Gabaygii: Silsiladda saajimmada

Carruurta reer miyiga waxaa lagu yaqaan inay tuuloo­yinka iyo magaalooyinka jecel yihiin. Kolka ay xoolaha wax soo arooriyaan oo la shubo waxay doonaan inayan ciddina ku noqon ay intii cabbaar ah lug dambeediyaan oo dukaamada iyo waxa yaal daawadaan. Ninka reer miyiga ah oo ilmahaas dhalay saas aalaaba ma oggolaado, markuu sifaalahaas arkana wuxuu saadiyaa inuu noqon doono dawdar’ xoolaha neceb oo aan caaqibo danbe lahayn
Ismaaciil rag kale oo geel meel ku haya ayaa inan yar oo Saleebaan Cali la yidhaa hadba ka baxsadaa oo tuulad u cararaa Waa la soo celiyaa oo geela loo keenaa, suu misana waa cararaa. Maalintii u dambeysey oo la soo celiyey ayaa nin adeerkiis ahi sargado la dhacay Ismaaciil

markaas inankii yaraa gabay waano iyo tusaale ah ayuu halkii uga jeediyey. Waxa uu ku tilmaamayaa cirib xu­mada haysata wiilka xoolahooda ka dhaqaaqa, dabadeedna taga tuulada iyo magaalada aan ciduna ugu jeefaafayn’ wuxu yidhi :

Saleebaan – gahaydhow haddaad soofka celin weydo
Adigoo sagaal jira haddaad sidatan yeelayso
In sarwaamo kugu xiimayaan saa anaa huba e

Dabadeedna waad siibanood tegi sidaadiiye
Adoo suuxsan baad tegi hadhkii sabadi Ceeldhaabe’
Sixin hiliba seedaley barniya sararo geedeysan

Maqli iyo.sanuunad iyo kibis saa’il lagu dooni
Sooraadan helahaynin buur saarku kuu qabane
Dukaammada sareedaha leh iyo suuqyadaad xuliye


Markaasuu, sun liqihii ku marin surin cidhiidhyoone.
Saaq iyo adoo rubi xadaa lagugu seetayne
Silsilad bay manjaha kaaga xidhi saajimmadu dheere

Nin sebaan ka lumayaad tahood seeggan taladiiye
Samow aabbahaa Cali haduu samirba kaa joogo
Sal ku yeelo meel uun naftaad sababi doontaaye !

Murtiyosuugaan

Qalinkii. Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo