu baanto
Naa hoy iblays miduu dirsaday gogosha haw daadin
Naa hoy dufule waalan oo daaddufaa guda’e


Hayeeshee dib haysaga noqdee il iyo dan xaabi
Middii daba saylaamisa oo socod dameeraad leh
Oo lugaha darandooridaa waa darxumna weyne
Naa hoy talaabada dakee yaan lagaa didine

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo