Gabayga:Sarsar
Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey geeridii walaalkii Ugaas Xuseen. Isaga oo Qoraxeey jooga oo reer uu gabadh ka qabay ina la yaal u ah, ayuu cuntadii diiday oo uu mar qudheeta goosan kari waayey. Gabadhii uu qabay oo Ina Nuur Yey la odhan jiray ayaa aabaheed u tagtay oo ku tidhi ninkii waxna iima sheegayo dheeftiina diid. Dadkii horre wax garasho iyo fahmo badan ayey ahaayeene, odaygii gabadha dhalay ayaa gartay in meesha wax ku jiraan oo uu Raage wax tabanayo. Gabadhii buu dabadeed wuxuu ku yidhi, haddaynine, kolba toosiyoo, isagaa hadli doonee wuxuu ku hadlo iisoo sheeg. Gabadhii baa aqalkedii kusoo noqotay oo taladii abaheed yeeshay. Markii u dambaysay ayuu fadhiistay oo uu yidhi . waxuu yidhi:-
Shir Sasabane oo saaddanba ah, amase saakuun ah
Suxulkaa ka soo leef markuu, badawgu sooyaamo
Raggii kala sabaalayn jiray iyo, sayncaddaa madhaye
Sooraale aar baa dhufsaday, sararihii Nuure e
Saratoosiyaa Adan cunay, siqigii dheeraaye
Soonkii kal horre Yuusuf, baan siigadii dhigaye
Sanyaraan hagoogtiisa siday, laba sabaanood e
Sahal bay ahaayeen raggaan, saa u lee yahay
Maantaa salaankii u jabay, Samatar Fool-Jeexe
Dhaaxaan salaama iyo ahayn, saafi nabadeede
Gablan samo adduun, waa waxaan kor u siyaadayne
Sarsar igu banaanaa mus iyo, sud igu deyrayde
Nin sirsiraad ka damay, wuxuu shitaa sooma xaabadiye
Soo jeedahaan ku hurdi jiray, sulubkii geeryooye
Wax badan baa siddii siiqda webi, saa naloo wadaye
Boqorkaan saf iyo fara lahayn, waa sakaar adhiye
Iga seexo surin layhayo, yaan seedi kaa gu’ine
Ha i siinin soortii shifaan, lagu sadaadoone
Ama saadanimadii haween, saacadba i toosi
Gabadhii baa gabaygii xafidday oo abaheed siddii uu Raage u yidhi ugu marisay. Odaygii ayaa markiiba fahmay dhiilada so korodhay oo yidhi Ugaas Xuseen baa geeriyoodayee sahay, sibraar caano ah, sibraar biyo ah, iyo farasba ha loo diyaariyo Raage. Siddii baa la yeelay oo Raage ugu amba baxay tacsidii ugaaska. Tacsidii ayuu kuu daahay Raage markaasuu is yidhi amay qoladii aad xididka ahaydeen ku tiigsadaan amaba u maleeyaan inaad isaga tashatay oodanba soo socon. Gabaygan kale ayuu haddaba goobtii uu joogay kasoo diray waxuu Yidhi:-
Muli kuyan lawaashida cad iyo laashinka adduunka
Lama ooyin laanqeyr sideed laysku wada laabay
Anoon kuna ladayn kuna lulmoon laab siraad ololka
Sheekhyadu lamaadiye sidaan leyl u yuururaye
Raggii lumay libaaxdii go’diyo nimankii leexeeyey
Lurkay iga hayeen baa i galay sida dab laydheede
Umad baan lalabaheed ku jiray tabar lihiinkeye
Wuu kugu laclaafuu is odhan laqankii Ciideede
Lugta iyo haddii aanan ka jabin lowga iyo dhaadka
Marna inaan kaa laabaneyn igaga laab riixo
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed