Orgigii Mudug ayaa is hortaagay is rashaxaadii faraska. Wuxuu yidhi orgigii Mudug:

Farasow waxaad ku hadlaysaa, maan faqiirnimo e

Waligeed fahmada way dhintaa, feedha weyniduye

Fakarkaa ku yare khaadimnimo, kuma aad faanteene

Dadku adiga yey kugu fusheen, waxay falaayeene

Adigaa fadiilo u ahaa aan, wax faaqidine

Adigaa laguu fuuli jiray, faylagooyada e

Adigays figayn jiray intaad, fanato haadaane

Fakadkiyo aday odhan jireen, fiiga soo qabo e

Waa fadaladaadii waxaa, tan iyo Fiiq yaale

Fuud siinta waxay kuu bareen, ruuxna yuu furanin

Waadigaa fidsamay geedadoo, faaxay dheegyada e

Fagaaraha kurtiis baa hurgumo, faartay kuu qabo e

Ficil li’ida doofaarka yaad, farac wadaagtaane

Gacalkii nimuu faray habaar, foolxumaa diliye

Wax faquuqni sidii ey cadhiyo, furuqle weeyaane

Sango madax-faluuq waxa ku riday, aadmigoo falaye

Ma furdaamin karaynoo dhakada, yaa fin kaga yaale

Is foocaacin kama daalayiyo, foodhin been laha e

Adoonimo fac weyn qirayey iyo, duul aan fayoobayne

Fadli moodyey nabigay golaha, kaga fijaasaane

Xakamaha fidigiyuu niyada, mahad la foocaaye

Faraxyada inuu qoofal jaray, yuu ku faarixiye

Haddii koore faaruqo cadhada, waa firganayaaye

Taladeena yaan faras garba’ la, faraha loo saarin

Ninkii dameerka raran jiray oo ul dheer qarqarka u sita ayaa soo muuqday. Dameerkii intuu shirkii ka kacay oo ka hortagay oo gidaarka kala hadlay oo u tannaagay ayuu wuxuu yidhi:

Anoo dawlad falanqaynayoo, lay fajacay dooda

Anoo faylasuufnimo ku hagi, gole la feeraarshay

Foostooyin ima saarayside, hays fadqalalaynin

Ninkii xerada mas’uulka ka ahaa ayaa yidhi dee iskaga tag hadduu ku diiday maxkamadaha ka dacweeyoo. Ninkii dameerka raran jiray wuxuu ku jawaabay:

Annagiyo faruur-caddayaal, kala fogaan mayno

Isuma fayno laakiin dagaal, faydo tari maayo

Dugsigiyo fagaagayga yey, fir u lahaayeene

Farta iyo dacwada aad barteen, waa fidmo horteede

Haddii aan fasaxo sow darxumo, kuma falaadayso

Balo feenatiyo haaddu sow, meel ku fagan mayso

Ninkii xerada mas’uulka ka ahaa wuxuu yidhi ku diidyee wixii faganaya ha fagteene isaga tag haddii kale maxkamadaha ka dacwee. Wuu iska dhaqaaqay markaa ninkii isagoo aan garwaaqsanayn arintaa.

Awrkii xerada ugu weynaa ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha wuxuu yidhi geela ha la doorto. Wuxuu yidhi:

Anigaa leh hoomaal san iyo, haybad iyo jooge

Hillaac naga fog anigaa indhaha, ku haya leylkiiye

Hirkii laaci anigaa arkiyo, haradii doog weyne

Anigaa hanfiga jiidha iyo, Sool haraad kulule

Anigaa hadaafoo dhexmara, hawd cidhiidhiyahe

Anigaa af-dhiigta u hoydiyo, halista baasheede

Hiirtaanyo anigaa ka madhan, hibasho waa booge

Anigaa hufnaan badan leh iyo, hab iyo qoor dheere

Anigaa is hogaamiyaan, hoos waxba u dayine

Deeqsinimada anigaa hiddiyo, hooda u lahaaye

Anigaa wixii aan hantaba, hura abidkaye

Hoddannimada anigaa sidiyo, hibiyo iimaane

Anigaa leh hoog gobonimaad, ka hirqan doontaane

Anigaa dhir hadhac weyn lahoo, heelan idin gayne

Hoggaankiina ii dhiibta oo, igu hareer jooga

Orgigii Mudug ayaa is hortaagay madaxnimadii geela, wuxuu yidhi:

Waxa geelu uu ku hadlayaa, waa hadoof madhane

Hooshaarku waa beentiyoo, weyna hodayaaye

Hungo weeye laafyaha kanuu, hanaqa jiidaayo

Hunguruu la dabandeebayaa, horor siddiisiiye

Hamuuntiyo cirweynida dhammaan, halacyo weeyaane

Sida haanta qabo soortu wey, ku halwaneysaaye

Hogorkaba intuu madhiyo buu, hugun sal waayaaye

Hanba reebi maayoo salkuu, laaci hoorsiga e

Waxa geed hadoodilan arladu, haar cad bay noqone

Webiyada habeen qudha ayuu, hiisan gabigoode

Hurweynada darleefaa u iman, huugo kaligeede

Habaqlihiyo waxaan yaabaynaa, hugunka soo shaw e

Hulimada intuu buuxsho yaan, laga helayn meele

Hurduf iyo wuxuu inagu layn, hiijo iyo law e

Haraatida ayaa ina dhamayn, halakadeediiye

Hadhow baan hadaadun iyo cadho, hogaynaynaa boodhe

Hadhow baan habaartan iyo ciil, la hundhudhaynaaye

Goor boqontu ina heerantaan, hiif is cunaynaaye

Waa kaa hareeraha gabranoo, hayjadaa tubane

Hanqaloocsi waa kaa ku dhugan, weelashaa hilane

Hoggaankeena yaan geelu qaban, haatan baan digaye

Orgigii Mudug ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha oo yidhi riyaha ha la doorto. Wuxuu yidhi:

Indha qaaliyaan leenahoo, meel fog soo qabane

Quluub saafiyaan leenahoon, qalad ku duulayne

Maskax qani ah baan leenahoo, qaadda buuraha e

Qorqoraansho yaan leenihiyo, qurux hanaankeede

Cir qiyaasan baan leenahoo, aan wax qadinayne

Qadan fiican baan leenahoo, uunku noo qiraye

Rabbi baa annaga noo qaddaray, qaaya weynida e

Qoonkii is xaasida nicmadu, wey ka qubataaye

Qaafaanu nahay guurtiyey, talada nooquudha

Awrkii ayaa is hortaagay is rashaxaadii riyaha, wuxuu yidhi:

Riyo talada kuma ay qumana, qeexay hadalkaase

Qanje laayayoow qaran tukubin, uma qalmaayaane

Qaxar weeye oomaarayaan, diga qaboobayne??

Qardabiyo waxay inagu layn, qeylo kululaane

Qalaadkooda badan baa dhaguhu, noo qarxanayaane

Qardoofooyinkiyo geeska yey, nagu qataysiine

Orgi qeydhaboo godon ayaa, qooq inoo diliye

Is qaloocin iyo maag ayuu, noogu qawdhamiye

Qaroofihiyo giir kicinta yuu, qoorta lawlabiye

Noo wada qabbaanada ayey, nagu qasbaayaane

Qurfo fuula bay ina odhan iyo, qarar cagaag weyne

Qabco keena iyo yey na odhan, midho qalfooneede

Qamaankay waxay ina marsiin, qawyo dalaw dheere

Qeydar iyo waxaa inagu mudi, jeerin qodaxdiise

Ka qaraari maayaan dudmiyo, qoonsimaad badane

Markay qolofta ka xagtaan dhirtuba, wey qalalaysaaye

Xiddidada qoyaanka leh ciddida, yey ku qodayaane

Habaas qiiq la moodiyo dhulkuu, qarinayaa boodhe

Ruuxii qufaca oo cabudha, way qalacayaane

Qablanka iyo cadhaday ku sigan, inay qudh gooyaane

Qiilqiil inaga oo ku nool noo, qoslay odhane

Inta ayna qab weyn iyo riyuhu, qiima sare sheegan

Dabadooda yaa qaawan ee, ha qarsadeen ceebta

Taladana qamaamuurta kale, qolo inoo saara

Waxaa madaxnimadii xoolaha isu soo rashaxay sac oo yidhi lo’da ha la doorto, wuxuu yidhi:

Afar qooblahaa tuban shirkee, togaya giirkiisa

Ishkinkaa garbaha taagayee, amar la tookhaaya

Anagaa tolkood wada ahee, talada noo dhiibta

Angaa leh qurux taabud ahiyo, waaxyo tamashlayne

Suudh lala taxaashiyo anagaa, tayga ku haboone

Anagaa xarago tiicaynee, talada noo dhiibta

Dameerkii ayaa is hortaagay oo yidhi lo’du dhulkaba qurdub ku reebi mayso caws iyo geedo toona, wuxuu yidhi:

Carrabkeeda tobanyaalka baac, tiigsan qori yaala

Caloosheeda toxobka ahee waqeed, baahi talalaysa

Ma lo’ baa qurdubo nooga tagi, tog iyo laag toona

Saw tin xaabi meeshuu jiraba, uma talaabayso

Madax quud u taabac ah miyaa, horumar taabaysa

Ma tanaadaynaa gaajo, sow nama taftaafayso

Ma waxbay taraysa bulshada, tuurta lulideedu

Miyey taladu ku hagaagaysaa, tudhud la weedhaansho

Caqlibaa tisqaada ee xarago, udub miyey toosin

Faraskii ayaa wuxuu soo jeediyey in la doorto idaha Deexda, wuxuu yidhi:

Isku daalay oo dacasnayoo, doodii lagu xiiqye

Tuhunkii danbaw ina taryoo, doogo soo kiciye

Warkii Dakhare ina taabay iyo, nabaro duugnaaye

Danqashadiyo dhiidhiga wataa, laysu dudayaaye

Haddan kala dareeroo khilaaf, dumiyo goobteena

Duuggeena yaa hoogayoo, waa darxuma weyne

Dayacii horaan mudanaynaa, ee nadaashadaye

Duli baan la kamandhuudhaynaa, xero dabayl weyne

Waxaa inagu soo digan dadkiyo, habar-dugaagiiye

Duniduna waxay odhanaysaa, doqoni waa tiiye

Dibna uma kulmaynoo haddaa, qaarba deyr galiye

Waa kala dalweynaa siddii, duul habaar qaba e

Dawladnimada aan hanana oo, gaadhno danaheene

Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede

Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e

Damanaan gob baa lagu arkiyo, dul iyo iimaane

Iyagaa qabow dabac ah aan, dariska maagayne

Durwun iyo iyaga yaan aqoon, diradiraalayne

Dulmigiyo iyaga yaan jeclayn, dabay hulaaqshaane

Iyagaa baruur daacayoo, dulundulcayn goofe

Iyagaa dudada qoyska iyo, sabadu deeqdaaye

Iyagaa dareen culus lahoon, been lasoo didine

Iyagaa duduuciyoo bulshada, aad yar daadihine

Iyagaan dalluun iyo godiyo, dalow ku tuurayne

Iyagaa daggan oo aan fudeyd, sii durdurinayne

Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede

Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e

Orgigii Hiiraan ayaa is hortaagay in Idaha la doorto. Wuxuu yidhi markii aan hawshan ka shaqaynaynay oo halgankan iyo shirarkan qabanqaabinaynay qeyb badan inagalama ay qaadan oo waatay xerada dhinacaa iska daaqayeen. Wuxuu yidhi:

Shirka goortii aan dumaynayoo, wada dadaalaynay

Waatay iduhu daaqayeen, xerada daaftaase

Waataynay hawl nagu darsanoo, naga durkaayeene

Deymo ku xadka waatay indhaha, naga dadbaayeene

Waatay sakaar digixsan iyo, dari lahaayeene

Waatay is doqonaynayeen, dala sidiisiiye

Dammiino iska yeelyeelka, waa nagu dagaayaane

Diiqad baynu galaynaa hadday, dakhalka…………..

Dararkoo dhan bay qarinayaan, fara daraadoode

Dubka Qarindiday yeelan iyo, diir Maroodi ahe

Danba kama galaayaan hayaay, dhiilo daba taale

Ma digiigixanayaan haddii, daad na soo galo e

Dug bay odhanayaan oo hurdada, kama dafaayaane

Damalada qabow iyo dhalcada, yey is dadayaane

Ciddii soo danqaabtana hardida, yey ku dawdabiye

Dacwadiyo midkii qaylo badan, waa dig dhabayaane

Dadka aan ka cabanayno yaa, loo darsanayaaye

Deylo culus hanaan dawladeed, sow dallagi mayso

Markii arintii sidaa u ribbatay, Orgigii Mudug ayaa talo soo jeediyey wuxuu yidhi is rashaxaadaha aan joojino marka hore aan isla garano nooca dawladda xoolaha noqonayaan, markaasaynu garan karaan cidda ku haboon haddii loo baahan yahay: mici iyo muruq, ama gees iyo raaf, ama orod iyo cago, ama cod iyo qaraaxad, ama sayn iyo dhogor, ama wixii kale. Arintaa waa loo riyaaqay waana laysku raacay waxaana loo qabtay guddi uu guddoomiye ka yahay dibi, xubnana ay ka yihiin laba halaad, laba orgi, laba wan, saddex laxaad, faras iyo sabeen xog-hayn u ah.

Waxaa kale oo la qabtay guddi guddigaa ugu qeybsan calafka iyo biyaha ooka kooban hal, faras, iyo orgi. Riyuhu way gunuusayeen oo waxay lahaayeen guddidu iday u badan tahay, maxay keenaysaa guddi ido u badan, sow tii la yidhi idaha riyaha ayaa indho u ah. Waa la gawriyoo waxaa la yidhi maahmaahyihii Bani-Aadamka shirka xoolaha ha keenina. Dameerku waa dudayey oo wuxuu lahaa wali waxaa dabada la hayaa wixii deero dalka geeyey. Awrkii weynaa intuu geed halkana tagay oo caasha saaray oo isku jajabiyey oo cartay ayuu wuxuu bilaabay mici lisad iyo raamsi culus oo lagaran waayey macnihiisa iyo ujeedadiisa.

Guddigaas waxaa la faray oo xilkoodi laga dhigay inuu soo baadho xukumada Aadmiga kusoo dhaqmay ee soo maray adduunka hor iyo dibba, Bari iyo Galbeed, Hanti Wadaag iyo Hanti Goosad, Boqortooyinka, xukumada ku dhisan xisbiga kaliya, xukumada ku dhisan axsaabta tartanta, xukumada ku dhisan diinta sida kaniisadihii casriyadi dhexe ee Yurub, Daraawiishtii Soodaan, Daraawiishtii Soomaaliya ee Maxamed Cabdille Xasan, nidaamkii Khumayni ee ka dhashay Iran. Xukumadaa oo dhan intay soo baadhaan, mid walba tilmaan kasoo bixiyaan xumo iyo samo, soo kala xullaan, inay report kusoo celiyaan xoolaha ayaa la faray.

1987, December, ayaa duqiii magaaladii Muqdishu xoolohii wuxuu saamaxay iyo wuxuu ganaaxayba xeradii ka sii daayey, xoolihii xeradii waa ka yaaceen. Waxay ku balameen bishaa bisheeda diraacda beerkeeda inay qabsadaan shirweyne xoolaad. Waxay ku balameen ceelka Biratable oo u dhaw Boocame oo ka tirsan Sool, Gobolka Sool, degmada Laascaanood. Waxay xidhiidhiye ka dhigteen Orgigii Hiiraan. Waxaa lagu balamay shirka inay kasoo qeyb galaan da’da dhexe ee xoogga leh, gaanaha iyo garab weynta. Waxaa lagu balamay oo laga saamaxay shirka inaanay iman oo isku soo dhibin, ubadka, uurleyda, iyo umulaha. Waxaa laga mamnuucay shirka inay yimaadaan wixii hilib cuna oo dhan. Waxaa goobjoog loo ogolaaday shinbiraha iyo ugaadha.

Waqtigii lagu balamay ayaa shirkii la isagu yimid. Orgigii Hiiraanna si fiicanbuu u shaqeeyey fariimo dir iyo waraaqo qor. Waxaa kasoo qeyb galay shirkii 2002 neef. Waxaa soo gabraday shir aad u qara-weyn; gurxanka, reenka, cida, ololka, dananka, yabaqa, banaaxiga, xoqoshada, takara-dhabadka, gafuurka faruuryaha, sibirta, gondaha, qoobabka, qanjaafulaha, qanaanta, dibka, dabada, kolmaha, sinagyaha, garbiska, isriixa, iyo gilgilashada. Shirweyne xoolaad oo cajaa’ib leh.

Gaadhka waxaa loo qeybshay fardaha

Raashinka iyo taakulayntana waxaa loo qeybshay baqlaha

Service ka iyo adeegana waxaa loo qeybshay ceesaamaha

Markuu shirkii soo gabraday waxay indhuhu wada eegeen oo lawada jalleecay orgigii Hiiraan oo la leeyahay dee adaa oday meesha ka ah oo shir-gudoomiya ahee shirka fur. Orgigii Hiiraan wuxuu isla taagay khudbadii furitaanka shirka. Wuxuu yidhi:

Alxamdu Lilaah kulankeenu, waa noo aftaxal kheyre

Alxamdu Lilaah wuu noo aqbalay, Eebe taladiiye

Alxamdu Lilaah geel iyo idiyo, adhi cadkaa buuxa

Alxamdu Lilaah ceesaamo ugub, waxa abeer tiici

Alxamdu Lilaah adhax-weyn riyaad, waxa is jiidaya

Alxamdu Lilaah aabida lo’aad ee, indhaha deeqday

Alxamdu Lilaah eegidda fardaha, gaadhka lagu aadshay

Alxamdu Lilaah baqal oofa weyn, waxa ormaynaaya

Alxamdu Lilaah ooglaha dameer, uur-cad waxa taagan

Alxamdu Lilaah xooliyo ugaadh, aagan waxa tuuran

Alxamdu Lilaah ururkii wakaa, noo abaabulane

Alxamdu Lilaah aayaha danteen, u arin guulkeena

Hayeeshee adduunyada dhib iyo, aafo lagu laaqye

Waa meel inkaar meeraysiyo, ay ibtilo taale

Ilmihii dhashaa waa dareen, wuxuu la ooyaaye

Inay agab la’ tahay meeshu, yuu sii ogsoon yahaye

Aahda noole waa wada yaqaan, taahda eraygiise

Imtixaanku waa wada hayaa, Aarka iyo Xiide

Agahaaga balo sii martaa, aadda dariskaaye

Aqal ooyayaa u dhaw, kaa laga aroosaaye

Wixii uunku kuunyaba marbaa, goortu ka adkaane

Singe orod badnaan jiray wakhtigaa, aayar soo rida e

Ul miciinsay odaygii barbaar, soo ahaan jiraye

Inaad luqunta saydhaba duqnimo, awrta lagu qaadye

Udbo xalayto taagnaa ayaa, maqan aroortiiye

Aagaankii buuxsamaba waa, la af-rogaayaaye

Iddi looma taamyeelo iyo, ruux is lihidiise

Ifka dunidu hawl aan dhamaan, badan weeyaane??

Waxaa amarkutaaglaynta gaya, Eebe kaligiise

Guulbuu abaalkood ka dhigay, duul adkaystaba e

Usbuucyadii dhawaa iyo bishaan, olole soo haynay

Iliilaha cagaaga ah bishaan, socod kusoo oonay

Samir Eebe ehelkii dhintee, ayada bahal jiifshay

Samir Eebe qaarkii anbaday, oo afqadu kaysay

Samir Eebe qaarkuu ajalay, cudur asiibaaya

Samir Eebe qaar Aadanuhu, aadan naga dooxday

Amuurtii shalay maanta yaa, lagu ilaawaaye

Arin duugmay sii gocashadii, waa Allow sahale

Haddaan laga umulin way ba’daa, xaajo uur lihiye

Amin xaalka joogaa markaa, la awal yeelaaye

Irid loo mariyo qaabna waa, lala abaaraaye

Guddigii waxay talo arkeen, aan lawada eegno

Guddigii kal hore la qabtay ee dibigii madaxda u ahaa ayaa waxaa la yidhi baadhistiina reportka natiijadii keena oo soo bandhiga. Waxaa istaagay dibigii guddiga madaxda u ahaa, Margi-Yaaqle, wuxuu sheegay guddigu markuu baadhistiisii soo bogtay nidaamka uu ku talinayo in la qaato oo xukunka dawlada xooluhu uu ku dhisnaado inuu noqdo nidaamka “Social Democracy” ga ah ee ay ku dhaqmaan dalalka Scandinavian ka, Sweden, Norway, iyo Denmark, iyo kuwa u dhaw nidaamkaa laakin tilmaanta ay qaateen waxay ka dhigteen dalalkaa Scandinavianka. Dibigii warbixintiisii sidan buu u jeediyey wuxuu yidhi:

Markaan Bariga wada tooyaniyo, babacyadii Jaawo

Bunjab iyo markii aan Hindiga, badan ka faaloonay

Teer iyo Baqdaadiyo markaan, bidixda Faas dhawrnay

Bukhaariyo markaan Samarqadiyo, banan xogtood gaadhnay

Markii aan biyaha Foolgo iyo, beeratada eegnay

Budrusbood markaan helnay iyo, Moosko khabar buuxa

Markaan beelo Ruusiya dayniyo, Baltik dalalkiisa

Badhtamaha markaan yurub hubniyo, waxa Baraag yaala

Baariista weyn iyo markaan, Biritish shaandhaynay

Talyaaniga markaan buuqa jira, baadhnay sababtiisa

Markaan Bortuqal iyo Spain, bowdka uga jeednay

Badweyntaa Atlantika markaan, dhuuxnay bogaxeeda

Barwaaqada Amriikiyo markaan, Kanada baandhaynay

Brazil dadkeediyo markaan, Panama xuuraanay

Inta beel markaan tirinay, ee Bacific doojo

Markaan labada Bool sahaminiyo, barafka Iceland ba (Poles)

Afrikada balaadhanee markaan, baaxada leh aadnay

Banqaazigu Congo iyo, markaan Brundi suuraynay

Marka aan Benin iyo warkii, Buuro Wadal hayno

Bani-Aadam dhaqankii markaan, baal walba u raacnay

Buusaalo iyo dood markaan, bilo kusoo daalnay

Buugaag markaan soo akhrinay, dhaaftay boqolaalka

Bulfak iyo markaan Raasiliyo, Beekin la cawaynay

Balnaashaad wuxuu qoray markaan, boobnay sida daaqa

Bayaankii markaan Marks iyo, baaqii wada leefnay

Boryosaartar iyo Kaaf markaan, foore kula baadnay

Markaan baxarkii Faaftiir galiyo, boholihii Darwin

Burdad iyo markaan Tolistoy, budo sideed ruugnay

Markaan baababkii Ina Khalduun, gun iyo baar laacnay

Budliir iyo markaan Laamartiin, biidna nagu seegin

Markii aan Suheyr iyo Buxturi, beyd walbaba qeexnay

Baabihii markaan Macariyoo, bu’aya soo jiidhnay

Bushtiin iyo markaan Shawqi iyo, darisnay Baaruudi

Baxsanaanti Raage iyo markaan, baranay Gahaydh ba

Habka Reer Bakool iyo markaan, bogonay Xeer Ciise

Badow iyo magaalaba markii aan, buldinay uunka

Cidkastoo la biday maan markaan, raacdo nagu baaqan

Boqor taliye iyo Shuuci iyo, Baardhi kaligiisa

Oo aan baraad waayi foot, uga baqayn ceebta

Beel horumar gaadhiyo samiyo, bilic ma keenaane

Iyagaaba baad loogu dari, buraday haystaane

Been hariiryaleey sheegi iyo, baadhil fara weyne

Waa beyd hadoodilan oo aan, barako hoos oole

Bulxankooda iyo reenka iyo, buunka iyo heestu

Siddii roob ku da’ay buur salaxa, ama bacaad meel ah

Waa balalow lagu daalayaan, geedo soo bixine

Galbeed baa buriidiyo shacbigu, bili ku haystaaye

Madaxdaan kursiga loogu bogin, waa iska beydshaane

Sharci madax banaan iyo garbaa, la isku baacshaaye

Baaxado is jiitaa adduun, lagu bardaanshaaye

Baaxaali baa lagu dhisiyo, Bin-Aadan miisaane

Badbaada waxaa dhala quwado, baariyo simane

Barbaar kaliya xoog jira cadligu, waa ku bururaaye

Surmaseegto baal kaga dhacday, biri finiintaaye

Bownahaa tumaayaa dubaha, waa u banbaanshaaye

Hadal boqonka kama maarmo iyo, beyd gunaanada e

Bishmo Eebe kuu tolay xaqaa, lagu balaadhshaaye

Guddigani badheedhiyo taluu, soo bandhigayaaye

Basar iyo wanaag taa Sweden, yaa bulsho u roone

Denmark waa bara nimciyo, baladka Norwaye

Bahdaase deganoo aan ku dhaqan, booli iyo qaade

Habka loo barbaarshay garteen, baydi nololeede

Waa waxa badhaahdhiyo ka dhigay, baarax nabadeede

Budulkooda aan raacno oo, beegno marinkooda

Waxaa istaagtay ri’ la yidhaahdo Gaylama Indha-Cas…

Eeg bogga IVaad

F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo