- Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone       Â
- Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa
- Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale
- Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee
- Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene
- Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane
- Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
- Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay
- Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey
- Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee
- Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee
- Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay
- Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee
- Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo
- Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene
- Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene
- Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
- Balaayadan I taabo leh miyaan toosin  kari waayey
- Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey
- Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee
- Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere
- Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego
- Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh
- Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu
- Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso
- Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya
- Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
- Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin  u jeeda
- Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo
- Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu
- Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo
- Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato
- Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso
- Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu
- Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho
- Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin
- Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego
- Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey
- Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin
- Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin
- Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo
- War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine
- Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso
- Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare
- Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee
- Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene
- Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee
- Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye
- Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahay
- Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday
- Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee
- Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday
- Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee
- Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed
- Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay
- Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha