Gabaygii: Samaan Geel

gabygan wuxuu tilmaamayaa dhibta faraha badan ee laga soo maro dhaqidda
geela. Wuxuu yidhi:


Sool iyo kulaylkaan marshaa sabo ciriiryoone
Halka doogga lagu saa’ilaan ugu saqaafaaye
Sodon bay u hoyataa xeryaha Suurad loo dhigaye
Wow sado cammuuduye korkuu subag ku yeeshaaye

Suurtii horeetaba murkaa laga siyaakhaaye
Markaasu sawaarloow ratigu dhebida saydhaaye
Goortuu sawaaninahayaa laga subxaantaaye
Sagaal buu wada goojiyaa kuu saqdii miraye.

Markay saxarka soo laasataan samay u qaataaye
Subaxdii horteedaan kacaa soco i dhaahdaaye
Sararaha waxaan kaga dhuftaa laba sarwaamoode
Suudiga baqoolay markaa soo sinsimataaye

Halkaan hadh ugu suuraynayaan sax ugu joojaaye
Santaraan horteeda u dhigaa siima daaye ahe
Anna socotadaan qabay hurdaan yarehe seexdaaye
Goortaan sardheeyaan inta salalo boodaaye

Siidhiga markaasaan ridaa sowd carraabe ahe
Iyadoo cishaha loo saftaan dhir u suryeeyaaye
Sumucaan awaaraha dhigtaa samac idhaadaaye.
Saadaasha waagoon beryin baa soocan didiyaaye

Saddex iyo beryey sii dhaxdaa oo sadcaal tahaye
Subaxdii dambeetaa Nugaal laga salaamaaye
Ceel baan sallaan kaalimeed uga sameeyaaye
Sibrahaan maqaar ugu xidhaa sebi sidiisiiye

Waxaan siiyo siiyaba markii sabarku weynaado
Ee ay sakaarkiyo kelyaha suunka kala jiiddo
Saraan ugu baxaa oo rakaad kala sunneeyaaye
Biyadiidka siniintii qabaan sed ugu laabtaaye

Aniguna salkaan yara dhigaa saacad iyo dhawre
Bal haddaan saqaafee dayaca kaga saloognaado
Oo aan fuluhu waa sasaa ee saajacnimo sheegtay
Maxaa geel samaanti iigu dhiman wow sed celiyaaye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo