Gabayga:Samir


Dagaalkii 2aad ee adduunka markii uu socday ee ay quwadaha shisheeye ku hardamayeen Geeska Afrika ayaa waxaa indhaha Soomaalidii reer guuraga ahayd ku badatay diyaarado samadaa lalaya Inkastoo Daraawiishtii Sayid Maxamed diyaarado Ingiriisku ku rusheeyey Magaalada Taleex Soomaalidu aad uma aysan famahsanayn rooblaanadaa cirka lalaysa ee dushaa sare wax kasoo halgaadaysa. Waxaa haddaba dhacday in dadweynuhu ay weydiiyaan raggii aftahanada ahaa bal inay sifeeyaan walaxdan jini ee dadkii rucbiga ku abuurtay. Raggii haddaba arintaa ka gabyey waxaa ka mid ahaa Maxamuud oo tiriyey gabaygan yaabka leh ee hoose. Wuxuu yidhi:-


Cirka waxaan sallaanku u sudhnayn sida sayaariinta
Oon saraca hoosiyo arlada cagaha saaraynin
Oo siifadduu kaga hanqarin haadku sare joogsan
Oo laga salsaliyoon, lahayn siigo iyo leexo
Oon lagu salaaxayn, haddaad sumuc ku liishaanto
Belaayada qalbiga suurisaye samada xiimaysa

Oo sool dhexeetiyo hawada sulunsulxaynaysa
Oo gaal sameeyoon Illaah nolol u suuraynin
Baa sebenka Ciid looga tegay sabashadeediiye
Oo sanada dayrtiyo arlada loogu suudalaye
Dhulka wixii socdaa laga holaa samay colaadeede
Xagga sare wax kaa dilahayoo sun iyo baaruud leh
Oo aanad dagaal lagu sardamay kaga sed qaadaynin
Inaad samirto mooyee ma jiro waxaad samaysaaye

Sarsar awdan saamo iyo aqal siibad iiyo daaro
Siraad iyo bannaan soohdin iyo sud iyo meel hawda
Socod iyo negaansho iyo fadhi seexad iyo rooris
Sina waxaanad kaga maag helayn na lagu soo saarye
Saddex boqol haddaad sii dhaxdiyo saayid iyo maalmo
Salaadii dilaacdaba Iblays dhalada kaa saaran
Oo Eebbhahay kugu salliday saancad kama weyna!!

Sanaciisa laga fajacay ninkii bahashan soo saaray
Sixir lagu tusyaa iyo farsamo waxu sameeyaaba
Alleylehe ninkaaasaaa sanciyo saayiqnimo sheegtay!

Wax sawaabka haadeed leh baa saabtay dunidiiye
Sintuu dhigay Amxaarkii lahaa seerahaan jebine
Kolka adigu Soomaliyeey qaado samirkaaga
Oo dhaha “Sinyoorow na daa waanu soo geliye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo