Gabayga: Samuhu Waa Guur



❀Sirta nolosho qofkii rabow, samuhu waa guure

❀Saansaan hadaad muujisoo, saaka reer damacdo

❀Si wanaagsan yeel Eebe wuu ku siin, saamiga calafe

❀Sifo dhawra haween lagu xushaa, suubanuhu sheegye

❀Diintaa u sidatoo malaha quruxdu, waa sababe

❀Sumcad iyo akhlaq wacan mid loo, dhaqanka aan saydhin

❀Sumad gaari waa lagu xusha, baali lama soocdo

❀Seygeeda tii sharafta ee, saalixda dooro

❀Raaliyana dumar lama sinoo, wey ugu sareysaaye

❀Sadrigaa ku doogsada haday, diinta sidataaye

❀Silic weeye doobnimo hadaan, dani ku seetayne

❀Sirta nolosha qofki rabow, samuhu waa guure

Abwaan Shuuriye gabaygan wuxuu tiriyay 05/09/2012

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Abwaan Buureed

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo