Gabaygii:Sheritoon

gabaygan waxuu mariyey Abwaanku xaflad la isku yimid halkaasna gabay ka tiri la yidhi, deedna gabaygan soo socda buu mariyey waxuu Yidhi:-


Hadii gabay nin shaacira inuu sheego laga doono
Waa inuu shuruudiisa hore shaqalka giijaaye
Waa inuu midaan shilin lahayn shiinka mariyaaye

Aniguna markaan shiilo waan shubi aqaanaaye
Intaan hadalka shaandhaynayaan dib uga sheexaaye
Mar hadaan shunuudiisa galo wow shintiriyaaye

Ma shaxaado maansada haduu shaago ii baxo’e
Anigoo shahaado u sitaa la i shirabayaaye
Bal maan caawa shaadhkaan lahaa shaaca ka cadeeyo

Waa habeen shawaalkii kulmay iyo shaharkii soon qaade
Shaamo reer u dhimay ruuxa caawa yimide shiritone
Waa meel ninkii shaahidu sharaf ka muuqdaaye

Waa meel ragii sheeganaa shir u yimaadeene
Waa meel shabaab buuxiyo iyo shaybahii dhalaye
Waa meel shabeeliyo Juboo shidan la moodaaye

Waa meel sidii loo sharaxay shaah ahayd bariye
Waa meel Shaxdii oo camiran shaabahaad ku lahe
Shacniga iyo wanaageedu waa shay cajaa’ib ah’e

Shalay dunidu weeye ilaa shiiga maanta ah’e
Bari waxii shisheeyana waa shaqo Ilaahay’e
Shamsadii timaadaba aduun waa shucuur kale’e

Waligeed shil baa dhici jiriyo shar iyo khayraade
Ninba waxuu shaqaystaaba waa shaabad ku hortaale
Shiribkii adaan morganow showga kuu dhigaye

Shaki maleh inaad Maxamadow sheeko dheer tahaye
Taariikhdu kuma shiiqin oo shaaca lagu saarye
Anigana shafkaad iiga taal shaaca feedhaha’e
Shuxmad iyo salaan iiga gee shacabkii reer Waamo.

Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo