(Boggan gabi ahaantii waxaan si toos uga soo guurinay cajaladihii labada ahaa ee uu duubay Abwaan Axmed Sheekh Jaamac: gabayada iyo sheekooyinka weheliyaba) Akhris wanaagsan.

Sheekada dhamaadkeedu waa sidatan. Xoolihii waxay samaysteen Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed. Oo ka kooban shan raysimo. Raysimo walba waxay leedahay xukun hoosaad madax banaan. Calanku waa midka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo dhexda ku leh shan xidigood oo cad cad. Waxay samaysteen xoolihii oo ku kala biireen lix xisbi oo kala ah:

1) Xisbiga Dudo, Dar, iyo Daaq Wanaag. Waa xisbi Shuuci ah. Gudoomiye waxaa ka noqday dameerkii caanka ahaa Xoghaye Guudna awrkii Madoobe Uugaan oo Reer Obokh ah

2) Xeer iyo Xeel, waa xisbi Hanti goosi ah. Gudoomiye waxaa ka noqday wankii Ladane oo ah Reer Aadan Yabaal. Xoghaye Guudna waxaa ka noqday awr Reer Qabridahare ah

3) Xisbiga Nabad iyo Nagaansho, waa xisbi ah “Social Democratic.” Gudoomiye waxaa ka noqday geenyo Reer Taleex ah, Xoghaye Guudna sabeentii Dhexyar Dhuubo oo ah Reer Marka

4) Xisbiga Daraawiishta Cusub ee Xoolaha Soomaliyeed. Waxaa gudoomiye ka noqday dibi Hereri ah, Xoghaye Guudna waxaa ka noqday laxdii Gacalo Nasteexo oo ah Reer Iimeey

5) Xisbiga Diir iyo Dunsami, waa xisbi ku dhisan isir-xul iyo abtirsiinyo koolkoolin. Gudoomiye waxaa ka noqday hal Reer Burco ah, Xoghaye guudna waxaa ka noqday orgigii Reer Mudug

6) Xisbiga Siigo iyo Sawaxan Diidka. Waa xisbi isku taxalujiya ilaanlinta Bii’adda iyo qurxanaanta sabada iyo deegaanka. Gudoomiye waxaa ka noqday ceesaan Reer Ceel Waaq ah, Xoghaye Guudna qaalin lo’ah oo Reer Cabduq Waaq ah.

Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed madaxweyne waxaa ka noqday orgigii Hiiraan oo shan sano inuu madaxweyne ka noqdo loo doortay. Xooluhu waxay samaysteen xukuumad ka kooban Ra’iisul Wasaare, iyo shan wasiir. Ra’iisul Wasaare waxaa noqday oo loo doortay dibi ah Reer Badhan. Waxaa la sameeyay wasiirada: Wasiirka dareenka iyo didmada, wasiirka sahanka iyo odoroska, wasiirka garnaqa iyo masaalaxada, wasiirka codka iyo ci dheerida, iyo wasiirka dhaqan iyo hiddo korinta. Caasimad waxaa loosoo jeediyey meelaha kala ah: Ceel Buur, Caynabo, Ceeri Gaabo, Cadaadleey, Bulaale, Baydhabo, Baraawe, Mudug, Qalaafo, Diin Soor, Garawe, Maxaas, Mandheera, Masago Waa, iyo meelo kale.

Arintaas iyo samaynta dastuurka dawlada Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed waxaa loo saaray guddi, caasimad ku meel gaadh ahna waxaa loo doortay Caynabo. Xukuumadda la sameeyay waa xukuumad dhexe oo ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaaliga ah, raysin walibana wuxuu lee yahay xukun hoosaadkiisa madaxa banaan. Xoolaha shirkoodii saasuuku xidhmay, wayna uugaansadeen iyagoo shirkii khatimaya oo ku heesya:

Urur kaliyi kheyr ma leh

Axsaab badani kheeyr ma leh

Albaab kaliyi kheyr m aleh

Irdo badani kheyr m aleh

Anaa idhidu kheyr maleh

Dood abidi kheyr ma leh

Kheyrul umuuri awsadhuhaa

Kheyrul umuuri awsadhuhaa

Shirkiina saasuu ku xidhmay. Dhamaadka Shirweynaha Xoolaha Soomaaliyeed waa sidaas, bilowgii sheekaduna waa kan soo socda oo waa sidatan.

Bishii April 1983, iyadoo la qabanqaabinayo oo uu soo dhaw yahay shirweynihii Xidhiidhka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, gudoomiyihii xidhiidhka guud ee wakhtigaas oo uu xarunta Muqdihsu inta uu barqadii soo baxay raba inuu magaalada kormeer u aado ayaa waxaa isla soo taagay dameer xiiqsan oo wata warqad dacwa ah, oo ay ku qoran tahay:

Cirka oo xidigoley culays nagu xamaalaane

Xadhig dacay ah bay qowlalada nagu xanuujaane

Xuquuq waxaanu lee nahay cishaha nama xisaabshaane

Xadaafiir bacaadiyo cagtaan xanan ku jiidnaaye

Xaarxaaro kulul bay sartaba nagaga xuubshaane

Xakamiyo waxay nala dhacaan xaabo dhumuc weyne

Xakamahoona na sudhan baa…………………………………….

Iyagoo xashiimo buuxsaday na xujuraayaane

Marka dani na xagataa wadada nalagu xooraaye

Anagu xoogsataan nahay haddaan lays xistiyi hayne

Xayawaanku urur buu rabaa laan xidhiidh ka ahe

Shirweynaha xagaaga ah Miroow xaalkayaga eega

Gudoomiyuhu dacwadii wuxuu u wareejiyey Maxkamada Guud ee ku shaqo lahayd waaxda shuruucda iyo caddaalada. Wuxuu yidhi:

Jabayoow xafiiskani dacwuu soo xawilayaaye??

Ma xamilayso saacadu inay sii xayirantaaye

Ruuxii garsoor loo xulaa waa xil qaro weyne

Nafna lama xaqiro Eebaheey xay kasoo dhigaye

Qudhaanjada xakiim ka ah Alla ku xusay aayaade

Adigiyo Xuseen daya sharciga xubinta qeexaysa

Gudigii waa kusoo warceliyeen gudoomiyihii oo waxay yidhaahdeen xeerka xidhiidhka guud kuma jiraan xoolaha shaqaalaha ahi ee waxaa ku jira dadka shaqaalaha ah kaliya. Gudoomiyihii arintaa isagoo ka xun buu dameerkii gaadhsiiyey oo wuxuu yidhi:

Ninkiiyoow warkaan helay qalbigu way xantanayaaye

Xisigaa i sare joogsadiyo xaadda oogada e

Niyadaa i wada xoomaysiyo xuubka feedhaha e

In kastood dadaal xiiqdo oo dhab ugu xuurtooto

In kastood xaglaha daalisiyo xididaa maanka

Xag unbaa qabya ah goor walbaba xaal aduunyaade

Xoogsata sidaad uga mid tahay xeerkii laga waaye

Xayawaan shaqaala ah markii lama xusuusnayne

Wasaarada Xanaanada bal aad Xoolihiyo daaqa

Dameerkii halkaasuu ka faranfardeeyoo wuxuu sii dhigtay ilaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Masuulkii halkaa ku qaabilay markii uu dhagaystay dacwadii dameerka uma garaabin dameerkii ee waa gawriyey oo wuxuu ku yidhi:

Xadhig dacayi wuxuu idin sudhnaa tan iyo xaataaye

Xadaaradaha yaa wada ogaa inaad xamaashaane

Xukunkii bulshada weeye iyo xaalkii soo jiraye

Xanaaqaaga yaan dumin karayn xeerkii gaamuraye

Xoogbaa hidihu leeyihiyo xidido dhaadheere

Xaqa laguma liiliijin karo xan iyo been sheege

Xoolaha kuwii kheyr qabaa xeraday joogaane

Waxa aad xaraar la ordaysaa duul xasaradeeye

Xusul-duubka waxa kuugu wacan xeelad la….

Mar hadaad xulquun haysatiyo xaabka iyo cawska

Asaanay xad dhaaf noqon wixii lagu xambaarsiiyey

Xirfadaada lama tuuro ee ku xasil oodaada

Dameerkii dadbuu waraystoo wuxuu yidhi halay tilmaamo xageen kale oon u dacwoodaa, waxaa la yidhi Rugta Ganacsiga tag iyaguna waxay ku shaqo leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, shirar caalami ahna waa ka qeyb galaan sida shirka ILO – International Labour Organization- iyo kuwo kale. Dameerkii wuxuu yimid Rugtii Ganacsiga. Wuxuu la hadlay madaxdii, wuxuu yidhi:

Madaxyahay isu egeey garbaa loo Islaan yahaye

Anigoon afurin saaka waan soo aroor kacaye

Arintaydu waa hawlahaad u idmanaydeene

Waydinkaa shirkii ILO aadi sida taale

Arjigaygan qaadoo golaha idil dareensiiya

Ogeysiisna waa kanee ku rida meel abxadihiina

Amiir dawlad iyo maal badan oo laga amaah qaato

Iyo dhoodi u abaan ahoo iibsha muruqiisa

Eebaba ma simin baad kolay uurka ka qabtaane

Sagaaradu astaan muuqatay awday leedahaye

Idinkuna xaqaan arkaynaad naga igdhaysaane

Aashiina hoosaasadiyo eexashada buuxda

Nin ka mid ah madaxdii goobtaas ayaa dameerkii u jawaabay oo yidhi:

Atoorkiyo arbaha geedamaa, kala awood roone

Ma asaasan karo aaro dibi, aarankan soo ciyeye

Orgi adhiga leeleeliyaa, awr ma tiigsado e

Iska daa umado baahay oo, ooda kala dheere

Uluuf wada ilma-adeer ah oo, aabir wada jooga

Ayaan ruux ruux uga ekayn, oogo iyo jaahe

Caqligana ku kala soocaniyo, madal odhaahdeede

Mataanaa aloos kala badshiyo, reer agaasimide

Ulo geed ka baxay baa midiba, ayni noqotaaye

Allahii abuuraa ka dhigay, uunka kala nooce

Isna wadajir baa aayo guud, ugu islaaxaaye

Waxba uma ebyoobaan qofkii, gaar u awdalane

Waa eeri buux dhiman waqii, aadmi danihiise

Waxa qaarba agab loogu diray, hays adeegsado e

Inba howl asbaabteeda yaa, lagu ilhaanshaaye

Isdaaweysigaa uga dan roon, kala irdhayntaase

Eraygii sinaantaad macnaha, ka anbinaysaane

Iinbaad qabtaaye war baas, uma asoosheene

Shirka ILO waxaa horyaal, amaro waaweyne

Ajo lagama gayo xaalkan, aad ooga leedahaye

Aarkii midayntaan xataa, la ogolaanayne

Afrikana dadkiibaa ku nool, dhaqankii aygiiye

Iidi iyo Bukaasaa raqdii, wali uraysaaye

Lama aasin Reer Jaad kuwii loo ajalay qooqe (Chad)

Waxaa Samore iibsaday dorraad, eheladiisiiye

Ancoma wuxuu soo halgamay oon la dalandoolye (Joshuua Nkomo)

Wiil magaca idil doorshay, baan ri u irmaanayne

Latin America dulmaa, laysku aayiraye

Dadka Reer Albania cadhuu, oofa buuxsamaye

Ireland ba laga waa xaqaad, adigu yaahdayne

Ingiriis Jidbaaliyo Gunburo, eedi lagu dhaafye

Af-Bakayle godobtuu ku galay, way abaajidaye

La ilowyey Beerdhiga ragguu, aabiga u dilaye

Aanadaa kuwii gudan lahaa, aarkii duudsiya e

Waa wada agoontii kuwaa, kaa dhibka orshaaye

Idiinbariyo waxay qaayibeen, beesha Oxford e (Edinburgh)

Sabarada Afghan iyo Mangol, Ifan ku caweeye

Aadmigii la kala qeybsayoo, lagu afduub xooge

Kurdigii axdhaha weyn lahaa, loxos ku aynfaadye

Sloofaaga iyo waa la tolay, Reer Uspakistan e (Slovakia, Uspakistan)

Arxan gacalkii samir kuwaa, elaladkoodiiye??

Argentina waa lagu huraa, ilaha Falkland e

Australia yaa badowdii tiil, la askug gooyaaye

Isticmaar hubaysani khalqiga, wada ugaadheeye

Halkii Ina Qitaal ceelalyiyo, sahanku ugaanye??

Ardaayadii Khaliijkiyo Basraa, olol ka qiiqaaye

Al-Cayn iyo Kuwait baan hurdada, aabyar loo ladine

Angola iyo dhawaan Mozambique, uubataa liqiye

Ay dalab la wada sheegto baan, laysku aaminine

Axdiyada la kala qaato baan, aakib noqonayne

Asaroorin socotaa haddana, lays odorosaaye

Qaanuun waxaa u soo irkada, kii itaal gaba e

Kuwa miciyo weyti ah wataa, ma ay ergoodaane

Amuur cararayaa muluca yuu, agaskii qaadaaye

England laaji ku ahaa sanado, idilo Diigoole (Charles de Gaulle)

Utuntiisii duul kale qabeen, saar Algeria e

Ilhaanadii la baday buu ka jaray, Obokh dadkeediiye

Boqorkii Amxaaradu wuxuu, anafo ceegaago

Asal baabul weyn iyo wuxuu, laydh ukumi sheegto

Eritrea wixii uu gondaha, alamsadoo ruugo

Ugaasyada Galbeed iyo wuxuu, Oromo qoorgooyo

Addis Ababa Faashiistihii, uga awaareeye

Anfariir didkii buurihii, alab ka seeraarye

Usbania jibraarbeera way, umal jaleecdaaye (Spain, Gibraltar)

Waa surin umuur culus leh iyo, meel ahmiyad weyne

Albaabkii bada cad weeye iyo, ooshinta u dhaw e

Abris baa bishimaha saaray, iyo aramidiisiiye

Uma oonsan karayaan inay, ibo salaaxdaane

Iyaguna Ifriiqiyada yey, ku adyadoodaane

Axmaqnimo markii ay dhurwaa, kaga ilmaysiisay

Dayo qeyro sax ah keentay oo, aragtay dawgiiye

Ilkaweynta qaataa la yidhi, Unada Fiitooye (UN, veto)

Awalkii bilowgiyo tan iyo aamanuu dunida

Urur uma turayn urur kaluu, aarmi dheer yahaye (army)

Eedaan shabeel kama naxiyo, aada xoolaha e

Baqalyuhu ugay daaqayuu, ubucda jeexaaye

Ugubidu aboodiga lalay, baqeed ka oydaaye

Ugxan hooyadeed maqantahaa, la anbanaayaaye

Cadli aan arlaa’iga dhulkaba, oolin how dudine

Ciddii guriga ku amaan heshaa, loo isxaan falaye

Iska aamus yaan lagula helin, eebo soo godane

Dameerku arintaa wuxuu u qaatay in loo dhahareeyey wuxuuna kaga jawaabay:

Allaa yidhi haddaan anigu idhi, waa af waa horre

Awowgey baruu talin jireey, eeday dunidiiye

Aqoon baa dajinayee xabaa, hayla aadina e

Iram iyo Tamuud baa ku lumay, waa islihidaase

Isirkooda koolkoolinbaa, rogay Israa’iile

Angolosaksaan kibirkii bay, eersataa Yurube (Anglo-Saxon)

Iskaa wax u qabsaa dawladnimo, lagu asaasaaye

Abtirsiinyo ma ahee fahmaa, lagu asoolaaye

Ilmo-adeer waxaa kuugu roon, keni-edaygaase

Hitler aabo kuma tiirsanayn, eel wuxuu dhigaye

Ustuqraadiga Italy ee oday iyo, heyb sheegtay

Amlay Muusaliini sitaa, urugo leefsiiyey (Benito Mussolini)

Ashraaf sheegad kuma deyn Xuseen, Al-Sucuudiguye

Iliilaha Najdey soo marsheen, ciidan aad u hayne

Islaweynidii Reer Xijaas, way af-gudiyeene

Ayaan maherkii Iran sidii, aaranka u loogay

Asia ba boqortooyadii, saartay amankaaga

Iyadaba asgari geesiyaa, taagay udubkiiye

Sayidkii akhwaan ihi dadkuu, soo abaabulaye

Isticmaalyey aayadaha higliyo, alif diineede

Dabadeed markii uu il helay, niman asqaysiiye

Keenadiid Hobyo usoo arhumay, doono meel ugube

Anbar keen markii Mudug noqdiyo, ilanka Doolloodba

Ayaamuhu madaayaan nin ee, aakhiro u guurye

Waayeel ishaarooyinbaa, loo iftimiyaaye

Axadiyo Isniintaynu dood, furan Inshaalaaye

Iminkana ikhyaareey xisbigaan, aaday xaruntiisa

Nin meesha ka dhawaa oo loo qaatay inuu is maqashiinayey madaxda rugta oo af-miinshaaraynayey ayaa dameerkii af-lagaadeeyay oo ku yidhi hadalkan:

Asluubtiyo anshaxaa kaa xun iyo, edebta baalkeede

Wax asuulka aan baranin oo, oodan baa tahaye

In dameerku ubad xaasid yahay, sheege awyaduye

Nin awoowe soo talin jiriyo, aabe sare yeeshay

Sow adeeradii ma ay ahayn, guurti la amaano

Sow kuma ag korin rag aan, dirir kasoo ooyin

Ayeeyooyinkiisii hidiyo, sow dun la eexin

Sow ila-xidh lama seexinin iyo, aqalo hoos weyn leh

Sow aduunka wixii ay jantaan, lama adiibaynin

Sow yarad gamaan orod leh iyo, eyro lama dhiibin

Sow gobbaa xurmada oofisee, aalad lama raacin

Abtiyaaladii sow ma ridin, duciyo aamiinta

Sow Muxubo kuma soo anqaran, farax ku iidaaman

Aayooyinkii sow tafaha udug, ma daacaynin

Sow eedadii kuma ga’m ayn, uunsi iyo jaawi

Sow abaabintii gacalo hees, uma olkaynaynin

Ayaan badane sow kuma lahayn, ubaxa baarkiisa

Ilwaad quruxsanoow luuqda sow, ma istareexaynin

Midkaas dunidu may eedin, oo waa asalidiiye

Arad iyo midkii hooyadii, heerin ku aabaaday

Oo ay areebada ahayd, idifsan oo luun leh

Oo ooda geed muday markay, araxda raacaysay

Oo aan ideed bogon marnaba, doog iyo abaar san

Oo odaygu dakharayn jiray, eeday dunidiiye

Abwaaniinta aad tirisay ee, laga ashaatoobay

Abtirsiinyo yey hililisheen, ololohoodiiye

Taariikh axmaqu moog yaheey, ku intifaaceene

Araarahaad sabbaysaye ma aad, eegin nuxudhkiye

Aawiidii Nabi Luudhna sow, maad akhriyin Huude

Iridkaaga doob qeybin baan, kugu alhuumayne

Dameerkii baa u jawaabay ninkaa loo qaatay inuu af-miinshaaraynayey oo madaxda is maqashiinayey. Wuxuu yidhi dameekii:

Suqraadkii atiin iyo naflaba ka asqaraarsiiyey (Socrates, Athens)

Aristo iyo Aristotle iyo, niman Aflaaduun leh (Aristotle)

Arday waxay dareersheen kuwii, galay iskuulkooda

Inishtaan Isxaaq Luudsan iyo, Oskar iyo Luuda???

Ibnu-Siinihii qoray shifada, iyo Abii-Xaamud

Ifka korotada inoo balbalada, Abison kii keenay

Galiiliyo iyo Arikoori iyo, daanti Arigeri (Galileo Galilei)

Aduunyada is-korisbaa wax taray, oo abaal ku lehe

Ablaxyahoow gunada doonayaa, ma lihid iimaane

Eygaba lafbaa loo dhigaa, edeg duleedkiise

Markaasuu ilaalada xajaa, owda badiyaaye

Isagaad akhlaaqdiyo dabciga, ka ashbahaysaaye

Adoomahakan iil sugahayee, magan Ilaahay ah

Alla dooriyahow goojadaad, ula amaaraysid

Ma anfaca doon iyo barqaa, kugu ijbaaraaya

Ninku sidii markii horreba uu ugu baanay ee uu ugu hanjabay dameerkii qaydin buu la dhacay. Dameerkii oo xanaftii qaba yaa isagoo iridda kasii baxaya dib usoo jelleecay ninkii oo wuxuu kusoo tuuray hadalkan. Wuxuu yidhi:

Ilayskaa shamsada daal u dhimay, kii inkirayaaye

Afar-iyo-tobanaadkaa harraad, kii anfiyayaaye

Badda lama asliyo moolka weyn, ee Atlantika ee

Afkaar laguma caabiyo budhkaad, kula abraartaane

Agnaan lama noqdee qodob, ra’yaa lagu asiibaaye

Maxaad iga alwaaxayn xaq baan, ku adimaayaaye

Dameerku xanaftii iyo baqo-cararkii wuxuu ku tagay Xarunta Xisbiga oo markaa ahayd Guriga Ummadda. Ninkii soo dhawayn joogay ayuu dacwadiisii u qaddimay oo wuxuu yidhi:

Daahiroow addimo daalka, waa udulubaayaaye

Axadka i rartee baas warkii, diid idaacada e

Ashtakadaydan gaadhsii walaal, meesha ku abaaran

Daahir wuxuu telefoon u diray gudoomiyihii Hogaanka Shuruucda iyo Caddaalada ee wakhtigaas. Wuxuu yidhi Jaalle Gudoomiye waxaa iridda kuu taagan dameer mudici ah oo cabanaya oo sheeganaya inuu dulman yahay. Gudoomiyihii wuxuu yidhi oo kusoo jawaabay:

Aga Daahiroow sow tan ay, dunidu aafowday

Awowgii la naar howsha, waa loo abtiriyaaye

Eegadatan garsoorka u dir, oo ani ha ii keenin

Dameerkii markii fariintii la soo gaadhsiiyey wuxuu u dhaqaaqay oo u jahaystay meeshii loogu tilmaamay Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka. Wuxuu hoos uga daadagay wadadaas Jamaal Cabdi Naasir. Markii uu marayey Taalada Dhagaxtuur hareerteeda yuu il-qoodhka wuxuu ka arkay ubaxa halkaas ku yaala. Ilaa saakuu boqoole iyo dacwad ahaayee, wuu ku leexday oo laanbuu rudhay ubax ah.

Waxaa qabtay oo isku duubay asgari ka tirsan Deegaanka Muqdishu. Wuu kaxeeyoo wuxuu geeyay xero ay ku xaraysan yihiin xoolo kale oo fara badan oo meerisyaal kala duwan ah oo iyaguna sidiisaas oo kale danbi ka galay Dawlada Hoose ee Muqdishu oo ka kooban … riyo, ido, nooc yadii xoolaha oo dhan. Markii dameerkii xerada lasoo galiyey, ayaa asgarigii waday waxaa isku taagay oo isku liqdaaray orgi cad oo dheer oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray markiisii horana laga keenay gobolka Hiiraan dhinaca Maxaas. Asgarigii buu hadalkan kulul u jeediyoo wuxuu yidhi:

Eeg qeybta 2aad (II)

F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

Murtiyosuugaan

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo