Gabay: Seyruuq,
Gabaygan Ina Suusle waxuu jawaab u yahay nin la yidhaa Cabdi baraar ba ka soo gabyey Carabta. Gabaygiisuna ku saabsanaa dagaaladii ka dhacay Koonfurta, iyo siyaasada Waqooyiga soomaaliya. !” markaa Suusle gabaygan mariyey cabdi baraar wax jawaab ah ma gabay ah waa soo rogan waayey Hadaan xooga aka soo qaadano Hadaladii Cabdi baraar si tuuro gooyo ah waa kuwan.
Surwaal iyo hada idinku hora saacad iyo shaadhe
Hadii badow caqligu seeman yahay suudh cad loo galiyo
Subax qudha markii reer Taleex sarabka loo qaatey
Kuman yaal xakamahii wataa haadka loo logaye
Waxaa la yidhi Beenaale markhaatigiisa buu fogeeya, Dagaalkii Gumasyatah Ingiriiska Diyaaradaha ku garaacay Taleex,Ayuu Cabdi Baraar u haysta Diyaaradaha in ay wadeen Ilmaadeeradii, Jawaabtii Yusuf Cabdulahi Suusle waa tan waxuu yidhi:-
Sarbeeb gabay ah suugaan abwaan siin ka higaadshay
Waa inuu sameeyaa mid aan lagu saluugaaye
Waa inuu silsillad aan ogayn sooha Caliyow e
Taariikhda waa inuu sugaa soo jireenka ah e
Nimaan baa mid aan sumad lahayn sowricii dilaye
Markaasaa ninkii saamacaa sacal ka qaadaaye
Sanqadhayda goortay maqlaan salal ha qaadaane
Waa inaan sengehii qoofalaa saara koorahe e
Waa inaan siniin iyo wan weyn siiyo badhidiiye
Waa inaan sitaacii fardaha suumankow xidha e
Sayruuqa dheer iyo gantaal sun iyo waabayleh
Ninka yidhi sakaawaan ridoo saamkii la cabeeyey
Surka dhigo baryahan seeftu waa sowtu baalidaye
Iidoor sahwiyey waa inuu sagan la yeedhaaye
Waligiiba waa salalafaa kay sajaciyaane
Markaasuu naflaha saaxiga wada sadheeyaaye .
Waa tay Salaan iyo rag kale solo ku hoogayne
Waa saancadaagii dhadhabay soodir oo qalane
Waa sarakacii Yowle iyo Samatar waagiiye
Surmo seegtadii waad ogayd sal iyo baar eege
Sooryadii ismaaciil markuu sumalka loogaayey
Isba taladii waa seeganayd subaxi weedhaane
Sideed guuradii horena waa saarkii maxamuude
Adna salowga iyo buuqi waa surucyadiiniiye
Waligiinba kama saahidaad sawt munaafaq ah e
Af saliidyo weyn baad waqiin cay ku sidataane
Sodohdii dhirbaaxada ninkii suuniyaha gooyey
Ee yidhi salaan bay ahayd aan sasabanaayo
Alleylehe sakhraan yahow adaa ceebsidiisa ah e
Hadii hadalki sibiq gaaga tagay kaana saranseeray
Adigoo saleeliya haduu sahalo kuu dhaafay
Sancadii xumaata ninkii suubiyaa qabo e
Suldaan kabaha qaadiyo garaad saamax loo fidiyey
Su’aashasi waa kuu hadhiyo saa ninkii falaye
Bal nasii jawaab saafiyaan sugii baraarow e
Afartaa salaamada naxwaha seeska ma adkeeye
Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn jiraye
Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray
Ma salimay nimaan saxar lahayn waa sifayn jiray e
Salka bariga sanaag iyo nugaal saylac iyo awdal
Sallaxley sangoori daroor seeto iyo faafan
Soloyartay sunkaaniyo danood saaca daratoole
Sagaag iyo jidaha ceelal dheer seerigii xodayo
Soda gedo sablaale iyo bakool saraca baardheere
Sinta kudhan santaariyo afmadow saakow iyo waamo
Saca mooja saanguuni iyo baytii marka afgooye
Suuryadii baraawiyo markiyo saxadii ceeljaale
Sanka cadale sunayda xamar sayladiyo jawhar
Sabuul baxay simartiyo galay sone baladweyne
Sadex lebille saare iyo mudug deelatiyo ceelcad
Sacmadeeqo sool iyo galgalo sabarka buuhoodle
Sanku neeflihii joogi jirey saxalku maasheeye
Waa tii sabaanadan colaad sooga la ahaaye
Sar la dumiyo saqaf ciirayiyo sahay la boobaayey
Sinada iyo kufsiga baahay iyo saaruq iyo tuuga
Sayi’aadka dhacay uumiyaha samada loo diiday
Sunihiyo wardiga ay gefeen suufiyada diintu
Silcayeedka naagaha hayiyo sabiga ooyaaya
Saqla orodka suqa yaraha lumay seedhankiyo fiinka
Seeraha xudidkiyo baqaha suliga weydaartey
Sawaaxiliga qaawani raguu sabaradaynaayey
Saboolkiyo qaxootiga xeryaha lagu sakuumaayo.
Sonkor waaga soor iyo anfaco sikhiga caydhoobay
Saabuun la’aantiyo maryaha sugul madoobaaday
Sakhafkiyo gadhfeedhay timaha suuban galinweyday
Saf dilaaca dhiig iyo mariil saafatiyo duumo
Saxariirka waa wada qabaan saan madoobuhuye
Sacad iyo abgaal iyo markii sino xun loo eego
Sahal weeye daarood wuxuu saaka tabayaaye
Soomaali idinkaa u darnaa saynihii dhacaye
Sibahaa tihiin baa naflihi ka siqsiqayaaye
Inkastoynin kala soo canoo sadarba meel aaday
Aan calanku meeshuu sudhnaa lagu salaamaynin
Nin waliba salkuu dhigay halkuu sura ku lahaaye
Aduunba saraar iyo togdheer saafur kaga noole
Sede ceeb ah adigaa fadhiya oo sariibada e
Afartaa salaamada naxwaha seeska ma adkeeye
Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn jiraye
Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray
Ma salimay nimaan saxar lahayn waa sifayn jiray e
Hadii aad saldano haysatiyo saajac lagu dhaarto
Siilaanyo uma haajireen seencadihii yurub e
Subehiga cigaal iyo waxuu sanam ahaadaaba
Sandareero leefkii markuu saaxil ku hungoobay
Saleebaana kama qayliyeen suul alool jabaye
Sawirkiina waa meehanoow saaqidka ahaaye
Saqdhexe ayaad aroor mooday iyo subax dharaareede
Sawir been ah saxaraa indhahu kuu sayixiyeene
Sowsowle madhan baad abaar saxan saxooteene
Sacabada ku dharagii biyahu suuro galiwaaye
Somalilayn iyo hadaad sowt ukala suurno
Sadexdii maqnaa iyo hadaan xamar salaamayno
Oo aan sidaad doonaysaan idinla suureeyo
Single aniga ha imoodin iyo seedi kula yaale
Saamiga markii dowladnimo samaha loo tuuro
Sedkii aan lahaa waad taqaan sararahaygiiye
Sugimaayo maantana waxaan saahid ka ahayne
War saadlaad ku faantiyo mataan saad u dahataane
Samow maxamed iyo jaamac iyo saahidkii carara
Sadex cumar u weyn yahay anaa suuradii tabaye
Saaxiibo dhawraad dishaan oo saqaafo e
Samirka iyo dulqaadkaygu waa sabab idiin taale
Safar anigu layn maayo iyo socoto jiilaale
Suyuc nabada sulux been ah baa lagu saa’ilaye
Idinkaa socdaalkiyo martida sooman gowraca e
Saqiirka iyo umulo dooxu waa sumadahiiniye
Siidhiga dagaalka maalintii salabka loo qaato
Meelay samaad oo dhashiyo seenyo ololayso
Oo safayn labo qabiil saanadu is dhaafto
Mar hadaan salcaan diriro way suruc taqaaniin
Afartaa salaamada naxwaha seeska ma adkeeye
Ma salaxay sar iyo daarcad waa saawiyeyn jiraye
Siraadka iyo nuurkaan u shiday saanima udaaray
Ma salimay nimaan saxar lahayn waa sifayn jiray e
Sal balaadh sigiiniyo cabdow soohdintii durugtay
Ee aad sareef ilaa sibidhlay daaqaysay
Sumuc inama qaadane dalkaan kuu sandalleeyey
Ee haatan soo ururayaan sowd yar kaa odhane
Suugaanta hawdiyo intaan sirow ka baaqaayey
Aan reerka saac dooglihiyo soolal marinaayey
Aan seer ma waydiyo daruur sagal gu’ eegaayey
Sanada iyo naq raacayngu waa kun sad buriyeene
Sare galiyo shilinbaad tihiin saaran xoolaha e
Jincistaan ka guuraba markaad sarab ka jeexaysay
Aad saalax weetiyo iib nagu sabaalaysay
Aan sogobka naaxiyo wankiyo simayey goolkayga
Ea aan sokeeyiyo xigaal saxa ku moodaayey
Inay sibiqi ku laaban tahay layma solonsiine
Sanqashada waa ii doraad suuldhabaaladuye
Allow sahana ruuxaan sir qabin ee saciinka ahe
Sidihii anigu lay qoolayaa sudhan lugtiiniiye
Sumcadna maanta iima leh waxaan kugu sameeyaaye
Intay sabarka kaa ruubayaan soodhka habaryonis
Ee aad sagaaro u tihiin surun yar loo ooday
Sii jeed inaan kuu dillaa iima suubana e
Waa sarar duleed nabarku yaad saadanbe i odhane
Iska sabo salma iyo caynabaan kaaga dhigay saade
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed