Maansada: Tacliin

Aduunyadu waa tacliin
Tilmaan quman oon yareyn
Waxaa tiiriya aqoon
Talooyin hal-raac ku jirro
Taariikh guunoo fac-wayn
Taageer waligaa murtidda

Ragaa tageyee hormarey
Talaabada hore u dhigey
Tab iyo xeel bay helleen
Muraadkoodii tigtige
Kamay taginee horgale
Ku taame inay waddaan

Hadaan hadalada tarraxo
Tibaaxoon hoos u gallo
Tusmada maasada sharaxo

Tiiraanyaan ooyayaa
Inaan toosnaan jeclahay
Istaakulinaan jeclahay
Cilmiga taabnaan jeclahay
Tabtiisa helnaan jeclahay
Jahliga titirnaan jeclahay
Xumaha tuuraan jeclahay
Qabiilka tufnaan jeclahay
Tixraaca helnaan jeclahay

Waxaan tabayaa wax badan
Sideen ugga tagi karnaa
Maansadu yey ila tafmine
Taraarixinoo dhacmine
Aan taabto halkaan la rabey

Cilmigu waa toosh If way
Awood iyo tammar aan lumin
Ku taageeroo aan dhicin
Waxaa taajira nin helay
Waxaa taariikhda galla
Ninkii tooskaa u wada

Cilmigu waa taash qurxoon
Tafaasiirtaan dul dhigay
Intaan ka tagaa ka badan
Ninkii ku tarmaa yaqaan
Inuu yahay tiir hal-adag

Tuskaa da’ay ma aragtaan
Iftiinkay tabinayaan
Tecnologygay wadaan
Tilmaantay raacayaan
Waxay ku tageen aqoon
Tabaabusho iyo dulqaad

Ku taam adiguna sidaa
Tahriibta ka saar qalbiga
U fiirso tubtay marreen

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Curintii & Qalinkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo