Soofoow
Gabaygan intan baan ka heynaa ee soo dira
Soofoow sa’dii gabay beryahan waan ka saahidaye
Adiga uun baan sidaad tahay arkaye suubbi ma lahayn eh
Sannadka aad Ogaadeen tagtaba waad silloontahay eh
Sinta dhuuban seedaha melmelan dabada seynbaarsan
Sidii geel salaaf laga turqay iyo siig bukaad tahay eh
Soddoh wacan, suldaan gabadha dhalay sulubyo reer Nuur ah
Haddaad seeddi leedahay ku jecel saas ma noqoteen eh
Waar saaxiibaddaa baa ahayd saymo lagu reebye
Fadlan Gabaygan hadaad hayso inta dhiman nala wadaag
Facebook: Murti Academy
Email: [email protected]
Phone Number: +252634074575 +252906324144
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed