“Gabaygan uu tiriyey Qamaan Bulxan wuxuu ku saabsan yahay xilli ay Xabashidu ku xidhay magaalada Harar xilliggii loo yaqaanay Giri-Giri (waqtigii ay dagaalladu badnaayeen).

Qamaan xabsiga isagoo ku jira ayuu fariin u diray Maxamuud Ciye, oo ahaa nin ka soo jeeda reer Ciideed oo ay isku raas ahaayeen Qamaan.

Ujeeddada fariintu waxay ahayd inuu tolkii u sheego inay si degdeg ah isu soo urursadaan, sababtuna ay tahay cadaawad baahsan oo jirta awgeed.

In kasta oo gabaygan uu wada dhan naga maqan yahay, inta naga soo gaadhay waxay tidhi:

1.  Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane

2.  Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone

3.  Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye

4.  Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede

5.  Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e

6.  Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye

8.  Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye

9.  Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode

10. Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne

12. Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene

13. Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede

14. Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye

15. Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye

16. Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode

17. Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye

18. Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibada mayd yaale

19. Mashaqowde maatida hadaad, midigta jiidaane

20. Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele

21. Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo