Gabaygii:Tahliishii Janno

Gabaygan waxaa tiriyay Adan Gurey Maxamed Cabdille, waxuu gabaygu ka hadlaa markii Ay Adan da’ i ka dabo timid ayuu mariyay gabaygan Waxuu Yidhi:-

Todobaatan iyo toban miyaan tiriyey waageyga
Sidda wiil tarada ceel marshay oo timaha deebyey
Tin madow miyaan laga dayeyn aniga tuurkayga

Ma talaabadaan la qadhqadhoo tiigsin socod mooday
Ma tukubay siddii habar tu kale tuugmo ugu jeeda
Bowdada miyaan tuujiyo adhaxda tiirkeeda

Taf-madow haddaan qaadan jiray maro tilmaan dheer leh
Tartarada miyaan qeyd ku xidhay taako labadeed ah
Barkin luqunta kuma tiirsho iyo tolone baarkiise

Ma dhagtaan tagoogada gashaday siddii aniga oo tuug ah
Wax martidu tamadisaa ninkay toos u hoyataaye
Tulugiis miyaan la igu arag tuludi waa geele
Naaguhu ninkaan tuujinhayn waa timlahayaane
Taf miyaanan rogi hayn siddii cudurku ii taabay

Torog maalintaan fuuli jiray tahartu weynaatay
Col tirtirihii anigaa lahaa tabayo duulaane
Guuraha anays taagi jiray idil tilmaanteede
Haddaan weerarkeedii tognay oon toon kasoo didinay

Iba-toosan leeyeey haday na hor tislaynaysay
Tog biyo leh haddaan keenay oon koron ku taysaynay
Sidaan wax u tabayn jiray miyaan taabi kari waayey
Allahayoow tahliishii janaan adiga kaa tuugay
.

Kaydintii: Academiyadda Murti “Mareegteeda Murtiyosuugaan”

Doorkii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo