Shiiqso garowgaaga
Gabaygan intan baan ka heynaa ee soo dira
Shallaadka iyo Qur’aanka aad akhriyi shicirka eedaanka
Waxba hays shirrabin waan arkaa shiikh in aad tahay eh
Shardi bay dhigteen awgayoow shan aan u weynahay eh
Ninka aan shir iyo heemaal lahayni sharaf ka dheeraaye
Karuur shawleh caanaha shimaal looma soo shubo eh
Adigaa shabeelle iyo yaqaan sheelihii webiyeh
Adiga ayay degmadu kuu shidhayn wanan la shiilaaye
Orod aayar sii shabakaxso oo shiiqso garowgaaga.
Fadlan Gabaygan hadaad hayso inta dhiman nala wadaag
Facebook: Murti Academy
Email:Â [email protected]
Phone Number: +252634074575 +252906324144
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed