- Anoo suursanaayoo waxbadan, saami heli waayey
- Oo surinka maanso u haboon, la iga saynsaabay
- Markaan eego saaciyo xilligga, sawdka dhalan doona
- Sinta maalintuu soo dhigtee, sararta ii dhiibto
- Surmaseegto wow diidi jiray, inuu sinbiidhaaye
- Caawana bal aan meel ka saro, taan sidayn jiraye
- Hadal sugan Illaahay samee, waana suu yidhiye
- Salaamadii runtuu ina tusiyo, lama saluugaane
- Suuradaha Qur’aankiyo markaan, sadaradii eegno
- Qof waliba intuu socon intuu soor, anfacan doono
- Intuu sabi cayaal dhali intuu sano, ee joogaayo
- Iyo saacaduu dhiman hayiyo, sababta mowdkiisa
- Rabbi hayna seejee in ay naari, soli doonto
- Iyo in janadii suubanayd, la iska siinaayo
- Illaahii samaystaa yaqaan, suu u galayaaye
- Saamatadana kii raadiyee, sabana gaajooda
- Safrad iyo baqoolo iyo lug iyo, suudi iyo guure
- Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba
- Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba
- Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba
- Ama ay salaadida martoo, samada aadaaba
- Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba
- Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey
- Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye
- Saamaatadana kii raadiyaa, bari hadday seegto
- Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye
- Hayeeshee sansaan bay rabtaa saa markay tahaye
- Wax waliba saraaday wataan, lagu sifeeyaaye
- Kolkii sabada ceelka aan dagnoo, siigo iyo boodhle
- Ooy subaxdu jiilaal tahay oo, sagal inoo muuqdo
- Tuska suudigiisu uu bataye, milicda soo saaray
- Daruur saalimaysana hadduu, dhinac ku saynsaabo
- Sadbaa laga inshaartaa kaliil, saymo iyo roobee
- Haddii kale cirkoo seeman iyo, samada oo qaawan
- Inuu sahal dharaartaa ku da’o oo, biyaha saydho
- Haba sugina saaxiibayaal, waa si aan jirinee
- Haddaan gabayga saab ugu dhexrido, saafan mahayaane
- Sheekadu salool ha u dhacdee waxaa salkeedii ah
- Soomalida Galbeedeey ogoow, waad siloon tahay ee
- Saantiinii oo muuqataad, sogordohaysaane
- Sharaftiinii baad suuliseen, oo siyaada ahe
- Bal maahmaahna waan kuu sawiri, saad ku garataane
- Idahaba saleeligu intuu, saaran kari waayo
- Sumalkii riyana seegay baad, saaka noqoteene!
- Tu labaadna aan kuu sawiro, saad ku garataane
- Sarsarka iyo hashii labada geel, soof kuwada raacday
- Ee bahalku seeraha ku dilay, kama sokaysaane!
- Bal tu kalana aan kuu sawiro, saad ku garataane
- Saalada intay labada wiil xerro, ku saameeshay
- Soo gurro markuu taada yidhi, sabigii dheelaayey
- Saami weyn yarkii diiday iyo, sacabkii oo buuxa
- Ee siddoo aan ku raaco yidhi yaa, sidiina ahee!
- Mid afraadna aan ku sawiro, saad ku garataane
- Saddexdii la yidhi Eebaheey, suuro galin maayo
- Sancadiina saawayn kartaa, laga saliilyoone!
- Duul yahoow wax baa idiin sanqadhay, sararo waawaynee
- Malaha daalin baa indin sixrayoo, waabad salasheene
- Nin waliba intuu suudh xidhiyo, shaadhadh wada suuf ah
- Oo kabo sagaashana gatiyo, saacadii gacanta
- Sargaalayntu waa idiin bilaash, ama santaagaase
- Sarifdoon idiin maba ekiyo, gabadh salaaxoode
- Waaba ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree
- Waa ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree
- Dhulkiinaa sanaadigu furtay ee, lagu safaadaayo
- Dadkaa sir iyo caad xoolihii, laga sabooleeyay
- Ee siliga lugu meerin ee, cadowgu seeteeyay
- Ee soor macaan laga dhigtay ee, aad u saxariiray
- Ee kii siqsiqa maalinkaa, hoosta laga siibay
- Ee sogob baruur baan rabaa, ama sicii naaxay
- Iyo subagga ii keen intaa, loo silsiladeeyo
- Saldaniyo haddii aad rabtaan, saajacnimo buuxda
- Suud iyo ha meeraysanina, Soolashii Bariye
- Socdaalkii Hargaysiyo Burcana, how sawaalina ee
- Haka suginna qayrkaa inuu, kuu sasabi gaal ee
- Ergo kuguma saacido ileen, wiil ku saanyadayee
- Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto
- Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato
- Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto
- Sanbabada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo
- Adigana surkuu lugu jariyo, sabaro naafooba
- Iyo suxuladaadoo jabiyo, seed ku kala booda
- Shardii ood naftoo sirinsirqa ah, toban sagaalayso
- Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane
- Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento
- Sanahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sidda ee
- Adigana suncadii kaa luntay baa, sacadaa iman ee
- Markaasay siqiirkaad dhashay iyo, sabigu noolaan ee
- Sidaan idhi haddaydaan wax badan, saahid ku ahaaninÂ
- Xornima aad saleela u heshaan, idinka oo seexday
- Waa tii saancad laga qaado oo, lugu sumoobaaye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed