Gabaygan jacaylka ah abwaanku wuxuu u tiriyey xaaskiisa. Sidduu sheegay Cabdullaahi, doobnimo ayuu ku weynaaday ka dibna guursaday gabadha uu gabaygan u mariyey. Sababtiisuna waxay ahayd kalgacayl muujin iyo masayrtir.  Wuxuu yidhi:Â
- Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo
- Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye
- Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye
- Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin
- Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado
- Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda
- Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin
- Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona
- Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto
- Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo
- Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin
- Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa
- Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga
- Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin
- Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye
- Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay
- Rabbi kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh
- Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi
- Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye
- Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye
- Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe
- Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e
- Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori
- Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e
- Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e
- Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso
- Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e
- Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo
- Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona.
- Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho .
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed