Gabaygaan waxaa tiriyay Axmed Maxamed Shirwac Dhuurcas.april 1997kii waxaa layiraa gabayga magciisa shilkii reer kismaanyo;

Shuqul gabay baroow wanigii sheekadiis dhigaye
Wanigii shakalka iyo ku xiray shabaq aan sideen.
Shib waataan kairi maansadaan sheeqa ku ahaa.

Teer iyo shir qaran waa teey iga shareernaaye.
Waatii dad badan iga shakiyay ina shuqeyeene.
Mid shidkiisi galay caawo aan shiinka ka higaadsho.

Shalaay waa ku iman dhiigayag qoom shafecsaday.
Ma shifeysan jirin godab ninkii nag shaqestaaye.
Qabilkii shar noo maamulaa guul mashiiqsado.

Shido iyo xuman kam helno iyo shir iyo dulaan.
Mashuqeeyno deegamadaan sheeda wad naale.
Sharaf baan wax kula qeybsanaa shacabka soomaali.

Intii nabad lasheel sheelin karo waan u shin tirinaa.
Dabka nalgu shido malinkuu shuuqa damin waayo.
Sheekad markii la isku dhaho lag shil roonaaye.

Ayaan sida shamsad iyo dayax shaac u noqonaaye.
Dad ninkii shanshad buuxsantay iyo kibir ubeen sheego.
Dharaar shaahid loo wada yahaan kag shaneynaa.

Shisheeye iyo sokeeyab horuu nooga marg sheegi
Cadkayag nin shiiqsad la waa shuunkas toos yahay.
Shaf nalooma tuma goob dagaal am shihiid yaale.

Shahaado iyo cadeen waxaan laheen sheego maqaane.
Libin loo sharuutamay aneey shir iga racdaaye.
Inaan been ku shomeen ragbaa iiga shaahida.

Waxaan gabyga aad ugu sharaxy uguna shiidaaday..
Damiin baan wax ugu shegayaa shaqlka waaween.
Shilkii reer kismaanyo iyo kadhacay shacabka reer waamo.

Shukanta iyo ragii lagal dagay shirarka baabuurta.
Oo dumarka lagu shiish baray oo ubadku shandheeyay.
Shilalkii ladhigay boor dage iyo shiradii loo toogtay.
Shanqari kam danbeen baa layiri wali shabaxii.

Majerteen shantaan bari haduu farax ku sheekeystay.
Sharibad haduu daray lib aan waligii loo sheegin.
Shin hadeey noqdeen wax wadnah shiil kaga taalba.

Sideydii haduu shaar libaax harag shabeel qaatay.
Shulah haduu maro wad dhigtoo shaal garbah sartay.
Shirib hadeey lasoo wad tunteen sharic iyo toonka.

Hadaan shaamreer dhicin ilamd sharibad qooyso.
Maxaa shalay inoo waday hadaan sheeko ku idlaanin.
Shalaayto iyo haraan hadaan lagu sharkoobin.

Shirka odaydii dhigay hadaan shaaca laga qaadin.
Baqaarad hadaan la iska shabin sheeyna lag qaato.
Hadaan bahal kushirin mayd wadad shalay ku ruux waayay.

Shan iyo toban hadaan habaqle dhaxay shoorka jabin waayin.
Bada dad isku sii shubay hadaan moori kula shiidin.
Shixnadihii iyo hadaan donyihii laisku shubi waayin.

Shuf hadaan lanoqon ebaheey loo shukriyi waaye.
Shab hadaan la oran otangadii shaly la oodeeyay.
Shafkeey kacayshee xero hadaan shaah lagu iibin.

Shiraac iyo hadaan teendho iyo kaar lawada sheegan.
Shirqoolka iyo hadaan damac iyo kibirku shaashoobin.
Showshoowda badan iyo hadaan shoorku socon waayin.
Shuruubah hadaan lagal baqin shegashda ciida.

Haduusan shadafah kaguran koonfur shacbkiinu.
Ama eeysan shaqalo iyo noqon sheegad nal jooga,
Sidinaan shiraac doon leh iyo shuud kusoo galay.

Sharafkaan ku dhadanhayna iyo shicirku waa beene.
Sheeb iyo shabaab nabdii hadii showri lagu tuuray.
Oo uu shirka u yahay hartigu wado Shacuubtiisu

Ama eey shufta u wad yihiin shuushka bixi waayay.
Shiinah dad le,eg waadinkii sheegan jiray waaye,
Waxaan soo shamiray xoogagii idinka shelnaaye.
Shankaroorta gorteey sidii buda idiin shiido ,

Am laisku kiinsoo shafoo faro la idiin sheegto,
Shinbiro saa tihiin uu galeer aad u shabkeeyay.
Shabad weeye kugu taal in aad shagax dhaheysaan,
La’ iskuma Shabaho darjo aan kugu Sharifneen.

Shafka looma tumo geesinimo aan shisho aheen.
Shaxshax maahan meel lagu shuf baxay in aad shirnataan,
Idinkoo shalwady baad guryihii sii sharxateene.

Niman sida guurtad shinidaad kugu shamuumaayo.
Oo wax eey ku shaximanyihii aana lashegeynin .
Shakilad waxaa kaa dagay ciidan kuu shaxaye,

Kuwii ugu shideysnaa ayaa sheeda kaa tubane.
Kol haduuba shiishkoodu yahay shaafka aw magan ah
Shantarkaan jubad hoose waa kaa shramahayaa.

Inta eeya shacuurtu is badalin oo shaagu soconaayo.
Majerteen halkaad shaly katimid shaahid ugu guuro,
Iskuna shuba shilabteed bari shekadii xiraye.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Cumar Mahamoud Hirsi

Raadraacii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo