Gabayga:Suuro Gooni
Gabaygan Runtii nimanka taariikhda wariya noo may sheegin sababta uu abwaanku u mariyey. Laakin waxaa ad uga muuqata murti, haddal miisan leh iyo cilmi aad u qoto dheer Maxamed waxuu yidhi:-
Sunihiisa gabay waayaan saayiq ku ahaaye
Indhawayd ka saahiday codkaan suuradayn jiraye
Sa’da kama akhriyo meeshiyo subucii dheeraaye
Ma sifeeyo meeshii kal horre sarumadiisiiye
Sanahaabadii baan ku hadhay salowgii shaydaane
Markaan saxana eed iyo danbaa iiga saa’idiye
Markaan samir idhaahdana ragbaa kicine sooyaane
Xalunbaa saqdii dhexe hurdada saar la ii tumaye
Sidii aniga oo suufiyaa layla soogsadaye
Sa’da bal aan ku dhigo caawa taan siinka ka higaadsho
Afartaa suddaan odhan jiriyo saani ma u sheegay
Sida sadarka diintiyo cilmiga soohdin ma u yeelay
Ma ku simay sutaac xariir lihiyo soohan midabkeeda
Sumad lagu aqoodiyo bidhaan soocan ma u yeelay
Sa’daan kaga bilaabiyo miyaan surin ka leexsiiyey
Hadal lama sariigee caddaan seef ma ugu gooyey
Saldho lagu fadhiistiyo rakaad sare ma gaadhsiiyey
Sowda kalana waa xalay halkaan seexasho u diiday
Haddii sahan rag loo diro dadkoo sano abaaraad ah
Oo suud madow iyo cagaar siibtay la arkoodo
Sune weeye xoolaha haddii saaca loo raro e
Nimaad sagal lahaydeen haddii saymo lagu sheego
Oo sawd xun laga keeno iyo si uu ku iimoobay
Sune weeye maalintaa inaad suubisaa gabaye
Sahal waxaad ka dhigataa gadaal wuu ku sababaaye
Sabanaba ninbaa Eebaheey magac xun saaraaye
Sifo foolxunbaa laga waramay Samatar Guuleede
Wiilkii af saa’ida lahaa sawdkan laga keenay
Iyo seexashaba waa u caad suu u hadi waayey
Iyo siduu anfaacigu u sabay silligu noo keenye
Xagganaga sidduu yeelay waa laga sadqaystaaye
Waa suuro gaani ah nimay dheefu sixirtaaye
Sunba nooga daran dhuunigaan sooryo noo galine
Sabta iyo midguhu way nacaan silicii ceebeede
Sawjadaha naaguhu kollaba kumaba soocdaane
Ka subxaanalaa laga hayaa suuqii Cadameede
Saajin iyo nin boqoruu ahaa saatan ka horowe
Markaan saajucnimadii la waa magacu saaraaye
Allay lehe salaankii ka duul sanadan Qoorleexe
Afartaa sarbeeb lama hadlee saxarka ma u diiday
Sida sadarka diintiyo cilmiga soohdin ma u yeelay
Ma ku simay sutaac xariir lihiyo soohan midabkeeda
Sumad lagu aqoodiyo bidhaan soocan ma u yeelay
Sa’daan kaga bilaabiyo miyaan surin ka leexsiiyey
Hadal lama sariigee caddaan seef ma ugu gooyey
Saldho lagu fadhiistiyo rakaad sare ma gaadhsiiyey
Sibbi iyo Sanaagyaha Galbeed Sabadii Booraale
Sarta Adari suuqyada Jigjiga salabkii Ceel Ciire
San Cadaad ma laga naadiyiyo Sugub afaafkeeda
Ma sayaxay safkii Reer Burciyo sawjarkiyo gaalku
Siidhiga miyey kaga tunteen Sugule Caynaanshe
Sow kalana waa Maalin Guur socotadii gaadhay
Niman subax gadoomaa ka tagay surinkii Ciideede
Salaad iyo salaadeeda kale saa’id iyo caawa
Intaaseey sudaha maaxayeen sool qar oodan ahee
Sibraar iyo ma sidan wiilashii sahaydii caanoode
Saamaale awr iyo ma wadan hilaygii saaraaye
Iyagoo sadoodo leh la gaadh qeyro saraf weyne
Sinaad looma maaxine la fahan yaan ku simanaaye
Samaan ina adeer iyo tolnimo laga sokeeyoowye
Niman seediyaashi ah yuu u tagay suramadiisiiye
Salka dhiga markay sugahayeen sii socduu yidhiye
Iyaguba samuudlow horweyn ma ay su’aaleene
Sangaha xoogga weyn iyo mindhaa sumal ma doonayne
Xeedhyaha sanuunadan iyo barnidan saaxil laga keenay
Wanka saabarka weyniyo goolalkii sibir kusoo naaxay
Waxba yuusan sogobyaalka u qalin seero-daaqyada e
Waxba yuusan sadkii gobi taqaan yaraha saaweyne
Suruq iyo harraad baa dilee badhax kol uu siiyo
Allay lehe surquun kalama tagin seediyaaladiye
Bal aan sugo sancadan la ii waramay waxay ku suurowday
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed