Xayaatadiyo nuurkiyo hawadan nalagu xaydaamay
Xaaliga biyood iyo cuntadaan ruuxna ka xoroobin
Xaydaanka loo soo hoydiyo xaasil nabad kuu ah
Xurmo darisku uu kuu hayoo lagu xushmaynaayo
Xagla dabacsigiyo dheesha iyo gole ku xaashxaashka
Xubbigiyo hilowgiyo niyada cid uga xiisoodka
Naf waliba xaq waw leedahee maad xushbadisaane
Mindi xiimaysaad nagu jartaan xawl mariidyada e
Shan baan xalayto dad u loogay baad ku xaragootaane
Intaad waxar xidhaan baad dhantaan xoorka hooyadiise
Shiniduna xalwaday kaydsataad duhur ka xoogtaane
Ludda iyo laftaad ka xuntihiin ubadka Xaawooye
Madigii xaftii iyo xigtii iyo doobi ku xarraantay
Markay xayn idiin kariso iyo xaasa iyo maato
Xagaagay gudhaa baad qashaan kama xishootaane
Xadka damaca binu-aadamuhu waa xabaalaha e
Idinkaa dhulkii xaalufshayo xaaqay kaymihiiye
Ma xajkii markuu gbay caleen yuu xayuubsadaye??
Asgarigu hadalkaa kama garaabinee intuu lug iyo gacan taagay ayuu orgigii Hiiraan qaydin la dhacay geesna ka jabiyey. Orgigii Hiiraan oo dhiig ka da’ayo ayaa waxaa la hadlay orgi Adhi-Carbeed ah oo Reer Xamar Weyne ah oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray. Wuxuu yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi-Carbeedka ahaa:
In kastoo xujada oo cad iyo xaajo togan sheegto
Haddii aadan xantoobinoo amaan xaynka uga buuxin
Doodaba ul buu ku xidhayaa xoog ninkii lihiye
Dhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaaye
Haddii aadan xadhigii Ilaah kiisa uga xeeban
Xikmaddaan dhankisa u qulqulin wuu ka xadantoone
Xoodaamo lagu maalyey tod xoora doobiga e
Gogaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weele
Dadkuna xoolo kama ay fogee ways xunbulayaane
Xaqiiqada ku hadalkeedu waa badawda xaalkeede
Xagayaga anagu been maldahan yaanu xaradhnaaye
Xaaraanta yaa la huwiyaa midab xalaaleede
Xirib leexsan baad heli kartiyo sir iyo xeegaane
Xabsi nagama furan jaa’ifana gees dhan lagu xaadhye
Ka xaaxaabi waxa kaa tif lihi waa xinjiro dhiige
Orgigii Hiiraan ayaa u jawaabay oo ku yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi Carbeedka ahaa:
Teer iyo xilligii aadamee la xuso taariikhda
Adduunyadu xaraabay ahayd xawda la is jaro e
Xasad iyo dhacbaa yiilay iyo xiisad iyo maage
Xaqa iyo sharcigu waa wixii xoogu kuu taro e
Hubkaagoo xanuun lihiyo nimaan xanafi kaa reebin
Xaamiinta kuma joogsadiyo qawl xadiis yidhiye
Dadku xaajo saahid ah warkii may xutubiyaane
Xiska uma dajaan waanadii aw xabeebsadaye
Xabaddiyowaxaa gala warmuhu xarafkay yeedhshaane
Haddii aadan sidaydaa xadgudub uga xajiimoonin
Haddii aadan xadhaadh iyo marayn xolodyo qiiqaaya
Fulow xabadka daadihi waqaa hoos ayaad xigiye
Arintii oo halkaa maraysa ayaa xeradii waxaa soo duleed maray nin la yidhaahdo Maxamed Diiriye Hiraabe oo ka mid ah ragga Muqdisho ugu xoogga weyn, ugu muruqyada waa weyn, ee ugu laxaadka balaadhan, ahna nin markiisii hore kusoo koray oo kusoo barbaaray gobolka Mudug. Intuu kusoo leexday xeradii oo albaabkii weynaa gilgilay ayuu wuxuu damcay intuu albaabka xoog ku jabiyo inuu xoolaha xerada ka fasaxo iska sii daayo. Wuxuu yidhi waa maxay xoolaha kan bacadka iyo cirriida ku lee’day, miyaanay rag iyo Muslim lahayn. Ninkii xerada lagu aaminay ee mas’uulka ka ahaa oo la yidhaahdo Macow Muunye Macallow ayaa Hiraabe la hadlay oo ku yidhi:
Ma aha xoogu saad mooday iyo muruqyo waa weyne
Macnayaal ka culus baa la dagay waadse moog tahaye
Rag badani margoogiyo qanjaha meel ku tagi waaye
Mudug faaladaad la timidiyo maluhu waa beene
Muran iyo waxaad la ordaysaa maan harraad gubaye
Wax mariiqa kaa soloy dabkii milicda weeyaane
Maqiiqnaanta sida yeyda howd moodyey aadmiguye
Waa heer dugaagnimo ka mid ah oo la soo maraye
Habka madaninimadaa la dagay oo ka mudan kaase
Magaaladu sharcay leedihiyo maadayaal qorane
Mazda iyo Fiat iyo waxaa lalaya Maarsheedis
Qorshaa loo maraayee wadadu way murgi lahayde
Adna way mutuxaysaa siddii dogobka maygaage
Hab-maamuuska maankiyo indhaha yaad ka mudaysaaye
Adigoo maluug laacayaa maankii kaa dhacaye
Qawaaniin haddaan miigan oon moosa lagu dayrin
Xamar-Weyne waad madhin lahayd maalin galinkeede
Muqdishaba magaa baad ka dhigan maraq sidiidiiye
MArgan maysid buuriyo adoo liqay masaamiire
Malmalaando kaagama duwana maacii dhagaxeede
Awrkii cirkee niman milgaad meeyay leedahaye
Maqaadiir bulxamaysaad tihiyo, sahankii ma’juude
Meeshaad istaagtaba habaas yaad, melmelaysaaye
Masjidkuna amaan kaama helo maalin Rabdaane
Mushtakay naftaadiyo huguba, kaa mudacayaane
Moogaabad timidee xerada,hayska maamulan e
Anigaa tan maareeya ee, meheradaa raadso
Arintaa Hiraabe wuxuu u qaatay Macow Muunye Macllow inuusan shaqsi ahaan hadalkaa isaga ula jeedinee, uu Reer Mudug ahaan u maagayo oo uu eeda u jeedinayo dabeecadda Reer Mudug oo dhan. Markaa isaguna taa mid ka dhigan oo uu Gibil Cad oo dhan u jeedinayo iyo ninkii diir guduudan oo dhan ayuu ugu jawaabay oo wuxuu yidhi:
Mindi xaasidnimo oo guntiga, meel ah lagu haysto
Miskiin iyo qofkii tabar yaroo, la makalo seedda
Maal iyo ciddii darajo loo, loo masaxo jaanta
Murti oday leh madax caadiliyo, mudane waayeel ah
Dugsi macallin ‘Miinsaad’ ardada ugu madiixaaya
Marwo daris ah gabadh aad mulaax, moodo edebteeda
Maansooyin heesaa tirshoo, golaha maaweesha
Mufti caalim sheekh madad lehiyo, wali maqaan gaadhay
Intaas oo midnaba milgiyo, muxubo loo haynin
Manafacaaga oo kaliya oo, laga muraad yeesho
Qof miciin kusoo biday inaan, midigta loo taagin
Marti lagaga seexdiyo guryaha, maganta loo diido
Sako maanac suus iyo madaal, lagu masuugaayo
Madal laga gabado oo wajiga, moqolas loo leexsho
Xanta oo masruuf laga dhigtiyo malab la leefaayo
Carabkoo macaan oyo qalbigoo, milil higoonaaya
Muslim layska dhigo daahirkiyo, muumino sooca
Masas uurka daqiyo niyada, malawyo kuu jiifa
Masalooyinkaan tiriyey een, miinka ka higaadshay
Magaanyahow hidday kuu yihiin, minanka kuu yaale
Liisha maydhaxda Adaahilaan, kugu masaalaaye??
Muska guriga kugu dhaw adaa, mira habaynkiiye
Midaan kaa filayn iyo adaa gaada, kii maqane
Ruuxaad is mudateen samiyo, macaaruf kaa waaye
Waryaa Macow madow iyo boggaad, maar ku leedahaye
Mawlaha ciddii ka hesha kheyr, yaad ka murugoone
In munaafaq aad tahay ayaan, marag u haystaaye
Iyadoo miska diirantoo, mud iyo naas beeshay
Iyadoo dushiyo maydhaqyada, maali kaga taalo
Muqdishadaba anigaa ka dhigay, madida toolmoone
Anigaa ku meershayoo sharcga, moosay deyrka ahe
Anigaa miscilisheeda kore, mariyey ood dheere
Mudan lama ordaaye ee, gadhwade maahiraan ahaye
Taariikhda maan gudhanayahow, wayska moogtahaye
Mansab kuutinaysaa tihiyo, miciyo dhaadheere
Meeshaad istaagtaba waxaad, miiqaysaa dabine
Mar unbaa milaad cadho kusoo, milicsan doonaaye
Margiyada siloon iyo lafaha yaan, madh kuu qabane
Maatada jaq teer iyo Rajalo, kaa mashquulsaniye
Ninkii Macow Muunye Macalow ayaa ku noqday hadalkii oo jawaabtan bixiyey. Wuxuu yidhi:
Masartii Faraacinada ee reebtay, mahadhooyin
Giriigii muftaaxyada caqliga, Maalig solansiiyey
Rome tii majara dawladeed, noqotay maahmaahda
Mahwigaa ah Chine iyo Hindiga, kuman macbuud yeeshay
Degallada muluuktii Ciraaq, Mawsil iyo Baabil
Badda Midhantareeniga kuwii, mawjadaha leylyey
Muqdishiyo Baraawiyo Markadii, waayo midabaysay
Mareeg iyo Warsheekh iyo Hobyiyo, muhimka Baargaala
Xidi maalka mukulaad u kici, miaraya laabtiisa??
Makhaayada Laas Qoray kuwaa, muhindisoonaaya
Maraakiibta Norway kuwaa, malaha dhaafsiiya
Intii Maydh kulaalaysa iyo, maakhir iyo Saylac
Malka Herer Misrada Bay ku taal, moosinka Af-Gooye
Magaalnimo gabowdayba dadkii, murudahay reebtay
Waa wada munaafaqee, maxaad aniga ii maagi?
Miisaan dantii loo hagaa, way mudh baxaysaaye
Ismalaa kadeed baa jigraar, lagaga maarmaaye
Miyirkiyo hubsiimada miyaad, magane haaraami
Cabdi Naasir maantii Caqaba, madal huf waagiiye
Hitler Moosko goortuu damcuu, miino tiigsadaye
Miyaad laga macaashaa durduro, saw murkucan maysid
Hiraabe oo aad uga xumaaday soo qaadka raggaas iyo habka Macow usoo qaaday isagoo isagu habka nimankaas u yaqaana habka ragganimada iyo geesinimada iyo meelmarka, diidanna habka Macow isku ammaanayo oo ah qunyar socodnimada iyo is dhawrka. Intuu cadho is la dhuftay Hiraabe oo is maroojiyey oo dhaqaaqay ayuu Macow hadalkan dib ugu soo tuuray. Wuxuu yidhi:
Geesigii magligu heero baa, eed la mariyaaye
Muudalkii wakhtiga haysta, yaa loo mashxaradaaye
Runta lama maroojo ee ka tagay, waxaad magoogaysid
Wuu iska dhaqaaqay isagoo diidan Macow muran dambe inuu dhexmaro, isagoo madaxa sii gilgilaya ayuu dhaqaaqay.
Orgigii Hiiraan ayaa xoolihii kale shir u qabtay oo usoo jeediyay inay dawlad samaystaan iyo maamul si ay danahooda uaga faramaroojistaan Banu-Aadamka madaxbanaanina ay u gaadhaan. Wuxuu yidhi oo shirkii uga soo jeediyey xoolihii:
Macow iyo Hiraabaha is nacay, ha u maqsuudina e
Mabda’ lama cunee waxaa qarsoon, sir ay maleegeene
Maqaarkeena yaa laysku dili, way maldahayaane
Maaniyo bariba noole ways, wada malgaayaaye
Muriqiyo adduunyada sharcigu, micida weeyaane
Malaygaba malaygaa u cunta ah, moolka gudihiisa
Milaygii la uumay iyo haddeer, ways marginayeene
Mohasho isku diraysaa dabciga, loogu soo milaye
Hubkana qaarba doociyo minjaha, meedin loogaliye??
Malaayiin asbaabood ayaa, mawd u dilayaaye
Muga aradka yey dhaafin baa,maadh u dumayaaye
Waxa maylimada loogu tumay, haysku madhiyeene
Mooradu ma qaadeen haddan, meersin jananayne
Waxaa maqalno sheekooyin, waa loolan midhihiise
Xataa muusikuna waa dagaal, hab ay mastuureene
Hadba goobta qaar baa mulkiya, xoog musaacido e
Danbay ugu midiidini nafluhu, kii muquunsada e
Oo ay muhiibsiin sadkiyo magacyo waaweyne
Mur khadhaadh ah bay noqon, ciddaan laga maagayne
Mayal laysu geeyiyo ciddaan, muujin cududeeda
Mintid soo haliiliyo dugaag, yaa ku mayracane
Minsilaado cadowgaa haddaan, meeris kuu tolo e
Waa la maakubtaa qolo ku dheer, muuno iyo qaabe
Madax talisa aan dooraniyo, maamul iyo dawlad
Xoolihii arintaa waa u wada guuxeen. Hal baa booday oo waxay tidhi:
War muwaafaquu soo bandhigay, geeso maydhane e
Cilmigii ku duugnaa Maxaas, godolladii maalye
Mamac iyo wuxuu daaqi jiray, keyn madheedh badane
Inagoo gobbaa maydhax lehee, wada maqaawiir ah
Inagoon mijilo cawska iyo, murursi doonaynin
Inagoo ma gaydo ah dhamaan, murashax yaw taagan
Dameerkii caanka ahaa ayaa booday oo yidhi anaa u taaganee oo murashax ahee ha la ii doorto madaxnimada Dawaladda Xoolaha: Wuxuu yidhi:
Qashinkay cunaan baad waqiin, nagu canaadaane
Golihii cuddoon iyo rugtaa, nagala caydhshaaye
Waxaad nagu cisaarteen gar aan, caalin la hor gayne
Ciil laba kun oo sano jiraa, coobadda u tubane
Igu ciririq weeyaane warkuba, caws sidaan liqaye
Cimilada i hurudaa bishimuhu, ila cabeebeene
Naf cadaadis daashaday mar baa, caajis koroyaaye
Cashigii na riiqaanu nahay, wada cayuunkaase
Waadna na candadawsheen idaad, noo casilayseena
Cagta waligay aan kugu hayana, caalamkuba diidye
Cuur wada dagani waa inay, nabad ku ceesaane
Is caaqibayntii dulmiga, yaan codsanaynaaye
Dameer curad ah baan ahay, waxbaa la citibaarshaaye
Cadowgana anaa u gu badshiyo, camal falaadkiise
I caleemo saaro aniga, calanka ii dhiibta
Faras ku jiray xerada ayaa is hortaagay. Wuxuu yidhi dameerku waa ciil ku nool, ciil mu noolna madax lagama dhigto oo cadli lagama helo. Waqtigiisa wuxuu ku dhamaynayaa aargudasho iyo eedo dib u raac. Wuxu yidhi:
Cadli lagama helo ruuc hadduu, ciil gunaad qabo e
Cawo nool wuxuu hibanayaa, caad wixii dhacaye
Ciddiduu qaniiino fartuu, cuni habaynkiiye
Cilinkiisa lagama saaro iyo, caynk auu rabo e
Waxbuu cululubtaa goor walboo, way cubudhiyaaye
Ma cadeeyo dawgoo gartana, wuu cuyubayaaye
Yaan cuurna rayraynin buu, ceel u qodayaaye
Caawimo ma gaystoo waqii, wuu colaatamiye
Cirku inuusan di’in buu rajayn, cawsna soo bixine
Cilladay dameeruhu qabaan, caafimaad ma lehe
Caymo lagama helayoo naftaa, caabuq kaga yaale
Cidhiidhay adduunyada ku galin, nimay ku ciiraane
Ceesaamihiyo qaalmahaa, cuun lasoo tubuye
Cisalkay ku aargudanayaan, cawro waa iyaga e
Cilmigay kusoo koobayaan, caadh la looshado e
Cir-Guduud walbaba naylahay, cuganayaan qaare
Waxaan cararin murugaa ku dili, caacda waylaha e
Duqihiina ma cisaynayaan, caan ahaan jiraye
Way caarcaarinaayaan hiddaha, ooy calwinayaane
Calcalyada xareedda ah ayey, ciid ku darayaane
Caraq bay niyeerada ka dhigi, uunku ka cabbaane
Casar baa lasoo shirinayaa, cuudka oo idile
Codka qaylka wada yeesha, baa loo carbinayaaye
Bar callaamadaa lagaga dhigi, cududda hoosteede
Hab cusayb ah yaa lagu dirqiyi, caana-nuugyada e
Idinkoo cankiyo booca iyo, cunaha soo dhiibshay
Hooyadaa kasoo gala cidhbaha, yey calimayaane
Ciddaan midabka bey noqon, ul baa loo camirayaaye
Caddaankiyo waxaa mudan ciqaab, cawlkii liidyo lehe
Waxaa loo cuskanayaa dunuub aan, cafis lahayne
Maxaad calas u noqotaa fardaha, loo cadibayaaye
Lo’da dhiincaskiyo boodhku, way calaf dhadhaayaane
Ridii caar leh coomaadahaa, lagu cashaysiine
Geela dabada celi baa la odhan, caada lulidaase
Caleen laalka iyo doobta iyo, caasha kor u taagu
Calaamooyin kibir weeye, baa loo cabirayaaye
Magacyada Asliyo Ceebla iyo, Caagan way tiriye
Carwo iyo Koraaad iyo Gobaad, way ka cadanyoone
Canbar iyo Hiddiyo Saafi, way ka cartamaayaane
Horor wada camaajiir leh bay, ciidansanayaane
Calagyaa na wada diiran iyo, coon hiraanhiriye
Cunsuryaha haraaryoonayaan, ka cajabaynaaye
Cayayaaan ayaa inagu degi, caaryaloo badane
Camadh iyo kudkude looliman, yeyna caga goyne
Cadho golas ah iyo yeynu noqon, dulub la’ caal waaye
Caleeg qaadi maynoo balaa, caynta noo galiye
Kuwa aan ka cararayno baan, ciirsi soo bidiye
Dameerkaa canbaarta leh, waryaan calanka loo dhiibin
Dameeraha fardaha iyo baqluhu xagga abuurta iyo aragga waa kuwa qaraabada ah oo ilma-adeerta ah, Dameerkii baa isagoo ka xun is hortaaga farasku ku sameeyay, wuxuu yidhi:
Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyay
Cuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiye
Isagoo intu cilil ku dumay, caato ah buu imane
Cashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaaye
Caqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaaye
Danbaad ugu calool fuuriyee, calalsho jiidhkayga
Faraskii ayaa intuu qoorta iyo qanaanta taagay oo dameerkii il-qoodhka ka eegay, wuxuu yidhi:
Cuqdad iyi wixii tuhumad qaba, looma caal helo e
In colaatan loo wada hayoo, ku cindiyoodaaye
Ciyoon buu dudaayoo dhaqasaba, waa wax cadho dhawe
Iyadoon ciddiba daarinbuu, ciq iska siiyaaye
Cudurkaaga raagaa qalbiga, caalidh kugu reebye
Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye
Faraskii laftiisii ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii Dawladda Xoolaha. Wuxuu yidhi:
Dawliil fandheer iyo hanaan, fiican baan ahaye
Sida faraqa Yucubkee lushiyo, fay baxaan ahaye
Foolaad adduunyiyo, jinkaa foodda laan ahaye
Firfircoonidaydana dabayl, foos ah la i moodye
Fidhadiyo daryaankayga yey, fiintu ka cidaaye
Gurdankayga fule baydada ah, ii fadhiyi waaye
Goob fariido lagu laayey baan, foore kiciyaaye
Meel qanaanta aan foorarshuu, foogan yahay baase
Marka baladu ay ila faqdaan, fiidkii dananaaye
Waxaan qoob u feydaa diyaar, feejig baan ahaye
Sida Farowga waxa aan qabtaa, gaadh dareen fudude
Waxa fiiqay dhagahayga, waa dhilladaan filiye
Fatuuradii shalay weeye iyo, faanjan iyo Miige
Taariikhdii faaftaba anaa, furay albaabkeede
Teeriyo filkii dunida yaan, falag u yeelaaye??
Waxba yaanan fogaaninoo ku tagin, faaladaa badane
Markaan dib isu fiirshaba qalbigu, way fatahayaaye
Taladiina waan ku fillahee, faraha ii saara
F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa
Eeg bogga IIIaad
Murtiyosuugaan