Gabayga: Sow Wax Ba’an Maaha
**Birgaydh janan ah baalaha casaan buuxshay darajooyin
**Baarliin dagaalkii nin galay biladna sooqaatay
**Boodhigaadh midaan biid lahayn alifle biibaaye
**Inuu baab dagaal uga waramo saw wax ba an maaha?
**Boodada ninkii baacinjiray faras banaan jooga
**Bulshaduna taqaanaye inbadan biibshay orodkiisa
**Biyoolaha dameeraha wadee beledka gaadhsiiya
**Inuu bereten ugu baaqayaa saw wax ba an maaha?
**Burdihiyo qoraankaba wadaad baydkastaba sheega
**Bukhaarina warkiisii hayoo beenta ka ilaashay
**Baydgaab mid soo bawsadoo bilista faaleeya
**Inuu belelka naar uga waramo saw wax ba an maaha?
**Boqol sano ninkii soojiraye boqorku gaadh siiyay
**Ee bamkii taleex lagu ridayna beeg ugaranaaya
**Baaluqu midaan weli ahaan biidkan kacay haatan
**Beerdhiga inuu uga waramo saw wax ba an maaha?
**Barni gaariyoo diiranoo bayd qurxoon hoyata
**Boqol loo gugalo oo bulshado badi amaanayso
**Bassaridu inay caayaysaa saw wax ba an maaha?
**Baโda gabayga nin bayaamiyoo baarkasare gaadhay
**Baalaqana ilaah siiyayoo baahin garanaaya
**Badhjab inuu la doodaa iyana saw wax ba an maaha?
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed