Gabayga:  Sonkor-qubatay 

Gabaygaan Sonkor-qubatay waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi.  Abwaanku waxa uu ugu xogwaramayaa Siciid Barkhadle Xassan oo ah Sheikh Soomaaliyeed oo dagan waddanka  Kanada  iminkase kusugan wadanka Uganda. Taariikhda gabaygu waa 09/12/2005. Gabaygaan waa gabay ka hadlaya xaalladda dhabta ah ee uu kusugan yahay dalka Soomaliya Maxamed asaga oo ka qiirraysan waxyeelada iyo dhibta ku habsatay dadka iyo dalka Soomaliyeed ayuu u sheegayaa Siciid in  uusan jiifsanayn inta xaajo sidan tahay.!! Gabayguna waxa uu ku bilaabanayaa sidan.

Sonkor-qubatay  

Sa`da gabay Siciidow adeer saaciddaan bidaye
Sallaankeed ma korro gacaliyow sabab anoon hayne
Markii xaalku ila sibibixdaan siinka curiyaaye
Saakana tixbaan kuu sidee sacabadow doogso.!!
 
Hurdo seexan waayoo beryahan waan silloonahaye
Sahwi iyo wareer baygu dhacay waana soognahaye!
Haddaan suuqa aad maago oon doonto salabkayga
Sidii ruux sarqaamaan dhabada seegin oo dhumiye.!!
 
Dadku way salaamaan jawaab siina kari waayay
Sidaan ahayba mooggoo ayana waa sayaxayaane
Sawaab aan danayn aadmigay igu sifeeyaane
Anna waanka siibane ladood layma solon siiyo.!!
 
Sifahaas waxaa igu jirrabay amase soojeedka
Oo aan la seegseegay baan kuu safirayaaye
Waxaan ahay nin Soomaaliyoo diiddan silicaane
Siyaasadan sirgaxan baan arkoo saatan iigalaye.!!
 
Sumadda iyo calankii haddii suudi lagu tuuray
Sokeeyiyo walaalnimo haddaan la isku sooryeynin
Subaxdii lagaaraba haddii siigo kor u duusho!
Anna seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!
 
Saqiir-gowrac taladiis haddaan laba saluugaynin
Samir iyo haddaan lagu shaqayn soortan ila qaybso
Ummad kala sadcaashaay haddaan loo saldhigin beesha
Ana seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!
 
Dagaallada sokeeyoo ka dhacay sabadadeenoo dhan
Heshiis lagu sifayn karo haddaan shacabku soo saarin
Oo aan la isa saamixin dhamaan mooyi saynoqone
Anse seexan maayoo hurdaba waan ka soon xirane.!!
 
Intaan saawe-saawiyo runtii kala sifaynayno
Colaad soo afjarideed intaan suurto galinayno
Bulshadii sabooshaye intay sayn u curanayso
Ana seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!
 
Intaan siiradii Nabiga iyo suuraddaha Eebe (NNKH)
Sunnadiyo intaan diintannada sax ugu toosayno
Soomaali oo idil intay qaran salgaarayso
Ana seexan maayoo hurdada waan ka soon xirane.!!
 
Mar-haddii sidaan lagu socdoon samo layeelaynin
Kaan calanka saarnaba haddii qolo saluugayso
Sunta uu kufrigu qooshay iyo siriqda meegaaran
Dadkeenaa lakala soocayiyo soohdintiyo beenta!!
Saboolka iyo gaajada dhacdiyo suurka nagu raagay
Agoontaan wax saacidahayiyo haysan gacan siinta!!
Amuurrahan sirgaxan iyo adeer xaajadaan suruqday
Sax-markaan u`eeggaa qalbigu sii qarxanayaaye
Miyaan seexashaba u holladaa waan sahwinayaaye.!!?
 
Sonkor qubatay aadmigan noqdoo subacba meel aaday
Sirqadiyo dhallaankiyo duqaha saanti rogi waayay
Saxariirta goortaan dayiyo sabankan ceebaale
Miyaan seexashaba u holladaa waan sahwinayaaye.!!?
 
Soomaali kala yaacday baan soo dum-leeyahaye
Sulux iyo waxaan doonayaa inay sinnaadaane
Saqiir-gowrac baan diidayaa loo sadburiyaaye
Suugaanta iyo gabayaduna waaba sahaydiiye.!!
 
Ninkii nabadda ila saadiyaan surin la qaadaaye
Kaan suurto galinayna waa ii sun iyo boogge
Runtu waa sadkay beenna waa salowgi naareede
Inaan sowdqabiiliya dhahana hayga sugi maanta.!!                

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo