Gabayga: Sow Maaha

–Deelqaaf ninki ku hadlayee, dawga garan waaya
–Ee diiday marankii samaa, saw dagal maaha ?
–Dayn uu qoflee yahay ninkii, sii daldalanaaya
–Ee hadan diiday bixintii, saw dagaal maaha ?
–Daris aan habooneeyn ninki, degel la weegaarta
–Ee dumarka qayliyo dagaal buuqa ka damin wayey
–Intaa dakahrku dhiigeen iyana, saw ka durug maaha?
–Diintiyo shareecda ninki, daalib ku ahaada
–Dadkana ugu yeedhe wacdiya, darajo saw maha ?
–Digtoor caafimaad oo in badan, daawo lagu sheegey
–Diihaal xanuun qabay ninkii, saw daryeel maha ?
–Dahabadaad jeclaate in badan, dookhu ku habsaamay
–Daar ilaahay mooyee iyana, dadab gal saw maha ?

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo